Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotel militia comanders at war with each other

Recommended Posts

Saraakiisha Gudiga Amniga Qaranka oo labo labo isugu jeestay, Indha Cadde iyo Dhuumaal oo qarka ka mareyso

 

Saraakiisha Gudiga Amniga Qaranka ee kol hore uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa soo kala dhex galay khilaafaad ku aadan dhinaca ammaanka iyo habka maamulka Ciidamada Dowladda.

 

Khilaafka Saraakiisha Dowladda oo soo bilowday labadii maalmood ee u dambeysay ayaa ku wajahan awooda maamulka ciidamada dowladda iyo mushaaraadkooda, kadib markii la lunsaday in badan oo ka mid ah mushaaraadka Ciidamada.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Yuusuf Indha Cadde iyo Taliyaha Ciidamada Milateriga Gen. Dhuumaal ayaa waxay labadaba isku hayaan dhinaca maamulka Ciidamada oo ay ka muuqato loolan ku aadan qaabka loo raacayo nidaamka ciidamada Dowladda.

 

Indha Cadde ayaa isagoo ka duulaya in Wasaarada uu ka tirsan yahay ay hoos timaado Ciidamada Dowladda ayaa la soo sheegayaa inuu ka hor yimid qorshe uu Jen, Dhuumaal ku doonayay inuu tiro rasmi ah oo ciidamada ugu gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Mr Indha Cadde uu xusul duub ugu jira in Maamulka Ciidamada si toos u fara geliyo, kadib markii ay soo baxeen tiro aan sax aheyn oo Ciidamada Dowladda ah, kadib markii la bixiyo Mushaaraad aan dhameyn tirada saxda ah ee Ciidamada diiwaan gashan.

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo soo kala dhex galay arrinta khilaafka Saraakiisha Gudiga Amniga qaarkood ayaa shalay kulansiiyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga iyo Gen, Dhuumaal oo ahaa kulan albaabada u xirnaa.

 

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Gen, Cabdi Qeybdiid iyo Saraakiil kale ayaa ku khilaafsan in laga saaro Xarumihii booliska ee degmada Xamar Jajab dadka degan, waxaana taagan muran u dhaxeeya isaga iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Col. Goobaanle.

 

Is qab qabsiga xilligan ka dhex taagan Saraakiisha gudiga Amniga qaranka ayaa la ogeyn halka rasmiyan ku biyo shuban doonto, hase ahaatee waxaa socda qorshayaal lagu dhameeynayo saraakiisha uu is qab qabsiga ka dhaxeeyo.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxii Nabadsugida Dowlada Oo Lagu Eedeyay Khiyaano Qaran

25 September, 2009 06:11:00 user123

Font size:

 

Golaha Wasiirkada ee Dowlada Mindimada Qaran ayaa la sheegay iney kala qeybsanaan xoogan dhex dhigtay eryo uu sheegay Madaxa nabadsugida Dowlada Gen.Maxamed Sheekh, kaasoo wareysi badan oo dhowaan siiyay wargeysyo caalamiga, iyagoo u sheegay in tayada Ciidamada Dowlada ay aad uga hooseeyaan kuwa Xoogaga Mucaaradka Islaamiyiinta Hubeysan.

 

Xiisadani ayaa la sheegay in qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ay eedo culus u jeediyay Madaxa Nabadusugida Dowlada Gen.Maxamed Sheekh, iyagoo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay howlhii loo igmaday ee xuuraanka iyo lid-xuuraanka, waxeyna intaasi raaciyeen inuu dhowr jeer oo kal duwan uu wareysiyo siiyay Warbaahinta Caalamka isagoo xusay in ay khalad aheyd talo uu soo jeediyay markii ay talada uu la wareegay Madaxweynaha Sheekh Shariif Dowlada Midnimada Qaran, taasoo aheyd in gaadiidka dagaalka oo tiradoodu dhameyd 37 oo lagala wareegay Ciidamadii uu dhisay Dowladii Col.C/laahi Yuusuf, laga wareejiyo Ciidankaasi loo dhiibo Ciidamadii Maxkamadaha ee hadda loo bixiyay Ciidamada Daraawiishta, sidoo kale la kala diro 14000 oo Ciidan ah.

 

Xubnahaani ayaa intaasi raaciyay in 22 ka mid ahi gaadiidkaasi si toos ah ama si dabban gacanta loogu geliyo Xoogaga Shababka & Xisbul Islam, taasina ay horseeday iney niyad jabweyn ku keento Saraakiisha & Ciidamada Dowladda, sidoo kale waxey ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay inuu sugo amaanka Labadii Khabiir ee Fransiiska ahaa oo martida u ahaa Ciidamada Nabadsugida isla markaasna siminaar u waday, waxaana ilaalo ka hayay Ilaalada gaarka ee Jananka & kuwa Wasiirka Maaliyada, waxeyna eedahooda ku sheegeen inuu ka gaabiyay in warbixino hordhac ah oo dhab ah laga keeno dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Mucaaradka & qorshayaashooda ku aadan falalka Ismiidaaminta ah, sidoo kale waxey sheegeen Gen.Max'ed Sheekh uu dhowaan Wareysi siiyay Wargeyska Newyork Times uu ku sheegay iney aad u hooseyso tayada Ciidamada Dowlada iyagoo sheegay in 100 Askari ee Ciidamada Dowlada aysan awoodin iney iska dhiciyaan 10 dabley ah oo Xoogaga Mucaaradka ah. (fiirilifaaqa Waresiga oo Afka Ingriiska ah http://atwar.blogs.n ytimes.com/2009/09/2 4/the-front-line-in- somalia/)

 

Wasiiradani ayaa dalbaday in deg deg shaqada loo eryo Madaxa nabadsugida Gen.Maxamed Sheekh kadib markii uu dembiyo khiyaamo qaran ay uu galay, waxeyna dalbadeen in gudi heer Qaran ah loo xil saaro baarista Kiiskani, Xubno uu ka mid yahay Madaxweynaha Sheekh Sahriif, ayaa kalsoonadii siiyay madaxani waxeyna talabadaasi aad uga careysiiyay wadanikyiin badan oo taageero u hayay Xukumadaani, dhanka kale Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo kuwo ka soo jeeda Gobolada Bay & bakool ayaa difaacay Gacanyarihiisa, wuxuuna ku gacan seyray eedaha lagu soo oogay Sarkaalkani, Wasiirka Maaliyada ayaa sheegay iney kalsooni weyn ku qabo qaabka uu u howlgaliyo Ciidamada Nabadsugida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this