Sign in to follow this  
Jacaylbaro

How Come ????

Recommended Posts

Laasqoray:- Sida ay sheegeen Maamulka warshada Kalluunka ee Laasqoray waxa la xidhay warshadaasi ka dib markii uu gabaabsi galay Kalluunkii, Maamulka ayaa sheegay inay sababtaasi awgeed ay u xidheen warshadaasi,iyaga oo sheegay inay Fasaxeen Shaqaalihii ka shaqayn jiray warshadaasi.

 

 

Cali Fara Dheere oo ka mid ah hawlwadeenada warshada Laasqoray ayaa warbaahinta u sheegay inay xidheen warshadaasi isla markaan la furidoono xiliga ugu horaysa ee la helo Kalluun, Cali Fardheere waxa uu sheegay inay mudo wadeen uruurinta Kaydi ah Kalluun kaasi oo hadhaw dib loo farsamayn lahaa Balse xitaa kii kaydka ahaa uu gabaabsi galay.

 

 

"Warshadii waa xidhantahay Shaqaalihii badi waa Fasaxnaya marka laga reebo Ilaalada gaarka ah ee Warshada,waayo mudo ayaanu ka dhursugaynay Kalluunka balse waxa uu noqday mid gabaabsi galay"Saas waxa yiri Cali Faradheere.

 

 

Maamulkaasi warshada Laasqoray waxay kaloo sheegeen inaanay sanadkaba warshadu soo saarin Kalluunkii badnaan ee lagu yaqaanay taasi oo ay ku til maameen inay ka danbaysay Kalluunkii oo yaraaday.

 

 

Kaluun yaraantaasi ayay waxay ku eedeeyeen inay log wayn ku leeyihiin Doonyo Carbeed oo ka jilaabta xeebaha Deegaanka Laasqoray kuwaasi oo sharci daro Kalluunka uga jilaaba xeebahaasi iyaga oo hadhawna Dalka dibadiisa u iib geeya, in ta badan Doonyahaasi waxa wakiil ka ah dad deegaanka Sanaag u dhashay kuwaasi oo aan Garanayn dhibta ay leedahay Khayraadka Dalkiisa ee uu Gacmihiisa ku dhoofinayo.

 

 

Hadaba Shabakada LaasqorayNey ayaa uguur kashay inay wax wayn ka ogaadaan xaalada ka jira xeebaha Deegaanka Laasqoray,anaga oo dad badan ka dhegaysany warbixno waxana noo soo baxaday inay Xeebta Laasqoray haatan ku sugan yihiin 32- Doonyood oo ah kuwa doonaya inay Ka jilaabtaan khayraadka xeebahaasi ku jira kuwaasi oo Masuul ka yihiin Shakhsiyaad yar oo deegaankaasi u dhashay.

 

 

Waxa jira Dadaal dheer oo bilaabeen waxgaradka deegaanku kuwaaso oo doonaya inay wax ka qabtaan dhibaatadaasi ay wadaan kuwa aan aqoonta saasi u fog lahayn, waxay sheegeen waxgaradku inay gacan bir ah ku qabanayaan kuwa doonaya inay dabar jaraan khayraadka Bada.

 

 

Warshada Kalluunka soo saarta ee Laasqoray Tuna Fish ayaa waxa horaantii sanadkii aan soo dhaafnay la wareegay Ganacsato cusub kuwaasi oo kala wareegay kuwii horay warshada u maamuli jiray, kadib markii uu soo kala dhex galay Khilaaf daba dheeraaday oo mudo soo jeetamayay ayaa lagu taliyay inay Gacantooda ka wareejiyaan warshada.

 

 

Maamulka cusub ee hataan Gacanta ku haya warshada ayaa la sheegayaa inaanay wax saasi oo la taaban karo ku soo kordhin warshada oo ay wali yaaliin qalabkii lagu hirgaliyay markii la taagay warshadaasi horaantii sanadkii 2001, iyaga oo markii ay warshada la wareegayeen sheegay inay wax wayn ka bedelayaan qalabka iyo Shaqada warshada labada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

CORRECTION

 

 

Laasqoray:- Waxa jiray in dhawaan Shabakada LaasqorayNet lagu soo daabacay war kaasi oo khuseeyay warshada Kalluunka ee Laasqoray,warkaasi waxa uu sheegayay in warshada la xidhay ka dib markii ay soo Food saartay Kalluun yaraan Baah"San, balse, Maamulka warshada ayaa arinkaasi ka hadlay iyaga oo Farta ku fiiqay in xiligii la xidhijiary la soo gaadhay.

 

 

Maamulka Warshada kalluunka ee Laasqoray oo nala soo xidhiidhay ayaa arinkaasi loo xidhay warshada ku tilmaamay mid ay ka danbaysay ka dib markii la gaadhay xiligii la oodi jiray warshada isla markaana la furidoono Bisha Sagaalaad ee soo socota hadii Eebe idmo.

 

 

Iyada oo uu horay warbaahinta uga hadlay mid ka mid ah hawl wadeenada warshada uuna sheegay inay warshada soo food saartay Kalluun yaraan ayaa arinkaasi waxa si cad u beeniyay Masuuliyiinta sar sare ee warshadaasi oo iyagu sheegay inay warshadu xitaa hadii la waayo Kalluun ay haysato Kalluun kayd ah oo ay mudo sii wadi lahayd inta laga gaadhayo Kaluun badan oo ay hesho warshadu.

 

 

Maamulkaasi warshada Laasqoray waxay kaloo sheegeen inay sandaka oo dhan ay warshadu u shaqay naysay si caadi ah oo ay dhamaan joogeen shaqaalihii warshadaasi,waxay sheegeen inay waliba shaqaalaha ku soo kordhiyeen Haween oo aanay horay warshada looga baran shaqadeeda inay ka shaqeeyaan, arinkaasi ayaa aad waxa u soo dhaweeyay dadka Deegaanka.

 

 

Warshada Kalluunka soo saarta ee Laasqoray Tuna Fish ayaa waxa horaantii sanadkii aan soo dhaafnay la wareegtay shirkada cusub oo lagu magcaabo Hodman oo kala wareegtay kuwii horay,iyada oo ay shirkadaasi si habsamileh u dhaqaajisay hawlihii warshada Kalluunka Laaqoray looga bartay

 

 

Maamulka cusub ee hataan Gacanta ku haya warshada ayaa la sheegayaa inay ku soo kordhiyeen qalab cucub waliba waxa si aad ah dibu habayn loogu sameeyay qaybta wax soo saarka oo aad loo laba jibaaray shaqadeeda Maadaama ay warshadu Dhamaan caalamka oo idil gaadhsiio Kallluunkeeda.

 

 

Jaamac Ayaanle Feyte

 

 

LaasqorayNet/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this