Maaddeey Posted May 26, 2010 Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa wixii ka dhex dhacay asbuucii lasoo dhaafay baarlamaanka KMG ah, iyo mala filayay wixii dhacay?, laaluushida xildhibaanada ma runbaa?, waa kuma gudoomiyaha baarlamaanka ee soo socda?, malaga joogsan doonaa mashruucii gaajeysiinta xildhibaanada?. Dhacdo(Event) Inta aan waday qoraalkan waxaa dhacay is badalo iyo khilaaf weyn oo soo kala dhex galay madaxda sare ee dawladda oo dad badan ka yaabisay qaabka iyo deg dega ah ee Aadan-Madoobe lagu casilay ama isku casilay labaduba waa la sheegay, hadana wax yar kadib ayaa r/wasaarihii la casilay, hadana wax yar kadib lasoo celiyay (raajactu) mana loo baahan Sheikh iyo marqaatiyo midnaba, waxaa ku filnaaday afhayeen in uu waraaq ka akhriyo. Taas haday wax na tusayso waxay natusaysaa dhibka qotada dheer ee jira iyo in arinta Soomaaliya ay ku jirto ceel dheer, inta badana laga hago meel aan xataa madaxda u muuqan. dhag ku sii Quote Share this post Link to post Share on other sites