xiinfaniin Posted July 16, 2009 Khamiis, July 16, 2009(HOL): Shirkii laba maalin socday oo looga hadlayay taageerada dhaqaale iyo militari ee Dowlada Federalka siinayaan beesha caalamka iyo sidii loo soo dajdajin lahaa ayaa kusoo gaba gaboobay magalada Nairobi ee dalka Kenya. Shirkaan oo qaban qaabadiisa ay lahayd Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka qeybqaleen Midowga Yurub, Dowladda Mareykanka, Midowga Afrika,, IGAD iyo dowlada Somaliya, ayaa waxa kale oo ka soo qeybgalay wadamo faro badan oo gaaraya 50 dowladood, kuwaas oo daneeya arrimaha wadanka Soomaaliya. Gabagabadii Shirkaas, Warsaxafadeed laga soo saaray oo loogu tala galay saxafiyiinta ayaa lagu sheegay in dowlada Somaliya la kaga taageero si wada jir ah tababarrada ciidamada qaranka, maadama ay dowladaha si gaar gaar ah u siin jireen tababarto ay siinayaan ciidamada Somalida. Safiirka dowlada Somaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali America oo dowlada federalka ku matalayay Shirkan ayaa waxa uu sheegay in waxyaabaha muhiimka ah ee shirka la iskugu afgartay ahayeen in la dardar galiyo sidii si dhaqso ah dowlada loo soo gaarsiin lahaa deeqaha dhaqaale ee loo balanqaaday iyo in tababarro la siiyo ciidamada Qaranka. Safiir Maxamed Cali Ameerica ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Midowga Afrika oo ku dadaalayo sidii ciidamo AMISOM tirada ka dhiman loo soo dhameystiri lahaa, waxaana uu intaas ku daray inay jiraan dowlado ballanqaaday inay ciidamo keeni doonaan wadanka Somaliya, walow uusan carrabka ku dhufan waqtiga ay ciidamadaas tegayaan Soomaaliya iyo dalalka ay ka imaanayaan. Shir midkan la mid ah ayaa la isugu imaan doona muddo bil ah kaddib sida uu ii sheegay Safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya Cali America, waxana lagu eegi doona waxyaabaha ka qabsoomay balan qaadyada shirkan lagu sameeyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted July 16, 2009 How would this be different from million other summits? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 16, 2009 Che, it may not be that different but trying it wont harm anything Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted July 16, 2009 seen it all before Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted July 16, 2009 you will see more of it as the conflict continues Quote Share this post Link to post Share on other sites