Sign in to follow this  
xiinfaniin

Summit to support TFG concluded in Nairobi

Recommended Posts

shir.jpg

 

Khamiis, July 16, 2009(HOL): Shirkii laba maalin socday oo looga hadlayay taageerada dhaqaale iyo militari ee Dowlada Federalka siinayaan beesha caalamka iyo sidii loo soo dajdajin lahaa ayaa kusoo gaba gaboobay magalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Shirkaan oo qaban qaabadiisa ay lahayd Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka qeybqaleen Midowga Yurub, Dowladda Mareykanka, Midowga Afrika,, IGAD iyo dowlada Somaliya, ayaa waxa kale oo ka soo qeybgalay wadamo faro badan oo gaaraya 50 dowladood, kuwaas oo daneeya arrimaha wadanka Soomaaliya.

 

Gabagabadii Shirkaas, Warsaxafadeed laga soo saaray oo loogu tala galay saxafiyiinta ayaa lagu sheegay in dowlada Somaliya la kaga taageero si wada jir ah tababarrada ciidamada qaranka, maadama ay dowladaha si gaar gaar ah u siin jireen tababarto ay siinayaan ciidamada Somalida.

 

Safiirka dowlada Somaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali America oo dowlada federalka ku matalayay Shirkan ayaa waxa uu sheegay in waxyaabaha muhiimka ah ee shirka la iskugu afgartay ahayeen in la dardar galiyo sidii si dhaqso ah dowlada loo soo gaarsiin lahaa deeqaha dhaqaale ee loo balanqaaday iyo in tababarro la siiyo ciidamada Qaranka.

 

Safiir Maxamed Cali Ameerica ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Midowga Afrika oo ku dadaalayo sidii ciidamo AMISOM tirada ka dhiman loo soo dhameystiri lahaa, waxaana uu intaas ku daray inay jiraan dowlado ballanqaaday inay ciidamo keeni doonaan wadanka Somaliya, walow uusan carrabka ku dhufan waqtiga ay ciidamadaas tegayaan Soomaaliya iyo dalalka ay ka imaanayaan.

 

Shir midkan la mid ah ayaa la isugu imaan doona muddo bil ah kaddib sida uu ii sheegay Safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya Cali America, waxana lagu eegi doona waxyaabaha ka qabsoomay balan qaadyada shirkan lagu sameeyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this