Sign in to follow this  
Liibaan

Universal TV Oo Laga Mamnuucay Puntland

Recommended Posts

Liibaan   

universal.jpg

 

Universal TV Oo Laga Mamnuucay Puntland

 

Bosaaso,(lasanod Online)- Wakiilada Telefishinada Universal iyo Horn cable ayaa laga mamnuucay inay ka howlgalaan degaanada gobollada W/Bari ee Puntland..

 

iyadoo duqa magaalada Boosaaso Maxamuud Beeldaaje Faarax uu warbaahinta u akhriyay wareegto lagu mamnuucayo inay labadaas Telefishan ka howlgalaan halkaas, waxaana wareegtada lagu caddeeyay qodobo ku saabsan sababaha keenay hawl joojinta lagu soo rogay.

 

Qoraalka ka soo baxay dawladda Puntland oo ku socday magacyada labada wakiil ee Telefishanada Universal iyo Horn Cable, waxaa kale oo wareegtada maamulka Puntland lagu socodsiiyay Maxkamadda sare, maamulada labada Telefishan iyo qaybaha ciidamada ammaanka iyo guud ahaan golayaasha Dawladda Puntland inaysan u ogolaan labada Telefishan shirarka ka dhacaya degaanada Puntland.

 

Arrimaha lagu eedeeyay labadaasi Telefishan ee lagu muujiyay wareegtadaasi waxaa ka mid ahaa:

 

- inay caadeysteen xadgudubyo ay wax ugu dhimayaan hawlaha warfaafinta iyo sharciyada Saxaafadda, falal ka horjeeda horumarka Puntland, wax u dhimid ganacsiga magaalada Boosaaso iyagoo ka faafiyay warar khalad ah oo been abuur ah.

 

"Sidaasi daraadeed maamulka Puntland wuxuu go'aaminayaa inaysan labada Telefishan ka shaqeyn karin degaanada maamulkaasi ka taliyo" ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday Dawlad goboleedka Puntland oo sidoo kale golayaasha iyo xarumaha dawladda lagu wargeliyay inay fuliyaan awaamiirtaasi.

 

Dhinaca kale wareegtada lagu mamnuucayo telefishanada Universal iyo Horn Cable ayaa ku soo beegmeysa xilli 48-saacadood in ka badan kasoo wareegtay markii xabsiga laga sii daayay Agaasimihii Idaacadda Horseedmedia, C/fataax oo lagu sii daayay cafis Madaxweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this