Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu. Delegation led by Speaker holding meetings with stakeholders of Mudug

Recommended Posts

Wafdi ka socda dowlada P/land oo kulamo ka wada mag. Gaalkacyo

 

 

 

Magaalada gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa wafdi ka scoda Xukuumada Puntland.

 

Wafdigan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka ee Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka koobnaa 17-xubnoo oo ka mid ah 19-ka Xubnood ee Dowlada Puntland ugu jira Gobolka mudug,Dhamaantoodna waxa ay ka soo jeedaan Gobolka Mudug.

 

Wafdigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Cadaalada,Warfaafint a,Haweenka & Deegaanka, Sidoo kalena waxaa ku jiray wasiiro kuxigeeno, Xildhibaano iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

 

 

Wafdigan ayaa waxa ay kualamo sdabajoog ah laleeyihihiin Maamulka Gbolka waxayna bilaabeen Kulamdii ay laqaadan lahaayeen Bulshada Rayid ka ah.

 

Shir balaaran oo ka dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ayaa waxaa ay wafdigu halkaas kula kulmeen dhamaan odayaasha & Cuqaasha gobolka.

 

Wafdiga ayaa waxa ay odayaasha kala hadleen arimaha amaanka & Hor umarinta maamulka ee Gobolka Mudug.

 

 

Shirkan ayaa waxaa ka hadashay inta badan madaxdii gaalkacyo dhawaantan timid.

 

Ugu horayn waxa ahalkaas ka hadlay Duqa magaalada gaalkacyo Col:-Axmed Cali salaaad ooo soo dhaweyn balaaran u sameeyey wafdiga kuna amaanay imaanshahooda gobolka wuxuuna ka codsaday odayaasha inay dowlada la shaqeeyaan.

 

Gdoomiyaha Gobolka mudug Col:-cabdinuur Maxamed Diiriye Geesay ayaa asna halkaas ka hadlay wuxuuna ku dheeraaday waxqabadkiisii 10-kii bilood ee uu xafiiska joogay,wuxuuna sheegay in uu wax badan ka badalay Gobolka intii uu xafiiska joogay.

 

 

Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka ee Puntland oo ah Gudoomiyaha wafdiga Cabdirashiid maxamed Xirsi ayaa asna Micrafoonka lagu soodhaweeyey wuxuuna sheegay in ay Gaalkacyo u yimaadeen Sidii ay wax badan amaanka uga badali lahaayeen aysanna ka laabanayn ilaa ay wax ka badalaana maanka gobolka oo aad u xumaa Beryihii tagay.

 

Wasiirka Caafimaadka Ee Puntland Dr:-Bashiir Cali Biixi ayaa isna ka hadlay waxqabadka siyaasadeed ee dowlada Puntland wuxuuna sheegay in ay dowladoodu wax badan ka badashay Siyaasadii gudaha & Tii dibada ee Puntland.

 

 

Wasiirka Warfaafinta ee Puntland Warsame Cabdi shirwac (Seefta Banaanka) oo asna shirkaas waqtikooban yga hadlayey ayaa waxa uu sheegay in ay Doonayaan in ay sameeyaan waxqabad dhab ah oo ku saabsan Gobolka mudug wuxuun odayaasha ka codsaday in lala shaqeeyoo si ay wax u qabtaan.

 

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa Kulankaasi isna ka hadlay wuxuuna sheegay in ay isku dubarideen Ciidankuu amaanka ee Gaalkacyood wuxuuna Bulshada ka codsaday in ay ciidaka lashaqeeyaan.

 

Gaba gabadii kulankaas ayaa hadalka waxaa lasiiyey odayaasha gobolka mudug si ay aragtidooda uga dhibtaan sugid amaanka ee gobolka Mudug.

 

 

Isku soo wada duub oo waxaa lagu balamay in ay kulamadu sii socdaan maamlaha soosocda,Wafdiganna waa wafdigii ugu badnaa oo mudug ka soo jeeda oo Gobolkan yimid tan & Intii la dhisay dowlada Puntland.

 

Waxayna booqashadoodu ku soo aadaysaa iyadoo ay amni daro balaarani ka jidho gobolka Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this