Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotels NSS comander cries out... we need more $

Recommended Posts

Sirdoonka Dowladda oo sheegay in Dowladda qatar ugu jirto in Mucaaradka afgambiyo

 

Taliyaha Ciidamada Nabad sugidan ahna Hogaanka Sirdoonka Dowladda Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka digay qatarta ku soo fool leh Dowladda KMG oo uu sheegay inay halis ugu jirto inay ridaan Mucaaradka majaraha adag ee dagaalada ba'an ku haya.

 

Isagoo la hadlayay Al-Carabiya ayuu sheegay in Sirdoonka Dowladda ay ku shaqeeyaan xaalad adag iyo daruufo xilligan aanu u saamixi karin inay kaga howl galaan dalka si ay macluumaadka xagga amniga ku wajahan u helaan.

 

Jen, Maxamed Sheekh oo dhowaan Madaxweynaha uu ku celiyay Istiqaaladiisa ku aadaneyd xil wareejinta, kadib markii isaga iyo Kuxigeenkiisa Nuur Shirbow uu Madaxweynaha xilka qaaday sababo labadii nin ee Faransiiska ayaa waxaa uu cadeeyay in haatan howsha Sirdoonka si gaabis ku socoto.

 

Jeneraalka ayaa waxaa uu sheegay in hadii aanay Dowladda Soomaaliya helin taageero beesha Caalamka ay wiiqmeyso jiritaanka Dowladda, waxaana uu tilmaamay in Kooxaha Mucaaradka ka dhisayaan Soomaaliya Dowlad la mid ah tii Taalibaan.

 

"Mucaaradka way xoogan yihiin waxaa ka dhinac dagaalama kumanaan Ajaaniib ah, sidaas darteed hadii aanay Dowladda helin taageero rasmi ah qatar ayay ugu jirtaa in la rido"ayuu yiri Jen, Maxamed Sheekh.

 

Ugu dambeyntii Jen, Maxamed Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inay rajeynayaan inay saxaan qaladaadka ku dhex jira Sirdoonka Dowladda iyo qaladkii ku aadanaa afduubka Labadii nin ee Faransiiska ee Saraakiisha Dowladda ka tababari rabay dhinaca Sirdoonka, kuwaasoo laga soo afduubtay meel Dowladda ka taliso dabadeedna gacanta u galay Kooxo Mayal adag oo Islaamiyiin ah.

 

Abdi Mohamed

garyaqaan77@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this