Sign in to follow this  
General Duke

Presidet Yusuf meets with Yemen leaders..

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa Waddanka Yamen Cali Cabdallah Saalax isagoo la falanqeeyey Xaaladda Gobolka iyo gaar ahaan tan Soomaaliya oo Madaxwaynaha Yamen looga bartay inuu si gaara u xiiseeyo.

 

r1399186516.jpg?x=380&y=232&sig=bJaGIBOl

 

r1085323620.jpg?x=380&y=257&sig=rCvvLf9V

 

Waddanka yamen ayaa orey gacan uga geystay isu keenidda Dhinacyada is haya ee Soomaaliya iyadoo kal hore uu heshiis rasmiya dhexdhigay Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Cali Cabdallah Saalax oo isaga lagu tilmaamo Xariggii u dhexeeyey Jaamacadda Carabta iyo Dowladda Soomaaliya ayaa in badan ku dadaala inuu Saaxiib la noqdo Siyaasadaha kala horjeeda ee Soomaaliya.

 

Sida uu ku warramay Kanaalka Afka Carabiga ku baxa ee Aljazeera waxaa Madaxwayne C/laahi Yuusuf u sheegay dhiggiisa Yamen inuu oggolyahay Wadahadal lala galo Midowga Maxkamadaha Islaamigaa laakiin ayuu yiri Madaxwaynuhu waa inay joojiyaan Dagaalka iyo Colaadda Xabbadu la socoto ee ay hurinayaan.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan inuu Madaxwaynaha Dalka yamen bilaabay Dhexdhexaadin horleh oo uu u kala dabqaadayo Maxkamadaha oo xiriir fiican la leh iyo Madaxwayne C/llaahi yuusuf arrinkaas oo Dadka siyaasadda Indho-indheeyaa ka muujiyeen Rajo Maadaama horey loogu bartay inuu natiijo fiican yeesho Gogosha ay Magaalada Sanca Qabato.

 

Bishaar C/risaaq Cabdi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynayasha Somaliya iyo Yemen oo kawada xaajoday arrimaha Somaliya

Last Updated::2006-11-11 18:59:25

 

San'a:-Sida ay ku warrantay wakaalada wararka dalka Yemen ee SABA madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed iyo madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax ayaa kulan ay maanta ku

yeesheen magaalada Sanca waxa aykaga wada xaajodeen xaaladaha ka taagan dalka Somaliya .

 

iyo sidii Somaliya loogu soo dabaali lahaa xasiloonidi iyo nabad gelyadii isla markana loo dar dar loo gelin lahaa dadaalda dibu heshiishinta qaran ee ay u socda dhinacyada kala gedisan ee Somalida .

 

Madaxweynaha Somaliya Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa uga warramay madaxweyne Salax arrimaha ka soo cusboonaday dalka Somaliya iyada oo jiraan dadaalo ku aadan iso soo dhawaynta aragtiyada ay kala qabaan DFKMS iyo Maxaakimta Islaamig ah .

 

Waxaa sidoo kale uu madaxweynaha Somaliya uu uga warramay madaxweyne Saalax waxyaalahi uga soo qabsomay boqashadisi dalka China iyada oo hogaamiyashi afrkinka ahayd ee ka qayb qaatay kulannkas ay kulamo la yeesheen hogaanka dalka China .

 

Waxaa wakaalada wararka Yemen ee SABA ay sheegtay in madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdala Saalax uu markale carrabka ku adkeeyay taagerida dalka Yemen dhamaan dadaalada ku aadan xasilooni, ku soo dabaalida dalka Somaliya,isaga oo tilmaamay in xasilooni ka hana qaada dalka Somaliyia ay arrinta dan u ah dalka Yemen iyo dhamaan dalalka mandiqada.

 

Waxana madaxweyne Saalax ugu baaqay beesha caalamka in ay qaado masuuliyda ka saaran dalka Somalya taas oo horseed u noqanaysa dib u taagida hay'adihi asaasiga aha ee dawlada iyo dib u dhiska waxyaalahi ay bur buriyeen dagaaladi sokeeye ee Somaliya.

 

 

Faysal wakaalad

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanca : Madaxwaynaha Soomaaliya oo kulammo la qaatay dhigiisa wadanka Yemen.

 

Sabti, November 11, 2006

 

federaalka Somaaliya Mud. C/laahi Yusuf Axmed ayaa waxa uu dhowaan gaaray magaalada Sanca ee caasimadda wadanka Yemen.

 

Madaxwayne Yusuf ayaa waxa u kulammo la qaatay madaxwaynaha wadanka Yemen Cali C/lla Saalax iyo mas`uuliyiin ka tirsan xukuumadda Sanca.

 

Madaxwayne Yusuf oo socdaal ku soo maray wadammo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Singabuur ayaa wada hadallo waxa u la soo qaatay madaxdii uu la so kolmay.

 

Labada mas`ul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii dawladda Soomaaliya loo taageeri lahaaa.

 

Madaxwaynaha wadanka Yemen ayaa waxa uu kala hadalay madaxwayne Yusuf halka uu marayo xaalka siyaasdeed ee dalka Soomaaliya iyo xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo maxkamadaha.

 

Kulankaasi warar ku dhow dhow ayaa waxa ay sheegayaan in madaxwayne Yusuf uu sheegay in loo baahan yahay in maxkamadaha magaalada Muqdisho ay ka baxaan dhulalkii ay qabsadeen iyo gobolada ay ka taliyaan qaakood.

 

Xukuumadda Yemen oo horay ugu gulaysatay dhex dhexaadinta xubno uu madax u ahaa gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay marar badan ku celisay in ay door ka qaadan karto dhex dhexaadinta maxkamadaha iyo xukumadda.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this