Sign in to follow this  
Cowke

2 Puntland Ministries Hold Conference. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Wasarada Cafimadka Puntland oo qabatey kulan balaaran

1 Jun 1, 2010 - 12:12:23 PM

 

 

Sawir guud: Xarunta Wasaarada caafimadka Puntland

 

Shirkan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimadka dawlada Puntland ee Garowe , waxaana kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Wasiiru dawlaha Maamul Wanaaga Maxamed Faarax Ciise , wafti heer caalami ah oo ka socdey Xafiiska WHO-EMRO, WHO Soomaaliya, Deeqbixiyeyaasha Caalamiga iyo Agaasimeyaasha Isbitalada guud iyo kuwa gaarka loo leyahay ee magaaloyinka Puntland, Kuliyadaha iyo Machadyada Caafimaadka iyo marti sharaf kaleeto.

 

Shirkan ayaa gabi ahaanba waxaa looga hadlayay oo uu ku saabsanaa Qorshaha xoojinta habka Caafimaadka Puntland shanta sano ee soo socota., waxaana soo qaban qaabisay W. Caafimaadka dawlada Puntland.

 

Dadka ka soo qaybgalay guud ahaan waxay gaarayeen boqol qof, Shirkuna wuxuu galinkii danbe 2:00pm iyadoo uu socdey ilaa 5:30pm galabnimo, shirka maantey ayaa gabi ahaanba ahaa soo jeedinta qorshayaasha W. Caafimaadka, Baahiyaha dalka ka jira iyo waxqabadka Wasaaradda, sidoo kale waxay Wasaaraddu fursad u siisay Isbitaalada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ururada Dhakhaatiirta iyo Kuliyadaha Caafimaadkuba inay soo bandhigaan waxqabadkooda iyo baahiyaha haysta. Waa markii ugu horeysay oo Wasaradda Caafimaadku shir cayn kan oo kale ah inta ay qabato hadana u yeerto Dhakhatiirta iyo madaxda Caafimadka Gobalada Puntland.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa si rasmi ah shirka u furey waxaana uu si diiran ugu soo dhaweeyey wafuuda kala duwan ee shirkan joogtey ee ka kala yimid meelaha fog, waxaana uu Wasiirku kasoo qayb galayasha uga warbixiyey Wasaradda iyo qorshayaasheeda dhanka Caafimaadka, baahiyaha jira iyo taageerada ay ka rabaan hay’adaha caalamiga ah ee Caafimaadka ka shaqeeya.

 

Dr. Cali Cabdullahi Warsame waxaa uu mahadcelin u soo jeediyey madaxa Xafiiska WHO Soomaaliya oo kasoo shaqeysay in wafuudan tirada badan inay Xarunta Wasaaradda soo xaadiraan, waxaana uu sheegay inay taasi ku timid qorshaha iyo nidaamka suuban ee ay Wasaaraddu la timid ayna doonayso inay dalka wax uga qabato kulana shaqeyso hay’adaha Caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha.

.

Waftigan balaaran ee maantey soo gaarey Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa hogaminaysay Dr. Na’eema Al-Gasseer oo ah caawiyaha Agaasime Gobaleedka Xafiiska WHO-EMRO,

 

Dr. Na'ema mar ay ka hadashey shirka waxey hanbalyo iyo bogaadin usoo jeedisay Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Agasimihiisa guud Dr. C/risaaq Xirsi Xassan iyo dhamaan shaqaalaha, waxayna haweenaydan sheegtay inay ku faraxsan tahay inay timaado Puntland ayna la kulanto dadkii hormuudka u ahaa Caafimaadka Puntland oo ay Wasaaraddu ugu horeyso.

.

Shirka maanta 1.06.2010 ka dhacay xarunta Wasaradda Cafimaadka Puntland gabi ahaantiis waxaa uu ahaa mid lagu soo bandhigayay baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira iyo waxqabadyada Wasaarada, Isbitalada guud iyo kuwa gaarka loo leyahay, waxaana xubin walba oo matalaysay urur ama Isbitaal ay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo baahiyaha haysta.

 

 

Wasaradda Caafimaadka ayaa iyadu soo bandhigtey waxqabadkeedii hore iyo kan cusub intii la dooortey Wasiirka cusub, iyadoo agaasimaha cusub sidoo kale soo bandhigey baahiyaha jira.

 

Gabagabadii shirka ayaa waxaa hadalkii xiritaanka la siiyey Wasiiru dawladaha Maamul wanaga Puntland Maxamed Farax Ciise Gaashan oo isaguna soo dhaweyey Waftiga calamiga ah, waxaana uu sidoo kale u hanbalyeeyey Wasaradda Caafimadka iyadoo uu markaasna ku dhawaaqey in shirku xiran yahay.

 

Cabdulqaadir Warsame Yuusuf

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xarunta Garowe

 

sawir_guud2.jpg

 

bidix_Dr._dhagacade__Eng._Cabdishakur_iy

 

wasirka2.jpg

 

Dr.Marthe_Who_Somaliya_iyo_Dr._Na_eema_W

 

3_2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Kulan U Dhaxeeya Hay’addaha iyo Wasaarada Qorsheynta Puntland oo Furmay(Sawiro)

 

June 1, 2010

 

Waxaa maanta Lagu qabtay kulan balaaran Xarunta Wasaarada Qorshaynta Iyo Xirrirka Caalamiga ee Dawlada Puntland kasoo ay kasoo qayb galeen hay’adda UNDP,Hay’addaha Maxaliga iyo qaybo kamid ah Wasaaradaha Dawlada Puntland.

 

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlaayo waxyaabihii la qabtay Bilihii nasoo dhaafay kuwasoo ay fuliyeen hay’addaha Maxaliga ah iyo Hay’adda UNDP.

 

Kulankaan ayaa waxaa furay Wasiirka qorshaynta iyo Xirrirka caalamiga ah Md.Daa’uud Maxamed Cumar kasoo sheegay in kulankaan maanta looga hadlaayo waxyaabihii la qabtay bilihii tagay.

 

Wasiirka ayaa waxaa uu intaa ku daray in kulankaan ay horay ugu qaban jireen Xaruntooda isla markaana uu ka codsaday wasiirku in lagu qabto xarunta wasaarada si loo ogaado waxaa qabsoomay iyo waxaan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen maadaama uu dhamaad yahay wajigii labaad ee mashaariicda ay fuliyaan hay’adda UNDP iyo Hay’addaha Maxaliga ah.

 

 

Md Daa’uud Maxamed Cumar ayaa intaa ku daray in inta uu socdo kulankaan maanta bilaabmay lagu eegi doono waxyaabiihii la qorsheeya ee ku jiray mashaariicda dhamaadka ah ee aan qabsoomin Sababta ay u qabsoomi waayeen iyo wixii u baahan in lagu daro mashaariicda soo socda.

 

Kulankaan ayaa ahaa mid ay horay ugu qaban jirtay Hay’adda UNDP Xarunteeda Kasoo ay hay’addu ku qiimaynayso waxqabadkii lixdii bilood ay qabteen iyada iyo NGO-yada Maxaliga ah ee la shaqeeya kasoo uu wasiirku ka codsaday in lagu qabto xarunta wasaarada oo ayna kasoo qayb galaan dhamaan cid kastoo mashaariic la fulisay Hay’adda UNDP Lixdii Bilood ee lasoo dhaafay si wasaarada Qorshaynta ay u ogaato waxa loo qabtay degaanada Puntland.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

 

1.jpg

 

3.jpg

 

4.jpg

 

2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

This is great news. Well done to the Ministers of Health of the Puntland state. And good luck to them in their mission in trying to improve the Health care system.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this