Liibaan Posted October 6, 2010 Golaha Khusuusiga Ayaa Maanta Ansixiyey Axdiga Cusub Ee SSC Golaha Khusuusiga ee SSC ayaa maanta waxaa uu cod ku meel mariyeen Axdiga cusub ee SSC, kaasi oo ay labadii toddobaad ee aynu soo dhaafney qodob qodob uga doodayeen. Kalfadhigii Golaha Khusuusiga ee uu maanta ku ansixiyeen Axdiga oo ay goob joog ahaayeen 15 xubnood, ayaa waxaa codka haa ku ansixiyey 14 ka mid ah, waxaanna ka horyimi hal xubin. Axdigan cusub oo ay golaha fulinta soo gudbiyeen Golaha Khusuusiga, ayaa waxaa la filayaa in ugu danbaynta uu saxiixo Hoggaamiyaha SSC Dr. Saleebaan Ciise Axmed.Waxaana Axdigan oo ka kooban 68 Qodob ku jira qodobo ka hadlaya awoodaha labada Gole (Khusuusiga iyo Fulinta ee Hoggaanka SSC). Sidoo kale waxaa axdigani uu kordhiyey muddada labada gole, iyadoo uu ka dhigey labo sano iyo badh Golaha Khusuuisga laga bilaabo 11//03/2010, halka Fulinta uu ka danbaynayo saddex bilood, iyadoo xilliga looga bilaabeyo maalintii uu Golaha Khusuusigu ansixiyey Fulinta 18/03/2010. Qodobada kale ee uga waaweyn ayaa waxaa ka mid ah. Qodobka 4aad. XUKUNKA IYO AWOODAHA SSC: 1. SSC waa qayb ka mida Sooomaliya, waxyna aqoonsan tahay dawladda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. 2. Nidaamka xukun ee SSC wuxuu ahaanayaa laba mar xaladood, oo kala ah marxaladda kowaad iyo marxaladda labaad a. Marxaladda koowaad: waxaa jiraya hoggaanka maamulka SSC, wuxuuna u hawlgalayaa hanashada dhulka iyo midnimada SSC, wuxuuna ahaanayaa hoggaanka kaliya ee si ku meel gaadh ah umaamula soohdinta deegaanada SSC fara galin la'aan inta lagaadhayo marxaladda labaad. b. Marxaladda labaad: golayaasha hoggaanka maamulka SSC waxay ka go'aan gaadhayaan hannaanka xukun ee SSC qaadan doonto, iyadoo la marayo hab wada tashi ah, oo hoggaanka maamulka SSC qaban qaabiyo. 3. Inta lagu jiro marxaladda kowaad, SSC waxay lahaanaysaa xuquuq ismaamul, oo awoodihiisa gaar ahaaneed leh muddada ku meel gaadhka. Qodobka 5aad. 1. Muddada lagu jiro marxaladda hanashada dhulka SSC waxaa la laaley dhammaan awoodihii iyo saamayntii maamul ee dawlad goboleedka Puntland ku lahayd deegaamada gobollada SSC marka laga reebo, a. Magaca. b. Midnimada shacabka. c. Isticmaalka jidadka iyo dekedaha. d. Istaakulaynta, isu gurmashada iyo talo wadaaga shacabka. e. Dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, is dhexmarka gaadiidka iyo wixii kale ee axdiga SSC lagu aqoonsaday. 2. Waxaa reebban ururro siyaasadeed, oo laga aasaaso gudaha SSC inta lagu jiro marxaladda ku meel gaadhka ah. Isku soo wada duuboo waxaa uu axdigani meesha ka saaarayaa madmadowgii ku jirey awoodaha iyo wadashaqaynta golayaasha kala duwan ee SSC, waxaana la dhawrayaa in hoggaamiyahu uu saxiixo. C/casiis Saleebaan Axmed Buuhoodle SSC, Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted October 6, 2010 Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga C/risaaq Xasan Gacamey oo Khudbad ka jeediyey Fadhigii Maanta ee Goluhu ku Ansixiyey Axdiga Cusub ee SSC. Buuhoodle:-Gudoomiyaha Golaha khusuusiga C/risaaq Xasan Ismaaciil ayaa mahad naq u jeediyey Golaha inu sheegay in axdigan yahay kii ay mudada dheer ku hawlanaayeen sidii loo heli lahaa Axdi rasmiya oo hogaanka SSC uu lee yahay, islamarkaana kala qeexaya awoodaha iyo habka wada shaqaynta. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Axdigani uu meesha ka saarayo isbarbaryaacii iyo kala danbayn la’aantii, ku takri falkii maamul, isqabadkii hogaanka dhexdiisa, kala sooc la’aantii shaqada iyo dareenkii shaki ee dadka qaarkii ay qabeen inaan loo dhamayn. Wuxuu intaas ku darey in Axdigani uu Bayaaminayo Habka wada shaqaynta Hogaanka Midaynta SSC, hawlqabadkiisa mudada uu xilka hayo, wuxuu soo dhawaynayaa in cidkasta oo shaqadeeda gudan wayda ay si fudud u banayso xilkii loo Idmadey. Gudoomiyaha Golaha Khusuusiga SSC C/risaaq Xasan ayaa xubnaha golaha u sheegey in shaqadoodu ay tahay ilaalinta iyo dhawrista Axdiga Bushada Sool,Sanaag iyo Cayn ee maanta oo ay taariikhdu tahay 06/10/2010 saacadu markii ay ahayd 12 Duhurnimo Golaha Khusuusiga Hogaanka Midaynta SSC ee Soomaliya ay Ansixiyeen, waxa kaliya ee u hadhsan uu yahay Saxiixa Hogaamiyaha. Gudoomiye C/risaaq Gacamey ayaa dhanka kale shacabweynaha SSC u sheegey in maanta ay yeesheen Axdi lagu hago hogaanka SSC ee ay u Idmadeen Midaynta iyo Hanashada ,wuxuuna ugu baaqey in ay ilaashadaan kana warhayaan sida ay hawsho u socoto. Colaadda Cagaare ayaa waxaa uu Gudoomiyihu ugu baaqey labada dhinac in ay is xakameeyaan xabadana joojiyaan, arintana wada hadal lagu dhameeyo,wuxuunna yidhi isagoo arinkaas ka hadlaya,”waxaan ugu baaqayaa in ay labada dhinac is xakameeyaan, xabadana joojiyaan, arintana wada hadal lagu dhameeyo”, wuxuunna intaas raaciyey waa in ay labada Beelood fahmaan in aan colaad wiil ku dhalan ee wiil ku dhinto. Wuxuu sidoo kale ugu baaqey Cuqaasha,waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac ay dadaal dheeriya iska saaraan sidii ay u xakameyn lahaayeen xiisada dadka shacabka ah ee ood iyo daaq wadaaga ah. Gudoomiye C/risaaq sidoo kale waxaa uu xubnaha Golaha Khusuusiga ugu baaqey in ay doorweyn ka qaataan daminta iyo qaboojinta xiisada Cagaare, isagoo dhanka kalena Canbaareeyey cidkasta lug ku leh siina hurinaya colaadda , kuwaasi oo ayuu yidhi dano siyaasadeed ama mid gaar ah ka dhex arkaya. Buuhoodle SSC Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 6, 2010 Sorry post it in the wrong topic. Quote Share this post Link to post Share on other sites