Sign in to follow this  
Somali_Patriot

Jubbaland State oo lagu dhawaaqi doono SOON!

Recommended Posts

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay hogaanka sare ee Isbaheysiga Dooxada Jubba oo ka arrimiya gobalada jubbooyinka ayaa sheegaya in dhowaan lagu dhawaaqi dowlad goboleedka Jubbaland. Wadotashiyo isdabajoog ah ayaa dhowaananhaan u socday madaxda isbaheysiga dooxada jubba iyo waxgaradka, odayaasha, hogaamiye dhaqameedyada iyo ururada bulshada, kaasoo loogu gogol xaarayo in la dhiso dowlad gobaleed loogu magac daray Jubbaland.

 

Mar aanu wax ka weydiinay madaxda sare ee isbaheysiga ayaa ka gaabsaday goorta lagu dhawaaqi doono dowlad goboleedka Jubbaland iyo weliba cidda madaxweynaha ka noqoneysa.

 

Musharaxiin dhowr ah oo la soo xiriiray Gedonet oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa noo sheegay in dhowaan soo gudin doonaa barnaamijkooda waxqabad ee ku aadan maamulka dowlad goboleedka Jubbaland oo dhowaan laga yagleeli doona magaalada Kismaayo.

 

Ku dhawaaqitaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku soo aaday xilli ay dowladda ku meel gaarka ee lagu soo dhisay wadanka Kenya ay ku talo jirto inay ka howlgasho gudaha soomaliya. Sidoo kale, wafdigii Col.Cabdullahi Yusuf iyo Geedi oo dhowaan tagay magaalooyin ka mid ah wadanka soomaliya ayaan ku darin safarkooda gobalada jubbooyinka iyo gobalka Gedo.

 

Warar kale oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in mgaalada ay Kismaayo ay duulaan ku soo yihiin ciidammo in muddo ah isku urursanayay degmada Abqaale. Ciidammadaas oo sida wararku sheegayaan u jeedadoodu tahay in ay weerar ku qaadaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Gedo News Network

 

 

-----------------------------------------------

 

As for the fellow brothers who inhabit Galkacyo and it's upper sorrounding areas i have this to say " dagaal wiil ba ku dhimto, ee kuma dashto". But take that as consideration and not as a weakness from our side, for Barre and his fellow clansmen are ready and willing to protect their land.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this