Sign in to follow this  
Abtigiis

Muran ka taagan beel ka mid ah kuwa la haybsooco oo la sheegay in ay u xuub siibatay

Recommended Posts

Abtigiis   

Muran ka taagan beel ka mid ah kuwa la haybsooco oo la sheegay in ay u xuub siibatay beel kale

 

London, November 19, 2009 (WDN) - Waxaa isa soo taraya muran xooggan oo ka taagan beel Soomaaliyeed oo ka mid ah beelaha la haybsooco, oo la sheegay inay u digarogatay isir ahaan beel kale oo ka mid beelaha laan dheeranimada sheegta.

Beesha **** oo ka mid ah beelaha la haybsooco ee *********, ayaa lagu soo warramayaa in ay hadda u xuubsiibatay beesha **** oo iyadu ka soo jeedda ****, *****.

 

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaaddiinta magaalada Hargeysa oo la sheegay in uu isagu lafdhabar u yahay ololaha beesha **** ugu digaroganayso **** oo hadda booqasho ku maraya dalka Biritayn, ayaa dhawaan ku baaqay in magaalada Burco lagu qabto shir ballaadhan oo lagu soo dhaweynayo beeshan ku soo biirtay jilibada ****.

 

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in Salaaddiin, odayo iyo waxgarad kale oo ka tirsan beesha ***** ay arrintaasi gaashaanka ku dhufteen, iyagoo islamarkaana ku tilmaamay wax aan loo dul qaadan karin oo been lagaga sheegayo Isirka beeshooda.

 

Qoraal dheer oo ay saxaafadda u kala direen oo ku socday salaaddiinta, odayada iyo waxgaradka beesha ****, ayay ku canbaareeyeen wax ay ugu yeedheen marin habaabinta lagu samaynayo abtirsiinyaha beesha **** ee *********.

 

“Annaga oo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha **** ee dagan Somaliland iyo Soomaaliyaba, waxaan halkan ku caddaynaynaa in aysan waxba ka jirin, arrimo beryahan lagu marin habaabinayo abtirsiinyaha beesha oo ay Yurub ka wadaan koox yar oo ka tirsan beeshayada iyo koox ka tirsan beesha ****”, ayay waxgaradkaasi ku sheegeen bayaankooda.

 

Salaaddiinta iyo waxgaradka beesha ****, ayaa waxay kaloo bayaankooda ku xuseen in kooxdan yari ay ku andacoodeen, in beesha **** ay tahay ****, **** arrintaasna aanay waxba ka jirin. “Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in beel isirkeeda la yaqaan, oo qarniyaal soo jirtey in maanta la isku dayo in taariikda isirkeeda la khaldo, ayadoo laga faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaarka u haysta beesha iyo beelaha la midka ah, iyadoo dad kooban loo dirayo dhaqaale si loo jahawareeriyo sooyaalka taariikheed”, ayay salaaddiinta iyo waxgaradkaasi kale ku caddeeyeen bayaankooda.

 

Salaaddiinta iyo odayaasha ***** ee bayaankan soo saaray, ayaa sidoo kale waxay sheegeen in ay xidhiidh la sameeyeen salaaddiin iyo waxgarad ka tirsan beesha ****. Kuwaas oo sheegay in wararka hadda la faafinayo aanay waxba ka jirin, laguna marin habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha *****, isla markaana aysan raalli ka ahayn. Waxa ay qireen cuqaashaasi sida bayaanka lagu sheegay in beesha ***** aysan isir wada dhalasho la wadaagin beelaha *****, gaar ahaan beesha ****.

 

Shir isna ka dhacay magaalada Nayroobi oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo wax garad ka tirsan beesha **** ee bariga Afrika ayay ku cambaareeyeen wax ay ugu yeedheen kala qaybinta ay salaaddiin ka tirsan Somaliland ku hayaan beesha ****. Waxa isna lagu taageeray bayaanka salaaddiinta qaoraallo ay warbaahinta u gudbiyeen qaar ka mid ah madax dhaqameedka beelaha kale ee ****.

 

Dhanka kale bayaan uu soo saaray Maxamed Jaamc Cawil oo isagu isku tilmaamay afhayeenka beesha Kuul Carre ee *****, ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan xubnaha beesha ee ku kala nool dunida dacaladdeedu in ay u diyaar garoobaan ka soo qaybgalka shirweynaha dhawaan la filayo in uu ka dhaco magaalada Burco, ee xarunta gobolka Tog Dheer ee beesha **** ku soo dhawaynayso walaalahooda ****.

 

“Waxaan beelaha **** ku wergelinayaa inay dhowaanahan soo shaac baxeen, shakhsiyaad tira yar oo doonaya inay carqaladeeyaan, ama is hortaagaan shirweynaha ka dhici doona magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Somaliland, ee ay hore ugu heshiiyeen, guurtida iyo salaadiinta Beelweynta **** iyo cuqaasha iyo waxgaradka beelaha ****”, ayuu afhayeenku ku sheegay qoraalkiisa.

 

Warku waxa uu intaa ku darayaa in sidoo kale ay qurbajoog badan oo ka tirsan beesha **** ay taageereen, soona dhaweeyeen shirka lagu soo dhawaynayo beesha **** oo la filayo in uu ka dhaco magaalada Burco 20 ka bisha January ee sannadka foodda innagu soo haya.

 

Beelaha la hayb sooco oo aalaaba ay Soomaalida inteeda kale ku hayaan dulmi iyo xaqiraad, ayaa taasi waxay ku keentaa in shakhsiyaad ka mid ahi, si ay uga badbaadaan bahdilka iyo quudhsiga ay mararka qaar sheegtaan beelo kale. Hase yeeshee waa markii ugu horreysay ee beel dhan oo ah kuwa la hayb sooco ay u xuub siibato beel kale, loona qabanqaabiyo shirweyne soo dhawayn ah.

 

Aqoonyahan deggen magaalada London oo ay WardheerNews arrintan wax ka weydiisay ayaa sheegay in beelaha la hayb soocaa aanay u baahnayn in la isir gediyo, balse ay mudan yihiin in laga daayo dulmiga iyo quudhsiga, loona arko in ay la mid yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed, loona ogolaado in ay xidhiidh is dhexgal iyo xididtinimo la yeeshaan beelaha kale siiba dhinaca guurka.

 

Wararka gobolada Somaliland oo waayadan dambe ay aad ugu badnaayeen beel ka soo digarogatay xisbi siyasaadeed oo ku biirtay mid kale iyo xaflado lagu soo dhaweeynayo, ayaa la isweydiin karaa in xaalku hadda wixii ka dambeeya isku bedeli karo beel ka soo digarogatay beel kale, kuna soo biirtay mid kale oo xaflad lagu soo dhaweeyay.

 

WardheerNews

 

[ November 21, 2009, 01:22 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

I suppoprt the move of the organisers of Burco conference. Perhaps this is a new model that can be replicated elsewhere. Once a Whole clan is declared part of "the accpetable clan" inter-marriages will be allowed and that will open a new chapter of equality. It is a very good innovative way.

 

I will have to call to those who are elsewhere to also follow suit.

 

Understandably some of the communities to be absorped may not like it, but I think the majority will put an end to their discrimination above upholding of ancestoral roots.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Trumping up the merger of two untouchable clans is like trying to make sense where there is no sense, and encouraging a laudable ambition where there is none, my friend.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

If you are against the classification of touchables and untouchables (which is not my invention but a sad reality) I agree with you.

 

But If you are insinuating clans in the North are all untouchables in the sense used back home, and you are from the clean tribes in the East, then I have to disagree and say to you shame on you.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Shame on moi? LOL, Now that is funny.

 

Saaxiib, Sayidkii baa wuxuu ka yirri nimankaan dhahaya ummad baa anaka nagu soo biiraysa, iyaga laftigooda inuu ku tilmaamay, isir ahaan ineyna kuwaan aad tiri 'untouchable' weeye, waxba eysan dhaamin, oo waa asagii gabay kulahaa:-

 

"inaad adoonkii muqlaad aad tihiin eega gacantiina..."

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Isir wadaagnimo, yes. Hogwash, NO! :D

 

Dadkaan aad tiri 'untouchable' weeye, ilahaay baa abuurtay-- meel Quraanka sheegayso inuu dadku ku kala sareeyo isir, majiro. Nin waliba sagaal bilood buu ku dhashay, marka adiga ma kula qumantahay nin adigoo kale ah oo sagaal bilood ku dhashay inaad yastid ama aad xaqirtid oo uu ku sheegto ma kula qumantahay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

Rer-midnimo-diid are politically petulant and quite clannish. Laakin isir-xumo iyo ceeb kale laguma sheegin. In fact, they are the best among the somali's when it comes to generiosity and taking care of their guests. By far, the best.

 

EDIT- you are asking me the worng question in an effort to come out of the mud you are in. Anigu untouchables weeye ma odhan, mana xumayn dadkaas. But the discrimination against them is done by all Somali's including you and me. I was only looking at this new model as one that can serve as a good start. In the end, clan x mixes with clan Y and gets 'purified'. If such wrong means brings about a speedy end to this horrible practice, it is fine with me. The individual human being will win.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

Nonsense. These so-called pestilent folks are big qabiileysteyaasha markii loo fiiriyo ummada kale oo Soomaaliyeed. Tan labaad, dadka aad leedahay waa la xaqiraa('untouchables') Somaalida kale wey uroon-yihiin weyna tixgaliyaan, laakin nimankaan somaalidiidka ah si xun oo bini aadamnimada kabaxsan ayee ugu xadgudbaan xaquuqdooda. Mathalan, bal car ii sheeg nin Hargaysa kudashay oo reer 'untouchable' ah oo hormar gaaray taariikda Soomaliya oo dhan ma haysa?

 

Originally posted by Abtigiis & Tolka:

 

EDIT- you are asking me the worng question in an effort to come out of the mud you are in. Anigu untouchables weeye ma odhan, mana xumayn dadkaas. But the discrimination against them is done by all Somali's including you and me. I was only looking at this new model as one that can serve as a good start. In the end, clan x mixes with clan Y and gets 'purified'. If such wrong means brings about a speedy end to this horrible practice, it is fine with me. The individual human being will win.

War ba'a! 'Purification' aad sheygaysid muxuu yahay? Soomaalida oo dhan baa qashin ah, ee marka laba qashin hadii la isku qaso, ma wax nadiif ah ayaad ka rajaynaysaa? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abtigiis   

purify was written 'purify'. I am sure you know the difference when it is under quotation marks.

 

Adeer, Cumar Dhuule is from the North and I will not agree with your statement. These people suffer most in my own communities and while it might be better in the South, the discrimination is severe in all places. Ka horumar gaadhay ee Puntland ku noolaan jiray adigu ii sheeg? Maryan Mursal baad soo waday and I have already given you Cumar Dhuule.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

I love a challenge.

 

Saaxiib, the highest ranking military officers EVER in the history of the Somali National Army were General Salxaa and General Cali Samatar(who also later became Vice President) and also Professor Bootaan who was the Minister of Higher Education.

 

These are just a few examples of the many prominent Puntlanders that are known by all(except you of-course).

 

p.s

Let's not forget Abwaan Cabdi Tahliih.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this