Sign in to follow this  
MoonLight1

Shockng story: Mother is buried with her sloughtered son.

Recommended Posts

Dhacda layaab leh oo ka dhacday Muqdisho Hooyo loo sheegay in Wiilkeedii lagu Gowracay Galgalato oo Daqiiqad gudeheed ku geeriyootay.

 

 

Iyadaa dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ay gelayaan wejiyo is bed dedel badan ayay qaar katirsan xoogaga dagaalamaya bilaabeen in ay Gowracaan dhinaca kale.

 

Dagaalkii dhawaan deegaanka Galgalato ku dhaxmaray Ciidanka Maxaakimta Dowlada raacsan iyo Xarakatul Shabaab Mujaahidiin ayaa dhaliyay muuqaal ku cusub Somalida.

 

Xoogaga la wareegay gacan ku haynta deegaanka Galgalato ayaa dhegta dhiigga u daray ku dhawaad 7 Askari oo katirsanaa Ciidankii Maxaakimta.

 

Warbaahinta ayaa loosoo bandhigay Askarta oo gowracan balse Weriyaasha ayaa ka codsaday kooxihii goobta haystay in ay qariyaan calaamadaha gowraca kadibna sawiro laga qaadi karo.

Ciidankaa sida argagaxa leh loo gowracay waxaa dhalay dad Somali ah oo ay u ahaayeen Wiilal qaali ah Hadaba dhacdo layaab leh ayaa arrinkaasi ka dambaysay.

 

Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday Xaafadda Arjantiin degmada Kaaraan magaalada Muqdisho oo uu degaaan ahaan kasoo jeeday mid kamida dhalinyaradii dagaalkii Galgalato lagu gowracay.

 

Hooyadii dhashay C/laahi Ciyow oo katirsanaa Ciidankii Maxaakimta ayaa loo sheegay in Wiilkeeda lagu gowracay dagaalkii galgalato kadibna Maydkiisa habeen baryay agagaarka Badda.

Markii hadalkaas ay dhegeheeda ku shubatay ayuu hal mar wadnaha istaagay halkaasna ku geeriyootay.

 

Mid kamida Dadkii goob jooga ka ahaa arrinkaas ayaa noo sheegay in haweenaydii lala aasay wiilkeedii oo gowracan.

Dhimashada Haweenaydan waxaa sabab u ahaa maqalka Gowraca wiilkeed, dhacdadan ayaa ah mid ku cusub dhegaha shacabka.

 

Si kastaba ha ahaatee dagaalada ka socdo magaalada Muqdisho waxay sababayaan geerida Dhalinyaro badan oo lakala safan dhinacyada dagaalamaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this