Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: Parliment gives deadline to renegade MP's.

Recommended Posts

Baydhabo: Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray xildhibaannada dalka ka maqan.

15. Mar 2007

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Baarlamaanka dawladda Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, waxaana kulankan shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

 

Kulankan ayaa waxaa maanta lagu qaybiyay nuqullo kamid ah qorshaha dib heshiisiinta Soomaaliya, oo ay xubnuhu soo akhrin doonaan kadibna ay u codayn doonaan.

 

Guddiga anshaxa ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka usoo bandhigay fikrad ah in si dhaqso ah loogu yeero xildhibaanno gaaraya 42 kuwaasoo aan in muddo ah soo xaadirin kulanka baarlamaanka.

 

Xildhibaannada maqan ayaa isugu jira kuwo xilli aad udheer ka maqnaa kulamada baarlamaanka iyo kuwo waqti aan sidaa u dheer ka maqnayn ,waxaana loogu baaqay inay sida ugu dhaqsaha leh kusoo xeroodaan.

 

Fikraddii ay soo jeediyeen guddiga anshaxa ayaa waxaa u sacabba tumay xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya, waxaana xildhibaannada inta xeer hoosaadku oggol yahay wax ka badan maqan waqti loo siiyay inay muddo bil ah yimaadaan, haddii kale ay xilkooda waayi doonaan.

 

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaannada maqan loogu yeerayo shaqo culus oo hortaalla baarlamaanka Soomaaliya

 

Baarlamaanka ayaa kusii shaqayn doona in muddo ah magaalada Baydhabo sida uu sheegay raysulwasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi mar uu saxaafadda kula hadlayay Nairobi.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Baarlamaanka Soomaaliya oo u yeeray xildhibaannada dalka ka maqan.

 

 

Baydhabo:- Guddiga anshaxa ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta soo hordhigay Golaha go'aanka ku aadan Xildhibaanada ka maqan kalfadhiyada mudada dheer.

 

Xildhibaanadan oo gaaraya 42 ayaa lagu eedeeyey in ay Kalfadhiyada Baarlamaanka ka maqan yihiin muddo aad u dheer ayagoo aan wax fasax ah heysan.

 

Guddiga Anshaxa ayaa horey loogu xil saaray inuu soo diyaariyo qoraal la xariira go'aanka ugu haboon ee uu Baarlamaanka ka qaadan karo xildhibaanadaasi shaqadooda ka maqan.

 

Guddiga ayaa soo bandhigay go'aan ah in la siiyo xildhibaanada maqan muddo hal Bil ah, si ay dib ugu soo noqdaan golaha.

 

Go'aankan ayaa la raacsiiyey hadii ay wakhtigaa gudahooda Xildhibaanada dib ugu soo noqdaan magaalada Baydhabo ee xarunta Baarlamaanka in ay dib uga qeyb qaadan karaan Kalfadhiyada socda.

 

Waxaana go'aankan lagu xusay in hadii ay wakhtigaa gudahood ku imaan waayaan Baarlamaanka ama shaqadooda ay ka maqnaadaan in Baarlamaanka go'aan kale oo kama danbeys ah ka gaaro xildhibaanadaasi maqan.

 

Xildhibaanadan maqan ayaa qaarkood ay yihiin kuwo la gadooday Guddoomiyihii hore ee xilka laga qaaday, halka kuwo kale ay ku kala maqan yihiin gobalada dalka iyo dalal dibada ah.

 

Xildhibaanadan ayaa la sheegay in muddo bilo ah aysan kalfadhiyada Golaha kasoo qeyb gelin isla markaana aan wax fasax heysan.

 

 

aadan malin baydhabo

 

abaaqaroow.com wiil waal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this