Sign in to follow this  
Allamagan

Xasan Dheere: Waanu weeraraynaa kooxaha ku sugan Janaale Cabdalle muddo 24-saac

Recommended Posts

Afhayeenka Beesha **** ee gobolka J/hoose ayaa warbixin dheer siiyey maanta jaaliyadda Beesha **** ee ku nool qurbaha. Warbixintaan waxaa noo soo diray maxamed xasan caynab oo jooga siaatle washinton ee wadanka maraykanka oo ka mid ahaa dhagaystayaasha teleconfreensiga maanta la qabtay

 

Xasan Dheere oo kula hadlayey jaaliyadda khadka telefoonka ee loo yaqaan teleconfreensiga ayaa sheegay in Kismaayo ay soo weerareen kooxo is bahaystay ee jabhadda ONLF ee ka dagaalanta itoobiya iyo Aragagixisada alqaacida oo ay isku hayb yihiin Madaxweyne C/laahi Yusuf
. ilaahay mahadiina alle waa nooga guuleeyey ayuu afhayeenku intaa ku daray

 

Waxaa kaloo afhayeenkusheegay
in C/laahi Yusuf iyo Gen. Morgan ay dhiiragaliyeen kooxahaas oo rabay inay Kenya iyo Baydhabo kala aadaan, uguna bishaareeyey maadaama ay Itoobiya diiday inay kaalmayso in uu ciidamo iyo dhaqaalaba ka soo abaabuli doono puntland. "Haddii aad sidatan kismaayo uga baxdaan, dib dambe gacanteena ugu soo noqon mayso" ayuu yiri C/laahi Yusuf, waa sidii uu hadalka u dhigay Afhayeenku.

 

mar la waydiiyey amaan xumada ka jirta Kismaayo,
"Way jirtaa in maleeshiyo caraysan markay magaalada ku soo noqotay inay boob ka gaysteen oo ay baabuur iyo hanti kalaba qaateen, Laakiin waan soo celinay wixii ay qaateen"
ayuu yiri afhayeenku.
"waxaanu dhisaynaa guddi hoosaadyo iyo ciidan suga amaanka magaalada Kismaayo ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenku."

 

Mar wax laga waydiiyey inay kalsoonida kala noqdeen dowladda Federaalka afhayeenku waxaa uu yiri
"Annagu waan taageersanahay dowladda Federaalka, ciidanka dagaalayana waxay markoodii hore ka wada tirsanaayeen dowladda walina ka wada tirsan yihiin, Laakiin dowladdu ma aha C/laahi Yusuf ee dowladdu waa shicibka".

 

Waxaa kaloo afhayeenku sheegay
inay weerari doonaan muddo 24-saac gudahood ah kooxaha fariisinka ka dhigtay Tuulada Janaale Cabdalle oo 60 KM u jirta magaalada kismaayo, hadaysan isaga tagin oo banayn meesha " wax aan qarinaynana ma aha"
ayuu raaciyey afhayeenku. Xasan Dheere oo digniin tanoo kala ah hore u siiyey maleeshiyada daacadda u ah C/laahi Yusuf iyo Col Afguduud ayaa ka dhabeeyey digniintiisii hore.

Afhayeenku waxaa kaloo uu intaa ku daray in ciidamada Gedo ku sugan ay ka maarmaan iskuna filan yihiin waqtigaan hadda la joogo, laakiin loo baahan yahay inay diyaar ahaadaan waqti kasta oo loo baahdo.

 

"Xiriirkeena waa joogto madaxda dowladda Itoobiya iyo saraakiisha wasaaradda gaashaandhiga ee DFKMG ah wayna nagu waafaqsan yihiin go'aamada aanu qaadanayno" ayuu yiri afhyeenku, isagoo xaqiijiyey in wasiir ku xigeenka difaaca Salaad Cali Jeelle iyo General Gabre ee itoobiya ay u hambalyeeyeen.

 

Inkastoo uu afhayeenku uu ka hadlay arimo kale oo xasaasi ah haddana warbixintii waxay ku dhamaatay is afgarad iyo iyadoo talooyin badan loo soo jeediyey Afhayeenka iyo Ciidamada kismaayo,
laguna booriyey inay si wanaagsan ula dhaqmaan dadka rayidka ah , ciidanka amaankana laga soo xulo beelaha wada dega magaalada

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Way jirtaa in maleeshiyo caraysan markay magaalada ku soo noqotay inay boob ka gaysteen oo ay baabuur iyo hanti kalaba qaateen, Laakiin waan soo celinay wixii ay qaateen"

LoooooooooooL@That's classic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Apart from hunting down the firxadkii Afguduud and destroying any threats posed by them, it seems that reer Gedo boys catching up the TFG-clan in terms of how the the game is being played out by using whatever card at their desposal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are making a mistake by upping the ante, and turn into purely Qabiil fight. The price obviously here is Kismayo. Mr Dheere would be served to hold his price, rather than try to dominate the entire Jubba. Bite what you could chew.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wigad   

I think somalis will never escape from clan fighting, to proove that just look at these people on this forum ensighting clan hatered.

 

: Allah will not jugde you by your qabiil, but he will judge you by your religion and if you followed it(but do people think about akira anymore or is that something of the past)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this