Sign in to follow this  
me

Second day of anti-SL demonstrations in Burco

Recommended Posts

me   

War Deg Deg Ah Mudaharaad rabshado iyo gacan kahadl isu rogay oo ka socda magaalada burco …

Warkii 04-Oct-2006 iyo Qormadii: C/qaadir gaabuush

 

War deg deg ah oo hada soo gaadhay xafiiska afnugaal.com ee laascaanood ayaa sheegaya in saaka magaalada burco ka bilowday mudaharaad ay soo qaban qaabisay xukuumada Somaliland mudaharaadkaas oo markii danbe isu rogay rabashado keenay gacan ka hadal …

 

Mudaharaadkan manta oo ay soo qabqaabisay xukuumada Daahir riyaale ayaa lagu diidan yahay mudaharaadkii shalay ka dhacay burco , kaas oo ay Maamulka Somaliland ku sheegeen mid lagu taageerayey Maxaakiimta Somalia , isla markaana loogu gacan haadinayo inay khalkhal ka abuuraan gobolada Somaliland waa sida ay hadalka udhigeene..

 

 

 

Mudaharaadka ayaa markii uu soo gaadhay garoonka kubada cagta ee burco marqudha isu rogay mid lagaga soo horjeedo maamulka daahir riyaale , iyadoo isla markiiba la badalay erayadii ay mudaharaadayaashu ku dhawaaqayeen oo ahaa dooni mayno Wadaada xag jirka ah doono mayno Mogadishu IWM loona badalay dooni mayno maamulka riyaale oo gaalo raaca ah ..

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha gobolka togdheer C/ xuseen dheeere oo isago horkacayey mudaharaadkan ayaa dad cadhaysani xabad iyo dhagax kala daaleen gaadhigiisa , iyadoo uu markii danbena ka lugeeyey ka dib markii ay usuuroobi wayday inuu gaadhiga ku baxsado..

 

 

 

Xaalada magaalada burco ayaa kacsan iyadoo dad aad ubadana xabsiga loo taxaabay , wadooyinka magaalada burco ayaa hada waxaa dhexmaraya ciidamada amaanka oo aad uhubaysan ..

 

 

 

Waxii wara ee ka soo kordha ha mogaan afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

hadhwanaag 2006-10-04 (Hadhwanaagnews) Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Jidh-dil la sheegay in jeelka loogu geystay Sheekh Maxamed Ismaaciil Oo Burco Si Nabadgelyo ah uga dhacay

 

Burco (HWN):-Dadweynaha oo sitay Sawirada lugu baahiyay internetka ee muujinay Jidh dilka la sheegay in lagu Sameeyay sheikh Maxamed Sheekh Ismaaciil iyo boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo laga soo horjeeday jidh dilkaasi ayaa shalay ka dhacay Malaao madaxda Gobolka Togdheer Ee Burco

 

Boodhadhka ay siteen Dadku ayaa waxa ku qornaa halkudhigyo ay ka mid ahayeen "Aqbali Mayno in Jeelka Hargeysa noqdo Guwanta nemo bay , Shuruud la'aan ha lagu sii dayo Culimada Xidhan" iyo Halku dhigyo kale oo ay ku haleecaynayaan jidh dilka Sheekha la sheegay in loo geystay .

 

Dadweynaha Banaabaxa dhigaayay ayaa socod ku soo maray Wadada Laamiga ah ee Bariga Magaalada Burco Ciidanka Booliska oo saaran gaadidak Police ka ayaa iyaguna Dadka Mudaharaadka Sameynayay Dhinacyada ka raacayay oo ilaalinayay Nabad galyada. Waxa kale oo iyaguna Booliska la socday Badhasaabka Gobolka Cabdi Xuseen Dheere iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Md Guutaale iyo Masuuliyin kale .

 

 

Banbaxayaasha ayaan la hayn wax rabshado iyo dhagax tuur ah waxanay si Nabad galyo ah ku soo mareen jidadka kadibna waxay dhamaan Dadkii Mudaharaadka sameynayay ay isugu tageen Garoonka Kubada Cagta halkaas oo ay kula hadleen Wadaadii soo qaban qaabiyay mudaharaadku .

 

 

Waxana ugu horeyn halkaas ka hadalay Shiikh Jaamac Aadan waxana uu yidhi " Jeelku waa Meel raga loo sameyay nin kasta oo Halgan ku jiraana waa loo so xidha , Nimankan Culimada ah ee Jeelka Hargeysa ku xidhan Waxay ahayeen Abayaashi Dacwada Waad Garanaysaan Maxamed Shiikh Ismaciil iyo Maxamed Maxamuudba.

markaa in laxidho oo jeelka lagu xidhaa ma ah waxa weyn ee waxa ayaan daro ah in jidh dil loo geysto Culimada" waxa uu intaas ku daray Shiikh Jaamac in dawladu Gudi madax banan u saarto soo baadhida arintan si loo helo Gudi xaq ah Waxa kale oo uu Dawlada u soo jeediyay Shiikh Jaamac inay Culimadan aan waxa Danbiga ah lagu haysanin si deg deg ah lo sii dayo oo shuruud la'aan ah Waxana uu hadalkiisa ku soo koobay Maxamed Maxamuud iyo Maxamed Sh. Ismaciil iyo Culimada kaleba waa in shuruud la'aan lagu sii daaya " .

 

Waxa kale oo isna halkaas ka hadalay Shiikh Mubaarig Xaaji Axmed Diiriye waxan uu yidhi "Waxaynu halkan isugu nimi inayanu muujino Shucuurtena sida aynu uga xunahay Tacadiga loo geytsay Culimada ku xidhan Jeelka Hargeysa" Waxa uu intaas ku daray Shiikh Mubaarig inan loo dul qaadan karin in Jeel Hargeysa noqodo Guwantanemo bay waxan uu sheegay Shiikh Mubaarig in Culimada si deg deg ah loo si daayo .

 

 

Mudaharaadka ayaa si nabad galyo ah ku soo dhamaaday markii ay dhamadeen qudbadihii .

 

Weriye, C/sakaan Ilkacase

Reporter Burco/hadhwanaag

E-mail, ilkacase1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

The people in living in Burco are not anti Somalinimo or anti-Islam. They support Islam and they have shown their humanity by condemming the torture of the sheikh. We are seeing allot of good things coming from Waqooyi galbeed and Togdheer these days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Originally posted by me:

The people in living in Burco are not anti Somalinimo or anti-Islam. They support Islam and they have shown their humanity by condemming the torture of the sheikh. We are seeing allot of good things coming from Waqooyi galbeed and Togdheer these days.

Here is where I get ticked the most fellow. Who the heck is anti Islamic then, the people living in Hargeysa, is that it.Where to go as you turn a case of innocent man being torture into your usual dumb political motive. Whatever happened to the innocent man has nothing to do of the believes and values of the people, the leaders have to be questioned. As someone who probably grew up abroad would be expected to know that at least. Ha iga danbaajin, ee kafiirso hadalada aad odhanaysid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Lol@afnugaal in las Canood...ayaa warka soo dirtay!

 

The people in Somaliland have a freedom of speech. They can demonstrate against their government however, the existence of SOMALILAND will never be compromised by its people. There is a difference. If certain people in Somaliland believed this guy in the video was actually tortured for the wrong reasons than they are free to express their feelings.

 

Speaking of this particular tape in the Internet, how could any one believe its authenticity is beyond me? You have to be ignorant and blind not to see what is going on here. Not every WADAAD IN Burco has an access to the Internet. All they saw was a picture of some one being tortured and they reacted accordingly. It was propaganda created by certain individual with hidden motives within Somaliland...and they did it during Ramadan. Beenta iyo Xaarantay isku darsadeen ILAAH baa kala xisaabtami.

 

If this guy committed a crime in any kind of way to harm Somaliland than he should be dealt with including torturing his asz. Do you know how many people who paid the ultimate prize for Somaliland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this