Sign in to follow this  
General Duke

Breaking News: Suicide bomber [female] strikes Mogadishu airport...

Recommended Posts

Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Garoonka diyaaradah ee Muqdisho.

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Qarax ismiidaamin ah ayaa goordhow waxa uu ka dhacay albaabka laga galo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdiso iyadoo qaraxaasi kadib ciidamada midowga Afrika ee ku sugan Garoonkaasi ay fureen rasaas xoogan.

 

Gaari lagu soo xirey waxyaabaha qarxa islamarkaana ahaa Nuuca Soomaalidu ay u taqaan Runeetka ayaa daqiiqado ka hor waxaa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

 

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxa hase ahaatee qaraxa ayaa markii uu ka dhacay garoonka diyaaradaha agtiisa waxaa mar kale la maqlay dhawaqa labo jug oo aad u culus kuwaasi oo laga maqlay goobta ii gaarigu isku qarxiyay.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa furey rasaas xoogan oo cabsi galisay dadka garoonka diyaaradaha ku sugnaa.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in Waxa is qarxiyay ay ahaayeen labo Gaari oo kala ahaa Runeet iyo Kaarib, waxaana sida la sheegay marka hore is qarxiyay gaariga Kaaribta iyadoo xiligaasi kadibba kooxo kale oo ku labisanaa dareeska ciidamada dowladda oo ka soo dagay gaariga kale ee Runeetka ahna ay gudaha Garoonka ku fureen rasaas xoogan.

 

 

Meydka ruuxa isqarxiyay iyo meydad kale ayaa la sheegay inay yaalaan goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana, ciidamada dowladda ay dadka u diidayeen inay goobtaasi tagaan.

 

Wixii warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii uu Ilaah inoo saamaxo.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qof dumar ah oo isku xirtay walxaha qarxa ayaa goor dhaweyd isku qarxiysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho iyadoo hada la maqlayo dhawaqa rasaas fara badan oo ka dhaceyso banaanka iyo gudaha garoonka.

 

Qaraxa oo dhacay shan daqiiqo ka hor ayaa waxaa uu ahaa mid laga maqlay dhawaqiisa qeybo badan oo Muqdisho ah, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas u muuqatay in la is weydaarsaday taasoo socotay qadar daqiiqad ah.

 

Lama oga goobta ay la beegsatay qaraxeeda naagtan is qarxisay sidoo kale waxaanan la ogeyn qasaaraha uu geystay weerarkan ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday garoonka diyaaradaha Adan Cadde.

 

Waxaa la qiyaasayaa in ay ka danbeeyaan Al Shabaab oo iyadu maalmahan dagaalo kula jirtay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, taasoo 14-ki bishi hore weerar ismiidaamin ah ku dishay 33 ruux oo ay ku jireen xildhibaano kuwaasi oo degenaa hotelka Madina ee Magaalada Muqdisho.

 

Wixii kusoo kordho kala soco Midnimo.com.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba Askeri oo AMISOM Ka Tirsanoo Ku Dhintey Qaraxyo Ka Dhacay Albaabka Hore ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

 

September 9, 20100 comments| leave your own!

Share Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax duhurnimadii maanta (Khamiis) ka dhacay albaabka hore ee Garoonka Diyaaradaha Muqidisho, kaas oo si weyn loo ilaaliyo amaankiisa.

 

Qaraxa ayaa ahaa nooca loo yaqaan ismiidaaminta waxaana ka qaybqaatey laba gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa dhaliya, dad indhahooda ku arkaayey markii qaraxu dhacaayey ayaa Horseed Media u sheegay in gaari yar oo noociisu yahay Ronet ayaa galay halka laga soo galo Garoonka, gaarigaas markii uu is qarxiyey waxaa daba soicdey mid kale oo ay saarnaayeen ilaa saddex qof kuwaas oo ka soo degay gaariga isla markaana rasaas bilaabey in ay furaan, oo dagaalamay.

 

Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa sheegay in weerarkaas ay uga dhinteen laba kamid ah askartooda, halka dhaawac uu soo gaarey saddex kale, waxa uu sheegay in gaariga labaad ee weerarka loo isticmaaley uu weli yaalo albaabka hore ee Garoonka Diyaaradaha.

 

Dhanka kale wararka aan helayno ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska ilaalada u ah Garoonka ay waxyeelo soo gaartey taas oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac, waxaana sidoo kale ku dhintey dad rayid ahaa oo goobta ka agdhawaa.

 

Dadka weerarkan fuliyey ayaa lagu sheegay in ay dhamaayeen 6 qof kuwaas oo dhamaantood ku dhintey weerarkii ay soo qaadeen, kadib markii ay is qarxiyeen, halka kuwii dagaalamay qaarkood ay dishey rasaastii AMISOM, wararka qaar ayaa sheegaya in ay baxsadeen ragii gaariga danbe watey ee dagaalamay.

 

Weerarkan ayaa ka dhigaaya in aysan jirin goob amaan ah oo kamid ah Muqdisho, maadaama Garoonka Diyaaradaha uu ahaa goobaha sida weyn loo ilaaliyo ayna amaankiisa gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM.

 

Dhanka kale weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili maanta ay Muqdisho soo gaareen wefdi heersare ah oo uu hoggaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, mana cadda in hadafka weerarku uu ahaa Wefdiga Qaramada Midoobey iyo in kale.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:(Allpuntland)-Inta la ogyahay in kabadan 10-Ruux ayaa dhimatay halka tiro intaas ka farabadan oo aanan la xaqiijin karin islamarkaasna aanan saadaashooda dhabta ah lahayn ay ku dhinteen kadib markii maanta Weeraro Ismiidaamin ah oo isdabajoog ah lagu qaaday garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

 

Weeraradan oo ahaa kuwo isdabajoog ah ayaa waxaa fuliyey laba gaari oo ah Nooca Raaxada,waxaana uu midkood qarxay Markii uu hor istaagay Goob dadka lagu baaro oo kamid ah Kantaroolada Garoonka Muqdisho,halka kan kalena ay kasoo degteen dhowr ruux kuwaas oo qaarkood Ismiidaamiyey,waxaana ay taasi jahwareer Balaaran ku riday Ciidamadii Halkaas ku sugnaa & Shacabka ka agdhawaa.

 

Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Booliska ee Dawlada Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa APL u sheegey in Weerarada dhexdooda ay jireen Rasaas xoogan oo ciidanka Booliska ah lagu soo qaaday,islamarkaasna uu xigay Weerarka labaad oo ah midka Khasaaraha badan dhaliyey,wuxuuna Sarkaalkani sheegey in ay jiraan ciidamo katirsan booliska oo Weerarkaas ay Khasaaro kasoo gaartay.

 

Goobjooge kusugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ay APL isna xiriir la yeelatay ayaa sheegey in dadka dhintay ay ku jiraan ganacsato kamid ah kuwa ka shaqeeya Diyaaradaha,Ciidamo Booliska,kuwa Amisom & Shacab kale oo ay kujiraan qaarkamid ah dadka ka tuugsada Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Kadib markii Weeraradan Ismiidaaminta & Rasaasta isugujira ay dheceen Waxaa Guud ahaanba aad loo adkeeyey Amaanka garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,waxaana halkaas soo gaaray Saraakiil katirsan kuwa dawlada & madax kale,welina waxaa la dareemaya Jahwareer & khakhal kajira gudaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Fikradaada ka dhiibo warkaan

Loading comments...

Share this post


Link to post
Share on other sites

25 qof oo ku dhimatay weerarkii Garoonka Muqdisho

9 Sep 9, 2010 - 8:17:41 AM

 

Ugu yaraan 25-qof oo isugu jira, ciidamo, shacab iyo kooxihii weerarka qaaday ayaa ku dhintay weerar Ismiidaamin ah oo maanta [sep 09] lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana uu sababay dhaawacyo aan badnayn.

 

Saraakiisha AMISOM iyo kuwa DF ayaa sheegay in weerarkan ay fuliyeen shan qof oo ku labisan dharka ciidamada, uuna mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ku qarxay dibadda garoonka, halka midka kalena uu ku qarxay gudaha garoonka.

 

"Weerarkan wuxuu ahaa mid ay ka dambeyso Al-shabaab, waxaana ku dhintay dad kor u dhaafaya labaatameeyo qof oo ay ku jiraan shacab masaakiin ah oo garoonka ku sugnaa iyo mas'uuliyiinta shirkadaha diyaaradaha qaarkood" ayuu taliye ciidan oo ka tirsan garoonka Muqdisho u sheegay Warbaahinta.

 

Weerarkaan ayaa ahaa mid la mid ah weerarkii lagu qaaday Hotel Muna, kaasoo lagu dilay 33-qof, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, xildhibaanno iyo dad rayida ah, oo ay sheegatay kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Muqdisho.

 

Afhayeenka AMISOM Maj. Barigye Be-huko oo weerarkan ka hadlay ayaa sheegay inuu ahaa mid ay filayeen in lagu soo qaadi karo garoonka diyaarada, isagoo xusay inay iska caabiyeen kooxaha soo qaaday ayna dhamaantood dileen.

 

"Weerarkan waxaa lagu soo beegay iyadoo Wasiirka Wafaafinta DF uu ka digay in weerarro ay Al-shabaab ka geysan karto Muqdisho maalmaha soo socda" ayuu yiri Maj. Behuko, oo intaas ku daray in weerarkaan ay aad uga feejignaayeen.

 

Maj. Barigye, wuxuu sheegay in AMISOM ay Muqdisho u joogto inay difaacdo DF, hay'adaha xukuumadda iyo shacabka, ayna wadayso arrintaas inta ammaanka guud ee dalka ay ka xaqiijinayaan.

 

Dadka ku dhintay qaraxa ayaa la sheegay in qaarkooda ay gubteen, iyadoo war kasoo baxay Dowladda Somalia lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mida y ka dambeysay Al-shabaab.

 

Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira DF ayaa dhamaadkii bishii hore sheegay inuu qaadayo dagaalo ka dhan ah Dowlada iyo AMISOM, kuwaasoo ay ku sheegeen inay ku afgambin doonaan dowladda, waxaana weerarkan uu u egyahay midkii lagu qaaday Hotel Muna.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this