Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Gud Xisbiga UCID ee G/Awdal oo Sheegay inuu u Sharxan yahay Jagada M/weyne Kux S/land

Recommended Posts

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee G/Awdal oo Sheegay inuu u Sharxan yahay Jagada M/weyne K/Xigeenka ee Xisbiga UCID doorashada Soo socota

September 22, 2010

By staff-reporter

Awdalpress(Borama) 22 Sep.10– Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee G/Awdal X.Abuubakar Xuseen Shiine-Dheere ayaa sheegay in uu u sharxan yahay Jagada M/xigeenka Somaliland doorashada soo socota, isaga oo iska sharxi doona xisbiga UCID oo mudadii uu jiray xilkiisa hayay Gobolada Awdal iyo Salal.

 

X.Abuubakar SHiine- Dheere wuxuu sidaas ku sheegay war uu sii yay Shabakada Awdalpress iyo Wargaysaka Haatuf oo masuulkani kaga hadlay hankiisa siyaasadeed eek u aadan damaca ka haya xilka M/xigeenka.

 

X.Abubakar isaga oo Arintaas ka hadlaya wuxuu yidhi “ Waxaan ummada u soo bandhigayaa in aan doorashada soo socota ee M/tooyada isku taagi soo taagi doono musharaxnimada jagada M/weyne K/xigenka ee Somaliland, Aniga oo ka tartami doona xisbiga aan ka midka ahay ee UCID, xisbigaas oo aan la soo bilaabay ilaa markii uu ahaa Ururka, isla markaana dedaal badan iyo dhaqaaleba gashay, sidaas awgeed waxaan u sheegayaa saaxiibaday iyo shacabka G/Awdal in aan doorashada soo socota u ahay musharaxooda.

 

X.Abuubakar oo aan wax ka weydiinay hadii la furo Ururo sida uu yeeli doono wuxuu ku jawaabay in xisbigooda Ucid aanu ka cabsi qabin ururo la furo, isla markaana uu kalsooni ku qabo xisbinimada Ucid, taas oo uu sheegay in aan lagu gaadhi doonin hirgelka uu hirgalay xisbiga Ucid,.

 

Mar uu ka Jawaabayay in ay jiraan rag ka mid masuuliyiinta xisbiga ee heer gobo loo shegay in ay jagadaas isku sharaxayaan ayuu yidhi X.Abubakar ninkaasi waa saaxibkay o kaftamaya, laakiin aniga waa xaqiiq oo waa iga dhab, waxaanan filayaa in cid walba igu taageeri doonto, hore waxaan iskugu soo tagi waayay ayuu yidhi Abuubakar waxaan ogaa in gobolka Awdal iyo Salal uu ka sharaxnaa M/weyne ka soo jeeday oo mar walba isaga codka la siinayay.

 

Gudoomiye X.Abuubakar waxa kale oo uu ka jawaabay in doorkan soo socda uu M/weyne u sharxan yahay Faysal xisbigooda iyo in kale wuxuna yidhi “ Xeerka xisbiga u yaal wuxuu dhigayaa in musharaxu uu tartami karo jagadaas laba jeer, labadii jeerna Faysal wuu u tartamay, doorka soo socdana wuxuu noqon doonaa odayga xisbiga, wuxuuna u taagnaan doonaa in uu noqdo Aabihii sida Mandela oo aan ku tixgelin doonaa.

 

Ugu dambayntii wuxuu intaas raacshay Gudoomiye X.Abuubakar Shiine-Dheere in mawqifkiisa uu manta shaaciyay uga gol leeyahay in uu iska sii mooso rag badan oo reer awdal ah oo damacaasi ku jiro in ay ka warqabaan, isla markaana uu uga horeynayo is shaacinta jagadaas uu u taagan yahay.

 

X.Shiine DHeere wuxuu intaas ku daray in uu leeyahay waayo aragnimo siyaasdeed oo uu mudo 17 sano ah ku soo dhexjiray siyaasada Somaliland iyo mudo 8 sano ah oo uu xisbiga Ucid ka mid ahaa raga taladiisu ka go’do.

 

Si kastaba ha ahaatee wuxuu noqonayaa X.Abuubakar Shiine-Dheer siyaasigii u horeeyay ee reer Awdal ee Wargaysyada ku cadeya mawqifkiisa damaca kursiga M/weyne k/xigeenka.

 

Awdalpress

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this