Shaakirullaah Posted December 12, 2009 Xog-hayaha Warfaafinta Al-xizbul Islami, Sh Maxamed Macalin Cali oo Maanta Saxaafada Shir Jaraa’id u qabtey ayaa ka waramey go’aan cusub oo ay ka qaateen Gobolada Jubooyinka, ka dib dagaalo halkaa ka dhacey. Sh Maxamed, waxa uu sheegay Gobolada Jubooyinka inaaney uga bixin Jab ka soo gaaray Dagaaladii halka ka dhacey ee u dhaxeeyay Iyaga Iyo Xarakada Shababul Mujaahidiin, balse go’aan kale oo ay ka qaateen uga baxeen ka dib markii ay u soo baxeen arimo ayna horey ugu xisaabtamin, sida uu hadalka u dhigay, balse aanu faahfaahin. Xog-hayaha warfaafinta oo arrimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri "Waxaan kale oo rabaa in aan ka hadlo gobollada Jubbooyinka, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose caasimaddiisa ee Kismaayo,.. sida aad la socotaan gobolkaasi waxaa gacanta ku haaya xarakada Shabaabul Mujaahidiin, waxaan u sheegeynaa ma jirto wax degmooyin ah oo xoog looga qabsaday Xisbiga ee waxaa jirta in aan qaadanay aragti cusub oo ku wajahan arrimaha Jubbooyinka sidaasi darteed-na aan ciidamada Mujaahidinteena kala baxnay degmooyinka, hadane iyagoo nabad qaba waxay ku sugan yihin deegaanada gobolka, howdadka iyo meelo kale waliba waxaa la socda saraakiishoodii". Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted December 12, 2009 He is basically saying we have been beaten in the Jubbooyinka but we don't want want to admit it. Quote Share this post Link to post Share on other sites