Sign in to follow this  
General Duke

EU +Arab League welcome Jeddah accord

Recommended Posts

Midowga Yurub oo soo dhaweeyey dadaalka Sacuudiga ee Somaliya ku....

 

Ururka Midowga Yurub ayaa muujiyey inay soo dhaweynayaan dadaalka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aadan dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Yurub ugu qaabilsan arrimaha dalka Somalia, George Marc Andre, ayaa sheegay inay taageersan yihiin dadaalka uu Boqorka dalka Sacuudiga, Boqor Cabdalla Bin C/casiis ugu jiro sidii xal loogu heli lahaa xiisadaha murugsan ee dalka Soomaaliya ka aloosan xiligan.

 

George Marc Andre, waxa uu hadalkaasi ku sheegay wareysi khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Asharqal-awsad ee ka soo baxa magaalladda London, wuxuuna xusay inay jiraan Wada-tashiyo u socda Madaxda Ururka Midowga Europe iyo Dowladda Sacyydiga, sidii wax looga qaban lahaa dalka Somalia oo ay colaadaha sokeeye ku burburay.

 

Ergeyga gaarka ee Miwoga Yurub ee Soomaaliya wuxuu socdaal ku tegay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga, ayaa waxa uu ka qeyb galay Xafladdii lagu maamusayey Heshiiska ay Madaxda Sare ee Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Hoggaamiyahaasha Dhaqanka ay ku saxiixeen Natiijooyinkii ka soo baxay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Beelaha Soomaalida ee dabayaaqadii bishii hore lagu soo gebagebeeyey magaaladda Muqdishu.

 

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Yurub ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya wuxuu sheegay in dadaalka siyaasadeed ee Dowladda Sacuudiga ugu jirto xal-u-helidda arrimaha wadanka Soomaaliya ay tahay tallaabo wanaagsan u tahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa Geeddiga Hawlaha dib u heshiisiinta.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jaamacada Carabta oo ka hadashey dib u heshiisiinta Soomaalida ee Sacuudigu..

 

Ururka Jaamacada Carabta ee ay Soomaaliya ka tahay xubinta ayaa hadal uu soo saarey wuuxuu ku soo dhaqeeyey qorshaha dib u heshiisiinta Soomaalida ee ay wado Boqortooyada Sacuudiga.

 

Mas’uul u hadlay Ururka Jaamacadda Carabta, shaaca ka qaadey in Dawlada Sacuudiga loogu xilsaarey arimaha Soomaaliya shirkii19-aad ee ay ku yeesheen wadanka Sacuudiga wadamada Carbeed, wuxuuna sheegay in Sacuudigu uu haatan wado dadaal wanaagsan oo ku aadan arimaha dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

Masuulkan ka tirsan Ururka Jaamacada Carabta ayaa wuxuu farta ku fiiqey in Ururka Jaamacada Carabta uu aaminsan yahay in dhamaan kooxaha ay khuseyso arimaha Soomaaliya meel la isugu keeno, si ay gacan uga geystaan arimaha dib u heshiisiinta Soomaalida.

 

SBC News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masar oo soo dhoweysay daadaalka Sacuudiga

Dowladda dalka Masar ayaa sheegtay inay si weyn ugu riyaaqday heshiiskii ay Soomaalida ku saxiixeen magaalada Jidda ee dalka boqortooyada Sacuudi Areebiya.

War laga soo xigtay aqalka madaxtooyada ee magaalada Qaahira ayaa tibaaxaya in madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak uu telefoonka kula xiriiray boqorka dalka Sacuudiga Cabdalla Bin Cabdulcasiis isla markaana u sheegay sida uu u taageersan yahay shirkaasi ka dhacay magaalada Jidda.

 

Madaxweyne Xusni Mubaarak wuxuu sheegay in boqortooyada Sacuudiga ay hayso hogaanka Jaamacadda Carabta ee sanadkan isla markaana ay wakiil ka tahay dalalka Carabta.

 

Boqolaal Ergo ah oo uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga ku sugan ka dib markii uu ku martiqaaday boqorka dalka Sacuudi Areebiya Cabdalla bin Cabdulcasiis.

 

C/qaadir Nuunow

 

SBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

EU welcomes reconciliation deal on Somalia

 

BRUSSELS, Sept. 17 (Xinhua) -- European Union (EU) High Representative for the Common Foreign and Security Policy Javier Solona on Monday welcomed Sunday's reconciliation agreement on Somalia signed in Jeddah, Saudi Arabia.

 

Solana said that the agreement would provide for a new phase in the efforts to achieve reconciliation among all the Somali people in a time frame, which he said should be as short as possible.

 

He called on the international community to continue to follow Somalia closely at a time when Africa is advancing along the road to peace.

 

The EU foreign policy chief also paid tribute to Saudi King Abdullah and Prince Saud Al-Faisal, whose patient and determined efforts led to the conclusion of the substantive agreement on Somalia.

 

Leaders of Somalia's transitional government Sunday signed a reconciliation agreement in Jeddah, following up on an inconclusive conference in the Somali capital of Mogadishu in August.

 

Soucer: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masare Iyo Midowga Yurub Oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii Ka Dahacay Dalka Sacuudi Carabiya .

Posted to the MOL September 18, 2007, 9:02 am

 

Ururka Midowga Yurub Iyo dowlada Masar ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Jiddah ee Dalka sacuudi Carabiya . Javier Solona oo ah sarkaalka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha dibada ayaa sheegay in heshiiskaasi ay gaareen madaxda sare ee dowlada iyo ergadii ka qeyb gashay shirkii dib u heshiisiinta Muqdisho uu yahay mid hor mar dalka ugu spoo horseedaya heshiis waara.

 

Waxa uuna ugu baaqay madaxda Sacuudi in ay muujiyaan dulqaad ayna sii wadaan dadaalada dib u heshiisiinta Soomaaliya si dalkaasi u helo nabad iyo barwaaqo. Dowlada Masar ayaa dhankeeda ku tilmaantay heshiiskaasi mid lagu riyaaqo isla markaana horseedaya nabad iyo kala dambeyn.

 

Madaxweynaha Masar Maxamed Xusni Mubaarak ayaa laga soo xigtay in dowlada Sacuudi Carabiya loo xilsaaray arinta Soomaaliya ayna ku amaanan tahay xaaladda iminka sida ay u waddo.

 

Qeybaha bulshada Soomaaliya ayaa dhankooda ku tilamamay hishiiskii Jiddah mid dhanka hormarka laga gaaray Soomaaliyaaa uu nabad u horseedayo.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Javier Solana” aad baan usoo dhaweyneynaa heshiiskii madaxda Soomaaliya iyo hoggaamiye yaasha dhaqanku ay ku saxiixeen magaalada Jeddah”

 

Masuulka ugu sarreeya ee Midowga Yurub ee ugu qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda iyo amaanka Mr Javier Solana ayaa muunjiyay

 

Sida uu ugu niyad san yahay heshiiskii madxda Soomaaliya iyo hoggaamiye yaasha dhaqanku ay maalin ka hor ku saxiixeen dalka Sacuudiga

 

”aad baan usoo dhaweyneynaa heshiiskii madaxda Soomaaliya iyo hoggaamiye yaasha dhaqanku ay ku saxiixeen magaalada Jeddah”ayuu yiri Solana oo sheegay in uu ku kalsoonyahay in heshiiskaasi uu wax badan ka badali doono xaaladaha haatan ka taagan dalka Soomaaliya.

 

Mr. Solana oo ay soo xiganeysay wakaaladda wararka u faafisa dalka Shiinaha ee Xinhua news ayaa sheegay in heshiikaasi uu bog cusub u furayo Soomaaliya markana ay rajadu ahay mid muujineysa in mashaakilaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ay soo dhamaan doonaan.

 

Waxaa uu Solana intaa ku daray in uu aaminsan yahay in heshiiskii lagu saxiixay magaalada Jeddah uu wax weyn kusoo kor dhin doono isku dayada ku aadan in la xaqiijiyo nabad waarta oo saldhigata dalka Soomaaliya,waxana uu amaanay dadaalada ay haatan waddo dowladda Soomaaliya ee arrinkaa ku aadan.

 

Aduun weynaha ayuu sarkaalkani ka codsday in uu sii laba jibbaaro gacan siinta Soomaaliya oo haatan kasoo baxaysa marxalad adag oo dalka iyo dadkuba ay soo mareen muddo dheer oo lasoo dhaafay.

 

“Boqorka sacuudiga Cabdalla iyo dhaxalsugaha dalkaasi Amiir Sacuud Waxan iyagana ku amaanayaa wax qabadkooda ku aadan Soomaaliya,waxaana ku bogaadinayaa in ayan ka harin howsha ay wadaan oo ay ku xaqiijinayaan nabadda Soomaaliya”ayuu yiri wakiilka EU ee siyaasada dibadda iyo amaanka Solana.

 

Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Mqudisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com OR Carmoyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this