Sign in to follow this  
Liibaan

Wasiirka Maaliyadda Maamulka Labaxay Somaliland Oo Loo Diiday Fiisihii Maraykanka

Recommended Posts

Liibaan   

Wasiir Cawil Oo Loo Diiday Fiisihii Dalka Maraykanka

 

 

 

 

Hargeysa January 17, 2010 (Somaliland.Org) Wasiirka maaliyadda ee Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa la sheegay in safaaradii Maraykan ee Ethiopia u diiday fiisahii Maraykan oo uu ka dalbaday intii uu halkaa joogay.

 

Safarkan uu Wasiirku hore ugu kicintimay Ethiopia, ayaa ahaa mid gabi ahaanba laga qariyay saxaafada dalka. Isla markaana aanay war u hayn masuuliyiin badan oo iyagu ka tirsan xukumada Riyaale. Hadaba shabakada Somaliland.Org ayaa waxaa ay xogag ay ka heshay Ethiopia u xaqiijiyeen in Wasiir Xuseen Cali Ducaale uu dalbaday mudadii uu halkaa joogay fiisaha dalka Maraykanka, waxaana la sheegay in fiisahaa loo diiday Wasiirka. Inkasta oo aan cadeen sababta loogu diiday Wasiirka fiisaha.

 

Socdaalka safarka Cawil ee hore ugu tagay Addis, ayaa dad badani waxa ay la xidhiidhinayaan mid lagu raadraacayo safarkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Silanyo dhawaan ugu kicintimay Maraykanka.

 

Dhinaca kale, Ahmed Silanyo ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda la kulmo saraakiil sar sare, oo ka socda Wasaarada Difaaca ee Maraykanka, iyaga oo ka wada hadli doona xaalada siyaasadeed ee Geeska, waana markii gu horeesay ee Xisbi Mucaarid ihi la kulmo masuuliyiin sarsare, oo iyagu ka tirsan dalka Maraykanka.

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this