Sign in to follow this  
Liibaan

Shirkii Garaad Abshir Iyo SNM-ta Oo Fashil Kusoo Dhammaaday

Recommended Posts

Liibaan   

garaadabshirsaalax-300x225.jpg

garaad_abshir.jpg

 

 

Shirkii Garaad Abshir Iyo SNM-ta Oo Fashil Kusoo Dhammaaday

 

 

Widhwidh:-Shirkii u dhexeeyey Garaadka beesha Guuleed Garaad Iyo wasiirro ka socda maamulka Jabhadda SNM, oo uu hoggaaminayey Horgal Baashe Maxamed Cadde, oo ku magacaaban Guddoomiye ku xigeenka Wakiillada maamulkaasi, ayaa ku soo xidhmay Natiijo la’aan.

 

 

 

Waxaana la sheegay in dhammaan codsiyadii uu soo jeediyey Garaad Abshir aysan jirin wax laga aqbalay, marka laga reebo in la yidhi waxaa la idin siinayaa 2 qof magtood, labadaas qof ayaa lagu sheegay labo dumar ah, oo lagu dilay deegaanka Balli-hadhac, halkaasoo beebbee ay wateen maleeshiyaadka beesha Sacad Yoonis, ee ***** ka soo jeeday ay marsiiyeen 23/May 2010kii.

 

Sida uu BBC-da u sheegay Garaad Abshir wuxuu sheegay in ay waajib tahay in wax lala qaybsado maamulka Hargaysa, waxaana hadalka uga dambeeyey Horgal Baashe Maxamed Cadde, oo sheegay in waxyaalaha ay ku heshiiyeen ay ugu muhiimsan tahay.

 

1: Maamulka lagu baahiyo deegaanada Beeshu degto ama Degmada Widhwidhba.

 

2: Beesha Guuleed Garaad ay nabadda kala shaqayso ciidamada iyo maamulka degmada ee Somaliland.

 

3: In magdhaw laga siiyo labadaas qof, oo uu horgal Baashe ku tilmaamay kuwo aan hubaysnayn.

 

Waxaana aan marnaba la soo hadal qaadin qaadistii Ciidamada, ee lagu maaweeliyey shacab fara badan iyo dadka wax magaratada ah. Garaadka ayaa mar la waydiiyey bal in Ciidamada laga qaadayo iyo inkale ayuu sheegay in arrintaasi ay tahay mid sir ah, waxaana hadalkiisa laga dhadhansanyey inuu waji-gabax kala soo kulmay gogashii uu dhigay deegaankiisa la haysto.

 

Horgalladii iyo Wasiirradii beesha ***** ayaa la sheegay inay shalay galab halkaas ka soo carraabeen, isla markaana ay xalay ku hoydeen magaalada la haysto ee Laascaanood. Waxaana muuqata in waji-gabaxa la soo gudboonaaday Garaad Abshir inay ka turjumayso sharaf darrada iyo Quudhsiga guud ahaan Beesha *********** u yaalla maamulka SNM.

 

Kuwaasoo sida warar xog ogaal ahi xaqiijinayaan u sheegay in ciidamadu yihiin ciidamo dawladeed oo Dhul qabsaday, macquula aysan ahayn inay dhulkeey qabsadeen dib uga baxaan. Waxaana la sheegay in Sarkaalka ciidamada bari waxa loogu yeedho haystaa uu ka sheegay shirkaas in ay sannadkani inta uusan dhammaan soo afjarayaan deeganada *********** dego ee gacantooda ka maqan.

 

Intii ay booqashadan Horgalladu ka socotey Widhwidh ayeysan jirin wax tallaabo ah, oo Hoggaanka SSC ka qaadeen, taasoo ayaduna muujinaysa fadhiidnimada la soo deristay Hoggaankaas, oo ay la hadheen madaxdii u sarraysey.

 

Wuxuuna Horgal Baashe ku nuux-nuuxsaday in Beesha Guuleed Garaad ay qaadatay, doorna bidday inay maamulka la shaqeeyaan, deegaankoodana laga ilaaliyo waxii liddi ku ah nabad gelyada maleeshiyaadka SNM ee jooga, asagoo marwalba afkiisa ka ilaalinayey wax muujinaya qaadista la sheegayn in la qaadayo Maleeshiyaadka beesha ***** ee Widhwidh haysata.

 

Isku soo wada duuboo, arrintan ayaa waxay tahay mid markale shacabka SSC xasuusinaysa colaadda dhidibada adag ee uu maamulka Beesha *****, oo u dawladeenaya ay u hayaan, ayagoo ku adeeganaya Horgallo deegaanka ka soo jeeda, oo damiirkoodii mar hore gatay.

 

 

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this