Sign in to follow this  
ansaar17

Gaal raac, Yusuf oo qirey tagerada madoobe

Recommended Posts

ansaar17   

3 Feb 3, 2007, 06:04

 

 

 

 

Xaflad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta ka dhacday xarunta xildhibaanada ee magaalada Baydhaba, iyadoo dhaarinta xafladaasi ay goob joog ka ahaayeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Cabdulalaahi Yuusuf Axmed iyo ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi.

 

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka khudbad halkaasi ka jeediyay ku sheegay inuu wax badan ka qaban doono Baarlamaanka, isagoo tilmaamay inuu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta iyo sidii Baarlamaanku u gudan lahaa howlaha hor yaala isla markaana meesha ka saari doono khilaafyada u dhaxeeya Xildhibanada.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa baaq u jeediyay Xildhibaanada dalka ka maqan inay ku soo laabtaan xarunta Baarlamaanka si buu yiri loo dardar geliyo howlaha Baarlamaanka u yaala.

 

Dhinaca kale waxaa munaasabadii dhaarinta Guddoomiyaha cusub ka hadlay mas'uuliyiinta ugu sareysa xukuumada oo uu ka mid ahaa Madaxweyne Cabdulahi Yusuf iyo ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi.

 

Madaxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed oo ka hadal ka jeediyay munaasabadas ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii looga shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta dalka, wuxuuna ugu baaqay hogaanka cusub ee Baarlamaanka inuusan marin wadadii Guddoomiyihii hore ee Shariif Xasan, isagoo ku dheeraaday halgankii uu soo maray Sheekh Aadan Madoobe.

 

Waxa uu sheegay Madaxweyne Yuusuf in loo baahan yahay Baarlamaanku inuu fasax galo ugu dambeyn 26-ka Febraayo oo ku beegan xilligii uu Baarlamaanku howshiisa ka bilaabay magaalada Baydhaba, isla markaana inta ka horeysa ay ku soo afjaraan howlaha hor yaala.

 

Waxa uu sheegay in 3 todobaad gudaheeda wasaaradda dib u heshiisiinta xukumadda Somalia ay diyarineyso qabsoomida kulan dadka la isku maslaxeynayo, laakiin taasi ma ahan midii beesha caalamka ay dalbatay.

 

"Sababaha safarkeyga Baydhabo soo da-dajiyay waxaa kamid ahaa sidii Sheekh Aadan Madoobe uu Gudoomiyaha Barlamaanka u noqon lahaa, maadaama aan iskula jirnay Ururkii SRRC" Ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.

 

Madaxweynuhu ka hadlayay arrimaha nabadgelyada ayuu ka dhawaajiyay inay jiraan kooxo qas wadayaal ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka haray Maxkamadihii Islaamiga, isagoo sheegay in ciidamada Dowladda ay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

 

Dhageyso khudbada Cabdulahi Yusuf

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this