General Duke Posted August 13, 2009 Sirdoonka Dowladda oo sheegay in Dowladda qatar ugu jirto in Mucaaradka afgambiyo Taliyaha Ciidamada Nabad sugidan ahna Hogaanka Sirdoonka Dowladda Jen, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka digay qatarta ku soo fool leh Dowladda KMG oo uu sheegay inay halis ugu jirto inay ridaan Mucaaradka majaraha adag ee dagaalada ba'an ku haya. Isagoo la hadlayay Al-Carabiya ayuu sheegay in Sirdoonka Dowladda ay ku shaqeeyaan xaalad adag iyo daruufo xilligan aanu u saamixi karin inay kaga howl galaan dalka si ay macluumaadka xagga amniga ku wajahan u helaan. Jen, Maxamed Sheekh oo dhowaan Madaxweynaha uu ku celiyay Istiqaaladiisa ku aadaneyd xil wareejinta, kadib markii isaga iyo Kuxigeenkiisa Nuur Shirbow uu Madaxweynaha xilka qaaday sababo labadii nin ee Faransiiska ayaa waxaa uu cadeeyay in haatan howsha Sirdoonka si gaabis ku socoto. Jeneraalka ayaa waxaa uu sheegay in hadii aanay Dowladda Soomaaliya helin taageero beesha Caalamka ay wiiqmeyso jiritaanka Dowladda, waxaana uu tilmaamay in Kooxaha Mucaaradka ka dhisayaan Soomaaliya Dowlad la mid ah tii Taalibaan. "Mucaaradka way xoogan yihiin waxaa ka dhinac dagaalama kumanaan Ajaaniib ah, sidaas darteed hadii aanay Dowladda helin taageero rasmi ah qatar ayay ugu jirtaa in la rido"ayuu yiri Jen, Maxamed Sheekh. Ugu dambeyntii Jen, Maxamed Sheekh ayaa waxaa uu sheegay inay rajeynayaan inay saxaan qaladaadka ku dhex jira Sirdoonka Dowladda iyo qaladkii ku aadanaa afduubka Labadii nin ee Faransiiska ee Saraakiisha Dowladda ka tababari rabay dhinaca Sirdoonka, kuwaasoo laga soo afduubtay meel Dowladda ka taliso dabadeedna gacanta u galay Kooxo Mayal adag oo Islaamiyiin ah. Abdi Mohamed garyaqaan77@hotmail. com Quote Share this post Link to post Share on other sites