Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Khusuusi Garaad accepts peace somaliland welcomes him

Recommended Posts

Garaad Abshir Oo Gogol Ku Dhigaya WidhWidh iyo Wafdi Somaliland Ah oo Kusoo Jeeda-

Lasanod Online. Saturday, October 30, 2010

 

 

 

Garaad Abshir

 

 

 

WidhWidh,(Lasanod Online)- Wararka nagasoo Gaadhaya deegaanka WidhWidh ayaa sheegaya in dhowaan halkaas lagu qabandoono Gogol uu dhigayo Garaad Abshir Saalax..

 

 

Gogoshan ayaa la sheegay in lagu cusumay oo ay kasoo qaybgeli doonaan wafdi ballaadhan oo isugu jira Wasiiiro iyo Salaadiin ka socda maamulka Somaliland.

 

Wararku waxay intaa ku dareen in qabanqaabadii gogoshani marayso meel wanaaagsan, taasi oo ay wadaan shacabka ku nool deegaanka Widhwidh oo uu hogaaminayo Garaad Abshir Saalax.

 

Magaalada WidhWidh aya la sheegay inay dhowaan soo gaadhayaan wafdi sare oo ka socda maamulka Somaliland, waxaa sidoo kale hadda ku sugan magaalada WidhWidh isimo reer SSC ah oo uu ka mid yahay Garaad Salebaan Buraale. Iyadoo la filayo inay dhowaan soo gaadhaan magaalda WidhWidh Garaad Cabdillahi Soofe iyo Suldaan Saciid.

 

Maaha markii ugu horeysay ee ay kulmaan Isimo kasoo jeeda Gobolka Cayn iyo Salaadiin u dab qaadaysa maamulka Somaliland, waxay hore ugu shireen tuulada Xadhadhanka, kasoo go'aamdii kasoo baxay weli waxba ka hirgelin.

 

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hore u iclaamiyey inuu wadahadal la geeli doono Isimada iyo waxgaradka gobollada SSC, Si xal loogu gaadho xaalada colaadeed ee ka taagan deegaanka SSC. wuxuuna magacabay gudi ka kooban Wasiiro iyo odayaal ka talo bixiya xaalada goboladaasi.

 

Shirkan la filayo inuu ka dhaco magaalada WidhWidh ayaan la ogeyn waxaa uu ka bedeli doono siyaasadda Maamulka Hargeysa ee ku waajahan deegaanka SSC iyo saamaynta uu ka yeelan doono bulsho weynta SSC ee dadaalka ugu jira soo celinta deegaanka maqan.

 

Garaad Abshir Saalax ayaa isagu kamid ahaa sadexdii Garaad ee Sanad ka hor dhidibada ugu taagay magaalada Nairobi Hogaanka SSC oo ka dhashay kadib markii ciidamada Somaliland la wareegeen gacan ku haynta magaalo madaxda Gobolka Sool iyo deegaamo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yeah the garaad just arrived this evening in widhwidh Somaliland Military officers tighten the security in and around the town. Possibly other garaads from buhoodle will arrive tommorow.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horudhacii Wasiirada Somaliland iyo xildhibaanadi ku Wajahnaa Widhwidh oo magaalada Oog soo Gaadhay taliska ciidanka qarranka somaliland eeh aaga bari.

Waxaa soo gaadhay magaalada Oog wafti isugu jira Wasiiro ka tirsan Dawlada Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo Hogaamiyo, oo ay waliba wehelinayan wasiiro ka so jeeda gobalada ssc oo aha . Masuuliyintan oo la sheegay in ay ku socdaan Degmada Widhwidh ayaa waxa la sheegay in ilaa hada la taliyasha la socda wasiiro dawlada somaliland ay ka mid yihiin

Fu’aad Aadan Cadde oo ah la taliyaha madaxweynaha somaliland eeh gobolada sool sanaag iyo buhoodle

 

Waxaana la sheegay in ay soo gaadheen Magaalada Oog ayadoo lagu wado in inta aanu gabalku dhicin ay gaadhaan magaalada Widhwidh, waxaa la sheegay in waftigan ay horudhac u yihiin wasiiro iyo masuuluuyin kale ayaguna maalinta beri ah ku soo wajahan Widhwidh, kuwaasoo ay ka mid yihiin. wasiir kuxigeenka arimaha gudaha somaliland mudane Cusmaan Garaad Soofe oo ay walaalo yihin garaaad cabdilahi garaad soofe oo isna shirka ku wajahan, Mudane Abdirisaaq Khalif dawdar wasiirka ganacsiga iyo dalxiska somaliland

 

Waxaana la sheegay in ay maasuulyintasi ay Widhwidh kula kulmi doonaan Garaad Abshir Salaax, oo asaguna shalay u galay ciidanka qarranka eeh somaliland

 

Ma jirin cid ku wehelisey Garaadka Socdaalkiisa, ayadoo dhamaan cuqaashii, siyaasiyiintii, Saraakiishii iyo nin Garboodkii u dhashay deegaanka ay ku kala sugan yihiin, Buuhoodle, Balicad, Banyaal, Horufadhi iyo Dharkeeyn-geenyo. waxa kale la sheegeya inu garaad cabdilahi garaad soofe iyo suldaan sicid na ay cawa so gaadhi doonan magaalada widhwidh Waxaana uu Garaadku kala kulmay so dhaweyn qadarin shacab oo ay halkaas garaadkoodi ku so dhaweynayeen magaaalada widhwidh.

 

Isku soo wada duubo, Hogaanka SSC ayaan ilaa hada ka hadlin shirqoolka cusub ee laga soo maleegayo sii loo kala tuuro jabhadooda , lamana yaqaan talaaboyinka u qorshaysan Hogaanka ee ku aadan tabahan cusub ee ay la soo baxeen dawlada Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti balaadhan oo soo gaadhey Widhwidh

Nov 01, 2010

Widhwidh(Riinji.com)Fuaad Adan Cade,Bashe Maxamed Cade,Cisman Garaad Sofe,DR Gaboose ,Cadami iyo Xubno kale ayaa soo gaadhey Magaalada Widhiwidh halkaasi oo shir uga furmayo Beesha Barkad iyo Maamulka Somaliland

Weftidan oo Wasiiro iyo Xubno kale isugu jira ayaa saaka ka soo ambabaxay Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland,weftidan ayaa waxaa hogaaminayaa Cismaan Garaad Soofe oo ah wasiirki ku xigeenka arimaha gudaha ee Maamulka Siilaanyo. Dhinaca kale waxaa magaalada Widhwidh ku sugan garaad Abshir Saalax oo xalay soo gaadhey Widhwidh,shirka ayaa lagu wadaa in uu furmi doona beryahan soo socda welina lama shaacin ujeedooyinka dhexmari doona labada dhinac ee shirku ku saabsaan yahay. WIXI SOO KORDHA KALA SOCO RIINJI

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiradii ka socday Maamulka somaliland oo Gaadhay Degmada Widh Widh(Maxay tahay ujeedada Safarkoodo Warbixin Kooban

 

(Widhwidh, November 01, 2010 Ceegaag Online)

 

Wararka Hada Naga soo gaadhay Degmada Widh Widh ayaa ku soo Waramaya in Galabta Goor gaaban Halkaasi Gaadheen Wafti Balaadhan oo ka socda Maamulka Somaliland Waftigaasi oo Isagu Jira Wasiiro Wasiiro Kuxigeeno Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa gaadhay Magaalada Widh Widh oo lagu soo Dhaweeyey Waftigaasi lana Dejiyey Guriyo loogu tala galay Waftigaasi ka socda Maamulka somaliland.

 

Wararka Shabakada Wararka Ceegaag.com ka helayso Magaalada Widh Widh ayaana Caawa ku soo Waramaya in Amaanka Degmada Widh Widh aad loo adkeeyey isla Markaana Wadooyinka la dhigay Ciidamo Tiro badan oo katirsan Maamulka somaliland oo iyagu Halkaasi horay u Joogay, Waxna kaloo gabi ahaanba Degmada ka socda olole Balaadhan oo loogu jiro sidii Halkaasi shir ugu furmi lahaan.

 

ilaa iminka Lama oga Waxyaabaha Shirkani lagu Qabanayo Magaalada Widh Widh looga hadlayo Waxana kaloo la ogayn Cida kale ee Shirkaasi uga Qayb galaysay Isimada Gobolada SSC Cuqaasha iyo Waxgaradka kale oo iyagu aan Wali gaadhin Degmada Widh Widh kana hadlin inay shirkaasi ka Qayb galin Doonaan Waxna kaliya oo Magaalada Widh Widh hada ku sugan Garaad Abshir Salaax oo ah Garaadka Beesha Guuleed Garaad(Barkad).

 

Warar Madaxbaan oo Heshay Ceegaag.com ayaa sheegay in Shirkaasi Degmada Widh Widh uga Furmi Doono Waftigaasi ka socda Maamulka somaliland iyo Waxgaradka beesha Guuleed Garaad(Barkad) Mana jiraan Warar lagu Kalsoon yahay oo Xaqiiijin kara Waxyaabaha laga Wadahadlayo iyo inay shirkaaasi ka Qayb gali Doonaan Isimo Kale oo aan Madasha haatan Joojin Waxna kaliya oo la sugayaa Waxyaabaha Isbedeli Doonaana Saacadaha Soo socda.

 

Ugu Danbaytiin Waftigani ka Kooban Galoha Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa intooda badan ka soo Jeeda Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn Waxayn kala yihiin sidan Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Axmed Wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta C/risaaq Maxamed Ibraahin Wkkuxigeenka Arimaha Gudaha Osmaan Garaad soofe iyo Wasiirka gaashaan dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami lataliyaha Madaxwayne Siilaanyo Arimaha gobolada Bariga Fu,aad Adan Cade iyo Xubno Kale Waana Waftigii ugu balaadhnaa ee ka socda Maamulka somaliland ee soo gaadha Deegaanada SSC Kadib Doorashadii Madaxwayne Siilaanyo afar Bilood ka hore.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

The Old School elders have out-manoeuvred the immature chiefs once again. smile.gif

 

 

Taleexi

The People are happy and that's what matters most. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this