Sign in to follow this  
General Duke

Marka: InadaCade militia kill 3 Al Shabaab fighters out of revenge

Recommended Posts

exdii nin ee Miinadda ku qarxiyay taliye ku xigeenkii boliiska gobolka Shabeeladda hoose Marxuum Nuuriye Cali faarax ayaa lagu toogtay duleedka Magaaladda Markka ka gadaal markii Ciidamadda Amaanka gacanta ku dhigeen xilli ay dhinaca Mogadishu ugu tilaabayeen gaari nuuciisu yahay Toyota.

 

Sedexda nin oo labo ka mida u dhasheen beesha .halka kalana uu ahaa ayaa xukunkooda la fuliyay ka gadaal markii la xaqiijiyay inay Miinadda u dhigeen Nuuriye Cali Faarax.

 

 

Ninka hogaaminayay ragga la dilay ayaa qirtay inuu falka fuliyay wuxuuna tibaaxay inay fulinayeen amarka Madaxda sare ee Shabaabka Somalia.

 

" Waxaan ognahay in rag naga tirsan na soo farmuuqeen,waxaana idiin sheegeeynaa inaan u soconay Mohamed Carabey iyo Nuuriye,hadana waxaan diyaar u nahay in xalka lagu dhameeyo wada hadal beeleed"ayuu yiri mid ka mida sedexda nin ee la toogtay.oo saldhiga Markka su-aalo lagu weydiiyay,toogtiisa ka hor

 

Taliyaha Ciidanka gobolka ayaa amar ku bixiyay in la toogto sedexda Sarkaal ee ka tirsan Shabaabka,waxaana lala haray,nin laga qorayo warbixin la xiriirto qaabka ay dilalka u fuliyaan miinooyinka,sida uu noo sheegay Gudoomiyaha gobolka Shabeeladda Hoose.

 

Ragga la dilay ayey qabashadooda suuragashay ka gadaal markii ay rag ka tirsan Shabaabka kuna heyba ninka dhintay tilmaameen kooxaha dilka geystay,waxaana arrimaha oo dhan sahlay beesha Nuuriye oo go-aan ku qaadatay in la dilo dhamaan ragga uga jira Shabaabka.

Nuuriye Cali Faarax allaha u naxariistee,wuxuu ahaa taliyahii Maleeshiyadda Yusuf Indhacadde,iyadoo dadka Gobolka Shabeeladda hoose u yaqaaneen geesi bulshaya oo turubka siyaasada ku xeeldheeraa ciyaaridiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gawaari Dagaal oo ay wataan Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab oo ka soo ambabaxay Kismaayo kuna so jeeda Degmada Marka ee G/Sh/Hoose.

 

Warar Aan Caawa ka helnay Degmada Kismaayo ee G/j/Hoose ayaa ku waramaya in halkaas ay ka soo baxeen ilaa 6-Gawaarida Dagaalka kuwaas oo ku soo jeeda Degmada marka ee G/Sh/Hoose.

 

Soo ambabaxida Gawaaridaan ayaa timid markii maleeshiyo ka tirsan Ururkaan xalay saq dhexe loo laayey in ay ka dambeeyeen Dilkii Nuuriye Cali Faarax oo ahaa raga wakiilka G/Sh/Hoose uga ahaa Yuusuf Indhacade.

 

Maleeshiyadaan Shababka ah ee soo aaday Marka ayaa waxaa Hogaaminaya Sarkaal ka tirsan Kooxda Raaskambooni oo ay dhanka Milatariga Wadaagaan .

 

Degmada Marka ayaa hada ah mid aan wax maamul ah ak jirin , Waxaana Degmada ka soo baxay Saaka isaga iyo intii Ciidamo ah ee ku haray Cali ganey oo ahaa ragii ka hoos shaqeyn jiray Nuuriye Cali Faarax.

 

Dad Badan oo adorooso Xaaladaha Sh/hoose ayaa Saadalinaya in Sh/Hoose ay galeyso gacan cusub oo ah Islaamiyiin saafi ah oo aan cidi ku milneyn , waxaana dhamaaday gabi ahaanba Maamulki wajiyada badnaa ee Indhacade uu daaha gadaashiisa ka maamulayey

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this