Jacaylbaro Posted October 21, 2007 hadhwanaag 2007-10-21 (Hadhwanaagnews) Bosaaso:- Ciidamo aad u xoog badan oo ah Ciidamo ka amar qaada Maamulka Maakhir ee dhawaanahanba ku sugaan magaalooyinka Ceer-daahir iyo Laag ayaa waxay u soo ruqaan sadeen dhinaca Kaanta Rool magaalada Bosaaso,iyagoo waliba soo ceshay gaadiid badan oo Bosaaso ka boqoolay,kuwaas dib ugu soo laabtay magaalada Bosaaso. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay wadaan Hub aad u Culus iyagoo hadheeyay dhamaan Jiida hore ee magaalooyinka Laag iyo Ceel-daahir, waxana ay wacad ku mareen inay weerar Buuxa ku soo qaadayaan magaalada Bosaaso,halkaas oo ah meesha ay Jeelasheeda Buux dhaafiyiin Dhalinyaro Warsangali oo aan waxaba Galabsan. Hor jooga yaasha Ciidamada Beesha warsangali ee ku sugan Jiid hore ayaa LaasqorayNet- u sheegay inay 24- Saac gudahoos ku soo galayaan Gudaha magaalada Bosaaso ee ay ka jiraan Gobood fala Dadka rayidka loo gaysanayo,waxayna intaas ku dareen in Malayshiyaadka Cade Muuse ay la galayaan Dagaal daba dheeraad oo ay in badan ka sheekeeyaan. War si duur xul ah u soo gaadhay LaasqorayNet- ayaa sheegay inay jiraan Ciidamo kale oo ku soo dhawaaday Jaanka kuwaas oo doonaya inay gacan buuxda ku qabtaan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso. Waxaana jira warar lagu kalsoon yahay oo ka imanaya magaalada Ceerigaabo oo tibaaxaya in ciidamo hubeysani ay kasoo bexeen magaalada iyagoo soo marey magaalada Carmale ee iyana ku taala galbeedka Gobolka Sanaag oo ay ciidamo kale iska soo raacayaan. Badhan ayaa waxaa lagu diyaarshey ciidamo hor leh oo sugaya iney dhaqaaqaa, waxaana goor aanu la xiriirney magaalada Badhan naloo xaqiijiyey iney ciidamadaasi saanadoodii milateri u dhantahay. Dhanka magaalada Bosaaso ayaa waxa ka socda qax iyo barakac kuwaas oo dad badani ay ka qaxeen xaafadahoodii iyagoo walaac xoogan ka muujiyay dagaal ka qarxa gudaha magaalada Bosaaso, xaafada ah ugu badan ee laga qaxay ayaa waxa ka mida xaafada Raf iyo Raaxo ee laba maalmood ka hor uu dagaal ku dhex maray Dhalinyaro ee Beesha Cade Muuse. Wararka qaar ayaa sheegay inay Ciidamo ka soo baxeen Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Cade Muuse ku waas oo ku soo fooli halka ay ku sugan yihiin Ciidanka Maakhir. Isku soo duuboo xaalada ayaa u muuqta mid aad u cakiran iyadoo Maamulka Cade Muusena ku qanac san yahay inay Dagaal la galaan Beesha warsangali. xigasho LaasqorayNET Quote Share this post Link to post Share on other sites