Sign in to follow this  
General Duke

The folly of FUAD Shangole FBI, CIA are in Bakara

Recommended Posts

Fu`aad Shangole: - Walaalayaalow noo gar-gaara!

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com ) 02-May-2010

 

Masuulkii shalay lagula beegsaday qaraxyada masjid ku yaal gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha Fu`aad Shangole ayaa markii ugu horeysay soo gaarsiiyay codkiisa saxaafadda, wuxuuna sheegay in uu ka dhaawacmay gacanta bidixda ah oo uusan kala garaneynin in ay jaban tahay iyo in kale islamarkaana uu caafimaadkiisa kale uu aad u wanaagsan yahay.

 

Shangole oo kooxda Shabaab u qaabilsan waxa ay ugu yeereen "dacwada" oo af-soomaali ahaan ah fidinta afkaarta diinta ayaa shalay lagula beegsaday sadex qarax, sida uu isagu sheegay kuwaasoo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac farabadan oo uu isagu ku jiro.

 

Waxa uu sheegay masuulkan in markii uu qaruxu dhacay uu ka duulay kursigii iyo miiskii uu ku fadhiyay islamarkaana uu ku dhacay meel cidlo ah.

 

Mar uu indhaha kala qaaday ayuu waxa uu sheegay in uu arkayay qamiiskiisii oo wada dhiig ah oo dhalinyaro uu markaas cashir siinayay oo qaar ash`haadanayaan qaarna ay dhinteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Walaalayaalow maxaad dhibaatada noogu fiirsaneysaan, Ilaahay ma ogola in muminiinta ay dhibaato isku fiirsato, walaalayaalow noo gar-gaara, gacantiina ayaan u baahanehee",
ayuu ku yiri Shangole wareysigiisa.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Calaacal.com iga dheh! Usheega Shangole suunka ha dhuuqsado... Inuu maalin walba dad masaakin ah uu dilkooda uu ka shaqeeyo ayuu rabaa, asagana wax shida ah ayna soo gaarin-- Taasna ma soconayso.

 

Ruuxi fitna ka shaqeeyah ama xumaato ka shaqeeya, fitnadaas uu ka shaqeeyey ayuu ku dhimandoonaa. Nin walibana wuxuu keedsaday ayuu leeyahay.

 

Shangoole kaliya arintaan kuma ekaanayso, ee nin waliba oo iyaga ka mid ah, dhibaatadu wey soo foodsaari doontaa, Ilaahay idinkiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Allamagan:

I wonder who he is talking to? Every one in Mogadishu, Jubooyinka is direct or indirect victim Alshabab!

If you listen close, he says that they knew of Blackwater/FBI [which is total bull] where in Mogadishu.

 

The question is, what power do these men have when they could not stop these "agents" they knew off?

 

Nonsense

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this