Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting leaves more than 25 dead hundreds injured

Recommended Posts

Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey dagaaladii ka dhacay Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir....Warbixin faahfaahsan.........

23. juli 2009

 

Baladweyn(AllPuntlad )- AllPuntland ayaa raadisay Wararkii ugu dambeeyey ee dagaaladii maanta ka dhacay gobalada Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir ee Koonfurta & Bartamaha dalka Soomaaliya, isla markaasna ay dagaaladaasi udhaxeeyeen Al- Shabaab iyo Xulufooyinka kale oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya, Ururka Ehlu Suna Waljameecah iyo ciidamada Midowga Africa, waxa ayna dagaaladan ahaayeen kuwa lugu sheegay in ay qorsheysay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dagaalka Muqdisho.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa saakadii hore abaabushay weeraro ay sadex geesood ah oo ay lafulisay xulufooyin kala duwan, kuwasoo ka dhacay gobalada Hiiraan, Galguduud iyo Banaadir oo ay dhamaantood kula dagaalantay Dagaalyahanada Al- Shabaab oo laf-dhuun gashay unoqday, isla markaasna udiiday in ay nastaan ciidamadoodu.

 

Dagaaladii cuslaa dhanka Madaafiicda ee maanta ka dhacay caasumada Soomaaliya ayaa hada hakad galay galabnimadan, sida ay sheegayaan Xogihii ugu dambeeyey ee AllPuntland ka soo gaaraya caasumada Soomaaliya, waxaana dhinacyada soo kala gaaray khasaare ay ka gaabsadeen in ay sheegtaan.

 

Afhayeenka Xarakada Al- Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaano (Sheekh Cali Dheere) ayaa warbaahinta usheegay in ay guulo ka gaareen dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho, isla markaasna ay qabteen goobo badan oo aysan horay uheysan, isagoo ku eedeeyey dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Africa in ay Shacabka Soomaaliyeed madaafiic labeegsadeen.

 

Hadal hayeen uhadlay dowladda Soomaaliya oo ka jawaabayay hadalka Al- Shabaab ayaa beeniyey wararkasi, isagoo tilmaamay in ay ciidamadoodu joogaan dhamaanba deegaanadii ay xalay dagaaladu ka bilowdeen, wuxuuna kaloo sheegay in ay Madaafiicda deegaanada lugu tuuray masuuliyada ay leedahay Xarakada Al- Shabaab oo uu ku sheegay kuwa ka soo horjeeda amaanka Soomaaliya.

 

Tirada dadka dhintay ee dagaalada Muqdisho ayaa si wanaagsan loo ogeyn, balse goobaha caafimaadka ayuu AllPuntland ka soo xigtay in meydkooda la arkay dad dhan 25 qof oo rayid ah, isla markaasna ay dhaawacmeen oo la xaqiijiyey 125 qof oo rayid ah ayna soo gaartay rasaasta dhinacyadu ay adeegsanayaan.

 

Dagaalka Hiiraan.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay dagaalo qaraar ka dhaceen deegaano hoos yimaada deegaanadaasi,isla markaasna ay dagaaladan geysteen khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegayaan Ilo madax banaan.

 

Dagaaladan ayaa udhaxeeyey Al- Shabaab, Ehlu Suna iyo Maleeshiyaad lugu waramay in ay ka tirsan yihiin dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeeyey dagaal diyaarinayay.

 

Dagaalka ayaa geystay khasaare waxaana ku nafwaayay dad lugu sheegay ugu yaraan 17 qof, sida uu AllPuntland usheegay xubin ka mid ah dadka caafimaadka oo aan saameyn ku laheyn dagaalka, waa sida uu sheegaye Xubintaasi oo diiday magaciisee kuna sugan magaalada Baladweyne.

 

Goobaha dagaaladu ay ka socdaan ayay jirin Isgaarsiin lugula xiriiro, waxaana adag markaas in la xaqiijiyo cida maamuleysay deegaanadii ay dagaaladu ka bilowdeen saakadii hore, balse war naga soo gaaray magaalada Baladweyn ayaa shaki galinaya in ay magaaladasi ka talinayaan maamulkii dowladda Soomaaliya ee degmadaasi uga wakiilka ahaa.

 

Dagaalka Galguduud.

 

Xarakada Al- Shabaab iyo Urur Diimeedka Ehlu Suna oo uu ka dhaxeeyo dagaalo qaraar ayaa saaka iska hor yimid meelo ka mid ah gobalka Galguduud, waxaana uu dagaalkan ka dhacay deegaanka Waxbo ee gobalka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya, cida qaaday ilaa hada lama yaqaano weerarkaas.

 

Hadal hayeeno uhadlay dhinacyada ayaa xaqiijinaya in ay guulo kala gaareen, balse Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay dhinacyadu wali ku sugan yihiin barihii uu saaka dagaalku ka socdey, isla markaasna aysan horukac dhinacna ka sameyn dagaalkan oo ahaa mid siweyn looga maqlayay hubka laysku adeegsanayo deegaanada halkaasi ka dhaw.

 

Ciidamada labada dhinac ayaa umuuqda in ay iskood ujoojiyaan Xabada galinkii dambe ee maanta, ayadoo wali ay jiraan xiiso colaadeed oo hada laga dareemaya deegaanada maadaama labada ciidanba ay isku yihiin kuwa isku muuqda, isla markaasna kala aaminsan fikrado fog-fog oo dagaalkooda ay ku sii wadi karaan.

 

Waxa ka dhaxeeya Sadexdan dagaaladan.

 

Wariyaasha AllPuntland ee falan qeeya Siyaasada iyo amaanka ayaa sheegaya in uu jiro karo xiriir ka dhaxeeya dagaaladan isku marka ka qarxay sadexda gobal oo ah meelaha ugu badan ee ay isku heystaan maamulidoodu dhinacyada dagaalamaya, waxaana ay qabaan Siyaasiin badan shakiga ah in ay dowladda Soomaaliya ay hubeysay Ururka Ehlu Suna Waljameeca, ayna isku afgarteen in dagaal ay ka bilaabaan gobalada Dhexe ee ay joogaan Al- Shabaab, si loo kala dhantaalo awooda Ururkan oo dowladda Soomaaliya ay quus ka taagan tahay.

 

Sidoo kale Siyaasiin kale ayaa dhinac kale ka eegaya, isla markaasna sheegaya in ay Al- Shabaab ayagu isku dayayaan in ay dowladda Soomaaliya taageerayaasheeda jooga gobaladaasi ay awoodahooda dhulka lasimaan, si ay ugu fududaato in ay la wareegaan gobalada Dhexe goobaha uga dhiman ee ay ku jiraan degmooyin ka tirsan labada Gobal ee Hiiraan iyo Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

 

Aaminsanaanta dhinacyadan marka laga tago, dagaaladan ayaysan dani ugu jirin dad badan oo Soomaaliyeed, isla markaasna maanta ka baxay deegaanada lugu dagaalamay ee Sadexda gobal, waxaana soo baxaya walaac laga qabo sii badashada dadka guryahooda uga baxaya rasaasta sii kululaaneysa ee ka dhaceysa gudaha dalka Soomaaliya oo aan nabad ka jirin 20-kii sanno ee lasoo dhaafay, ayna ka saldhig dowlad Adag oo hanata amaanka Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qasaaro baaxad leh oo ka dhashay dagaalkii xalay ee K/Muqdisho

 

Qasaaraha ka dhashay dagaalo xoogan oo xalay ka dhacay Koonfurta Muqdisho ayaa ah mid isa soo taraya, waxaana dagaalka oo bar bar socday Madaafiic culus uu sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.

 

Sida ay sheegayaan Dhaqaatiirta Caafimaadka dad gaaraya kontan ruux ayaa dagaaladii xalay ku dhaawacmay kadib markii la sheegay in intooda badan goobahooda ugu tagtay Madaafiic habow ah.

 

Madaafiicda oo si daran doori u socotay isla markaana sida roobki oo kale uga hoobaneysa ayaa kuwa ugu badan waxay ku habsadeen xaafado ku dhow dhow Suuqa Bakaaraha.

 

Dagaalada oo ka socda Hodan iyo H/wadaag ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xoogaga Hubeysan weerar ku qaadeen nawaaxiga Isgoyska KM4 iyo Wadada Maka Al-mukarama,halkaaso o fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda.

 

Haweeney degan Xaafada Taleex ayaa sheegtay in Madfac ku soo dhacay meel ay Madaafiicda kaga gambanayeen uu uga dhintay wiil ay dhashay iyo dhaawac kale oo soo gaaray wiil kale, waxaana ay tilmaantay in xalay u aheyd habeen murugo badan.

 

Sidoo kale Gawaarida gurmadka dega dega ayaa xalay oo dhan daabulayay dhaawacyada dadka rayidka,waxaana wali xisaab laheyn dhimashada dadka oo qaarkood ku jiraan dad ay Madaafiicda jar jareen.

 

Dagaalada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa kuwooda ugu badan ay geystaan qasaarooyin culus oo soo gaara dadka rayidka, bedelkii dhinacyada dagaalamaya yihiin kuwo shacabka ay ku dul dagaalamayaan oo dhibaatada dhinacooda soo gaarta ka badan tahay mid shacabka gaareysa.

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal dhex-maray Ahlu-sunnah iyo Al-Shabaab

 

Dagaalo qaraar oo u dhexeeya kooxo diimeedyada kala ah Ahlu-Sunnan Wal-Jamaaca iyo Al-Shabaab ayaa waxaa ey saacadihii ugu dambeeyay ku dhex-marayeen deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Gal-gaduud, dagaaladaasoo ey labada kooxod ka kala sheegteen guulo isbar-bar socda.

 

Saraakiil u hadashay Ahlu-sunnah ayaa sheegtay in dagaaladii dhacay saacadihii ugu dambeeyay iyaga lagu soo qaaday, waxeyna intaasi raaciyeen in ey iska difaaceen weeraradaasi kaga yimid kooxo ey ugu yeereen khawaariij oo ey jab weyn u geysteen, waa sida ey hadalka u dhigeene.

 

Inta badan deegaanada lagu dagaalamay ayaa ahaa goobo ey horay isaga qexeen dadka rayidka ah sababo la xiriira dagaalo horay ugu dhexmaray kooxahani halkaas, waxaana khasaaraha ka dhashay dagaaladii shalay iyo xalay ey ahaayeen kuwo soo gaaray maleeshiyaadka kooxo diimeedyadan is hardiyay.

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa iyana dhinacooda sheegtay guulo ey ka gaareen dagaalkii shalay iyo xalay, waxaana uu afhayeen uu hadlay Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Max’uud Raage sheegay in ey ka awood roonaadeen kooxihii ey dagaalka la galeen.

 

Warar ka baxsan sheegashada guulaha ee labadan kooxood wali lama hayo, waxaana inta badan haawanaya goobaha ey isku farasaareen kooxo diimeedyadanai kadib markii ey horay uga qexeen gagkii tirada yaraa ee ku dhaqnaa deegaanadaasi.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo culus oo ka socda gobolada dhexe Somalia

23 Jul 23, 2009 - 8:44:36 AM

 

Dagaalo aad u culus oo u dhaxeeya kooxaha Alshabaab iyo Ahlu Sunna ayaa shalay ilaa maanta si xoogan ugu socday deegaano kawada tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Somalia.

 

Dagaaladan oo markii hor ku bilowday sida aan warka ku helnay ka dib markii xoogaga Alshabaab ay isku dayeen in ay fariisimo cusub ka sameystaan deegaanadaasi islamarkaana ay diideen maleeshiyaad ka tirsan deegaanadaasi ayaa waxaa markii dambe soo galay dagaalada kooxda Ahlu sunna oo taageereyso Dadka deegaanadaasi.

 

Dagaaladan oo maanta si aan kala go' lahay ugu socday Deegaanada Wabxo iyo Warxoolo ayaa la sheegay in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gadisan waxaana warku uu intaasi ku darayaa in khasaaro xoogan uu jiro kaasoo xitaa la sheegayo in saraakiil mug leh ay labada dhinacba kaga dhinteen walow aan la ogeyn ina uu la egyahay qasaarahaasi.

 

Saraakiil ka tirsan kooxda Ahlu Sunna ayaa waxa ay sheegeen in dagaaladaasi ay yihiin kuwo lagu soo qaaday fariisin ay ciidamadoodu ku lahaayeen deegaanadaasi, waxaana ay intaasi raaciyay in dagaalka ay dhankooda ka soo gaareen dhaawacyo fudud uun sida ay hadalka u dhigeen.

 

Dagaaladaani ayaa waxaa ay daba socdaan dagaalo mudooyinkii ugu dambeeyay Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ku dhexmarayay kooxaha Islaamiyiinta ah kuwaasi oo isku heysta gacan ku heynta deegaano badan oo ka tirsan Goboladan.

 

Dhanka kale Afhayeenka Ururka Alshabaab Sheekh Cali Max'ud Raage ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen dagaalkaasi islamarkaana ay kaga itaal roonaadeen dhinaca kale ee ka soo horjeeday.

 

Marka laga soo tago sheegashada labadan dhinac oo ay midba mida kale ay sheeganayso in ay guulo ka gaartay ayaa hadana dadka deegaanka oo aan la xariirnay waxaa ay sheegayaan in wali uu dagaalku socdo khasaaro xoogana uu jiro kaasoo labada dhinacba leh iyo dadka rayidka ah ee ka ag' dhaw deegaanada lagu dagaalmayo.

 

Ma'ahan markii ugu horeysay oo dagaalada u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Ururka Alshabaab uu ku dhexmaro deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud inkastoo bilihii ugu dambeeyay ay jirtay xasilooni yar taasoo la dhihi karo waxaa jirtay ciidamo iy hub aruursi balaaran oo labada dhinac ah.

 

Si kastba lama saadaalin karo in dagaaladani ay sii socon doonaan iyo in kale walow ay jirot gurmadyo kala gaarayo labada dhinac kuwaasi oo dagaalada ku biirayo iyadoo dhanka kalena ay dadku bilaabaan in ay ka cararaan dagaaladaasi.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal Iyo Duqaymo Ka Socda Muqdisho

23 July, 2009 01:06:00 Toronto t.

Font size:

 

Duqaymo xoogleh ayaa caawa waxay kadhaceen dagmooyinka Wardhiigleey, H/wadaag iyo Hodan halkaas oo dhaawaca iyo dhimashaduba ay darantahay. Duqayntan ayaa habeenkii labaad ka socota Muqdisho kadib dagaalo dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka.

 

Waxaa xaniban ambalaasyada loogu tala galay inay soo qaadaan dhaawacyada, iyagoo aan gali karin xaafadahaas oo wali ay ka socoto duqayn xoog leh. Waxa kale oo dhibaato kasoo gaartay shacabka xabadaha wiiftada loo yaqaan oo si habow ah ugu tagay guryaha jiingadaha ka samaysan. Dagaalka oo wali socda ayaan la ogayn wax horumar ah oo labada dhinac ay kala gaareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this