Sign in to follow this  
Liibaan

Xaqiiqda Safarkii Laascaanood Iyo Beenta Weyn uu sheegay Farah Macalin

Recommended Posts

Liibaan   

Kenya's NTV "a border dispute between PL &SL is now threatening the peace in Somalia"

 

LAS ANOD — While the rest of Somalia remains in turmoil , Puntland and Somaliland regions have been enjoying relative peace.

 

But a border dispute between Puntland and Somaliland is now threatening that peace. Yassin Juma was in the disputed region to find out just who is in control.

 

VIDEO: Somaliland, Putland in border row

 

Xaqiiqda Safarkii Laascaanood Iyo Beenta Weyn uu sheegay Farah Macalin

 

Kenya(Jidbaale.com):-Wariye Kenyan ah kana tirsan NTV lana socdey wafdigii uu hogaaminayey Ku-Xigeenka Barlaamanka Kenya Faarax Macalin ayaa war-bixin maqal iyo muuqaal ah geliyey war baahinta internet-ka.

 

 

Wariyahu wuxuu war bixintiisa ku sheegay in cabsi darted ay habeen guure ku yimaadeen Laascaanood iyadoo ay la socdeen Malayshiyo ilaalo ah oo xoog leh, isla markaana magaaladu ahayd xero ciidan (Military Barracks) oo dhinac walba kaga gadaaman magaalada iyo isgoys kasta. Wuxuu intaa ku daray in magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool ay yihiin meelo la isku haysto oo muddo dheer ku loollamayeen Garoowe iyo Hargeysa , waxaana ay maamulka Hargeysa doonayeen inaanu aragno cudud ciidan oo xoog badan iyo inay magaalada dhinac walba ka joogaan ayna xakamahooda ku jirto.

 

 

Wariya Yassin Jumca isagoo warbixintiisa sii wada wuxuu sheegay in magaaladu toddoba sannadood oo la soo dhaafay ay ku jirtey gacanta Puntland, isla markaana inkastoo ay labada maamul ee Garoowe iyo Hargeysa ay xassilooni iyo nabad dhaanta Soomaaliya inteeda kale haysteen, haddana ay xiisadda iyo khilaafka ka taagan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool uu khatar weyn ka soo socoto isagoo ku tilmaamay BAM (Qarax) waqti ku muddeysan (TIME BOMB) oo marar badan ka dhaco magaalada .

 

 

Wariye Yaassiin Jumca wuxuu ku soo gabagabeeyey warbixintiisa in ay magaalada ku sugnaayeen laba saacadood oo keliya oo ilaalo adag la dul dhigay isla markiibana dib loogula cararay magaalada Hargeysa oo markii hore laga soo kaxeeyey, iyadoo ciidankii ilaalada ka ahaa iyo guud ahaan ciidamada jiiddas jooga ay heeggan joogta ah ku jiraan iyagoo ka baqaya xilli kasta weerar kaga yimaadda dhinaca Puntland.

 

 

War bixinta uu wariye Yaasiin Jumca ka soo tebiyey Laascaanood iyo gobolka Sool Inkasta oo uu tilmamaay in ay baqdin ku sugnaayeen haddana waxay ****olka ka qaadaysaa sida Faarax Macalin ugu dadaalay in uu dacaayad u fidiyo maamulka Hargeysa oo safarkii uu ku yimi magaalada Laascaanood uu ahaa mid aanay soo dhaweyn muwaadiniinta u dhalatay deegaanka , Maamulka Hargeysana u adeegsaday goob nabad galyo ka jirto oo ay gacanta ku hayaan cidii ay doonayaana ay ku marti galin karaan.

 

 

Ulajeedada Safarka Faarax Macalin oo aan ilaa iyo hadda cadayn waxay salka ku haysay isla markaana aanu shacabka deegaanka la kulmi, iskuna dayin xataa in uu soo arko dadka ka buuxa xabsiyada Laascaanood magaaladana ay u soo galbiyeen kuwa la shaqyasta maamulka Hargeysa ayaa waxa aad uga faa,iideystay safarkaasi maamulka Hargeysa oo uu dacaayad u noqday, ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhaw Faarax Macalinna waxa ay sheegayaan in Faarax Macalin safarkiisanni ahaa, mid uu ku doonayey in uu xidhiidh dhaw kula soo samaysto Maamulka Hargeysa , isaga oo doonayey in uu heshiis iyo wada hadal u furo beesha uu ka soo jeedo iyo beelaha Hargeysa oo muddooyin badan khilaaf ka dhaxeeyey kaas oo salka ku hayey dad u dhashay qabiilka Faarax Macalin oo loo dhiibay Itoobiya iyo gaadiid ay gubeen qabiilkiisu, waxa kale oo iluhu intaasi ku dareen in Faarax ku faraxsanaa wuxuu kala kulmay Hargeysa isaga oo sheegay in kulankuu la qaatay beelaha Hargeysa uu is afgarad ku soo dhamaaday midhihiisana la arki doono dhawaan, wuxuuna safar ku kala bixiyo goobaha ay gacanta ku hayaan malayshiyada Hargeysa waliba Laascaanood oo uu doonay in uu cududa Malayshiyadaasi iyo siday gacanta ugu hayaan u soo arko, arrintan oo ilo xog ogaal ahi siday cadeeyeen Faarax Macalin ku helay lacag 200kun oo dollarka maraykanka ah oo Riyaale Kaahin farta ka saaray.

 

 

Faarax Macalin ayaa waxa uu sii kaxaystay wariyaal si ay u soo xaqiijiyaan awooda ay ku lee yihiin Malayshiyada Hargeysa Magaalada Laascaanood, in kasta oo wariyuhu siday jeclaayeen warka u dhigin hadana wuxuu ku soo khatimayaa warkiisa in Laascaanood Somaliland, taas oo ka mid ah Arrimuhuu doonayey Faarax Macalin in uu soo bandhigo.

 

Isku soowada duuboo bulshada deegaanka u dhalatay oo dalkoodii baylaha ka dhigtay iyo maamulka Puntland oo ku gaabsaday soo saarida qoraalo aan ficil lahayn iyo dagaalka hawada ee saxaafadda oo ay hore u sheegeen in ay u badaleen ficilkoodii wuxuu keenay in cid waliba isku soo sawirto Laascaanood oo dadkeedii qaybna qaxday,q aybna xabsiga ku jirto inta kalena aanay ficil qaadan karin

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faarax Macallinow Fallaadhi Gilgilasho Kaagama Hadho

 

 

 

Jidbaale.com

 

Wednesday, 03 March 2010 22:26

 

Waxaa muuqata Faarax Macalin in uu eekaaday nin dhuumanaya oo dhabarku muuqdo, waxaase Caddaatay in isaga oo dhuumashadaasi ku jira in Toosh weyn oo lix baytari ka shiidaal qaadanay lagu ifiyey.

 

 

 

 

Taasi waxay ku timi dadaal dheeraad ah oo ay muujiyeen dadweynaha u dhashay deegaanka SSC oo ka dhiidhiyey safarkii aanu Faarax Macallin Mahadin hasa yeeshee u eekaa mid uu dillaalnnimo ay soo baxday natiijadeedii uu fulinayey, Safarkii uu ku tagay Laascaanood isaga oo aan ogolaansho ka haysan shacabka deegaankana ay maanta ku noqotay safar aanu mahadin oo uu maanta xataa dhinaca Kenya ka noqday eedaysane .

 

 

Faarax Macallin oo muddooyinkii ugu danbeeyey muujiyey olole uu ku doonayey siduu uu dhaqaale ku kasban lahaa ayaa waxa uu tusay Maankiisu in uu mashruuc ka heli karo arrinta Laascaanood oo halkaas dollar uga muuqaday taas oo durtaba uu sheegay in uu Baarlamaanka Kenya u gudbin doono hawshii iyo qorshihii ay ku soo heshiiyeen Maamulka Hargeysa oo sida la xaqiijinayo Lacag gaadhaysa 200 kun oo dollar uu kaga qaatay mashruucan hori marin.

 

 

Faarax Macallin wuxuu wali ku indha adag yahay oo ku adkaysanayaa safarkii uu ku tagay Laascaanood in uu ahaa mid uu ugu danaynayey bulshada ku dhaqan deegaankaas , waa ayaan darro in uu Faarax Macallin oo shacabka SSC u arkaan in uu dhagar ka galay in uu maanta ku sii adkaysto haddala noocan oo kale ah iyada oo la ogyahay in uu dhaawac weyn u gaysta bulshada deegaankaasi Sool,Sanaag Iyo Cayn ku abtirsata .

 

 

Faarax Macalin wuxuu sheegay dhawr jeer in uu arday gobolka u dhalatay deeq waxbarasho siinayo, hawlo kalena qabanayo wufuud kalena dirayo, meel Burco u dhawna reer Laascaanood caleemo qoyan kaga soo dhaweeyeen, taas oo ah qorshayaasha la doonayo in lagu dahaadho danbiga weyn iyo shirqoolka uu Faarax Macallin ka qayb qaadanayo isaga oo maamulka Hargeysan adeegsanayo.

Faarax Macalinse kuma ah wax cusub in uu mashruucyo ka dayo ay dillaalnimo ku dheehan tahay dadka ay cid isugu xigaan ,waxaa hore looga war hayaa sidii uu u galay beesha uu ka soo jeedo ee ******** markii ay ka codsadeen mar uu safar ugu baxayey wadanka Koonfur Afrika in uu qadiyada ********iya ku soo bandhigo halkaas, Faarax Macallin wuxuu tolkii ka codsaday in ay keenaan 500 oo kun, waxay u qaateen tolkii 500 kun oo Kenya Shilling ah , markii ay u keeneen ayuu indhaha kaga dhuftay oo yidhi raggoow waa Dollar.

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nin Hooyadii ka guuray Aayadii uma nagaado, nin tolkiisa soke dillaalay ma u daahayaa tolkiisa shishe, Jawaabtu waa maya, Faarax Macallin maanta laba arimood mid ayaa la gudboon.

 

 

1. In uu ka hadho dillaalnimada uu wado, ee uu mashruuca kaga soo qaatay Hargeysa, kaas oo ah in uu Baarlamaaka Kenya marka hore hor dhigo, marka xigtana Egad , ama hala ogolaado ama yaan la ogolaane isaga oo adeegsanaya xilka uu hayo, taas oo maamulka Hargeysa u ah guul .

 

 

2. Iyo in uu sii wado qorshihiisa ku salaysan maangaabnnimada iyo dillaalnnimada xataa ay ka xishoodeen kuwa ajaanibta ahi in ay tuurta u ritaan, dadkuna lamay yaabeen haddii qorshahan xataa uu soo qaadan lahaa nin ka tirsan Kuukuuyada Kenya, laakiin bulshadda SSC waxaa isu qaban weyday Ninku waa tolkiin waana idin dillaalayaa.

Bulshadda SSC qurba joog iyo guda Joog waxaa la gudboon in ay goob kasta iyo meelkasta ka muujiyaan diidmadooda maangaabnnimada Faarax Macallin ee dillaalnimada ku salaysan, una sheegaan in Ninkaas Kuukuuyada ah ee wasiirka arrimaha dibada Kenya dhaamo . Waxaa mahad ballaadhan mudan Osman Hassan iyo M Hassan qoraaladii qiimaha badnaa ee ay ku soo bandhigeen wargeysyada Kenya sida Daily Nation iyo webebka kuwaas oo muujinayey aragtida dhabta ah ee shacabka SSC qayb libaax-nna ka qaatay toosh ku ifinta ninka dhuumanayey ee dhabarku muuqday, Faarax macallinna waxaan leenahay Falaadhi Gilgilasho kaagama hadho waana magac xumo maanta aad shaqaysatay ee inta aad fursada haysatid waa tolkaaye raali galin weydiiso ilayn maanta kashifantaye, joojina waxa aad faraha kula jirtid ee aan colaad sokeeyo moojaane waxba kaaga tarayn sumcadda iyo arrimahaaga mustqabalka.

 

Ibraahim Mohamed Hersi.

 

Nairobi Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this