Liibaan Posted November 7, 2010 Safarka Wefdiga, Suul-dhabaalihii Geelle iyo Sogor-dihii Soo Dhoweynta Somalidiid website (Harowo.com) Haddaan soo Dhoweynta Xeeladi ku Jirin, Maxay Jabuuti uga Maagtay Calanka Somalidiidka iyo Heesta Calanka Somalidiidka Madaxwaynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geele oo ay weheliso Marwadiisa Khadra Maxamud Xayd, ayaa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay Madaarka Jabuuti Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaayo iyo wefti uu hoggaaminayo oo iyagu booqasho laba Maalmood ah shalay ku tegay Jamhuuriyadda Jabuuti. Safarka Madaxwaynaha oo ah kii ugu horeeyay uu dalka dibedda ugaga baxo tan iyo intii ka danbeysay markii uu xilka la wareegay 27-kii July, ayaa waxa ku weheliyeen Wasiirka Khaarajiga, Ganacsiga, Ciyaaraha, Chief of Cabinet-ka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe, Marwada Madaxwaynaha Wasiirka, Afhayeenka Madaxtooyada iyo xubno kale oo sida la sheegay ah Xoghayahisii gaarka ee Axmed Siilaayo xiligii doorashada, kaasoo hadda wefdiga ugu metelaya safarkan inuu yahay Chief of Protocol. Soo dhawayntan oo ah tii ugu horaysay nooceeda ee Madaxwaynaha Jabuuti uu u sameeyo Madaxwayne ka socda Somaliland, waxaanay u dhacday sidan: Madaxwayne Geele oo ay gadaashiisa socoto Marwadiisu, kuna dul talaabsanaya rooga cas ee lagu yaqaan in loo goglo madaarka uu kasoo dagayo Madaxwayne dal ama shaqsi Magac wayn ku leh dalkaas ama caalamka intiisa kale, islamarkaana dhoola-cadaynaya, ayaa shalay ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayay. Talaabadan ugubka ah oo aan hore looga baran Madaxwaynaha Jabuuti,mid dareeno iyo argatiyo kala duwan ay ka bixiyeen dadwaynaha reer Somaliland Aragtiyaha ay dadka qaarkood ka bixinayeen arintan, ayaa ah kuwo muujinayay dareemo xambaarsan yididiilo iyo farxad ay ka qabaan in Somaliland Aqoonsi Caalamka ka hesho. Sidoo kalena, siyaasiyiin iyo xeel-dheerayaal ku takhasusay sida uu u shaqeeyo hanaanka dawliga ah oo Wargeyska “Yool” siyaasiyan bal waxa ay ku micnaynay lahayeen soo dhawytii Madaxwaynaha dalka Jabuuti u sameeyay waftigii uu hogaaminayay Madaxwahaynaha Somaliland. Axmed Siilaanyo, ku masaalay soo dhowaynataa iyo shax-shaxda Madaxwayne Geele mid aan ka dhicin musasalka ah ee laga sidaayo shaashadaha Tv-yada Wadamada Carabta, musal-saladaasoo ay sheegeen in laga in laga alifo marka la samaynayo sheekooyin Indho-sarcaad qurux badan, balse aan horay iyo dib toona u dhicin. Iyagoo xubnahaasi tilamaamaya meelaha ay iska shabahaan soo dhawaynta Md. Geele u sameeyay waftigii Madaxwayne Siilaayo iyo filimadaasi, waxa ay hoosta ka xariiqeen in soo dhawayntu ahayd mid ka aradan dhammaan haybadii lagu yiqiin soo dhawaynta marka Madaxwayne dal uu booqdo wadan kale. Arimahaasoo ay kow ka tahay, iyadoo soo dhoweyntu ahayd mid aanay ka muuqan astaamaha Somaliland caanka ku tahay sida soo ban-dhigis la’aanta Calanka Jamahuuriyadda Somaliland oo xataa intii labada Madaxwayne wada socdeen aan ka muuqan goobihii ay marayeen. Waxa kaloo, xeel-dheerayaashu carabka ku dhufteen tumis la’aanta heesta astaanta u ah Calanka Jamahuuriyadda Soamaliland, taasoo ay xuseen sida nidaamka soo dhawaynta dawliga ahi dhigayo in salaam qaran lagu siiyo labada M adaxwayne inta aanay ka tagin goobta soo dhaowayntu ka dhacaysay. Sidaa darteedna wax qiimo ah aanu samaynay Roog-cas oo laguu goglaa, maadaama Madaxwaynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal mar uu soo dhoweynayey Marxuun Suldaan Ciise Suldaan Xirsi Qani uu u goglay Gog Cas, isla markaana uu salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qaranka. Haddaba, waxaa Wargeysku xubnaha su’aalay waa maxay siyaasigan ujeeda Madaxwaynaha Jabuuti Md. Geele uu xiligan ka leeyahay in talaabadan ku dhaqaaqo, iyadoo arintaa tafaasil ka bixinayayna waxa ay ka dhawaajiyeen dhaqdhaqqa xoogan ee ay wadaan kooxo mucaarid ku ah hoggaanka Madaxwayne Geele, kuwaasoo uu ka mid yahay Ninka sida wayn u diidan Madaxweynaha Jabuuti ee Md. Boore oo xiliyda qaarkood aan la kala dhex fadhiisan jirin, balse hadda Geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu uga takhalusi lahaa nidaamka uu madaxda ka yahay Md. Ismaacil Cumar Geele nidaamkaasoo mudooyinkan danbe fadhiisan ka dhigatay dalka Eeleteriya, labada dal oo mudooyinaka danbe uu muran dhul u dhexeeyay, kaasoo mar sababay in dagaal ku dhexmaro Ciidamdooda Labada dal Xuduuda u dhaxaysa. Haddaba, iyadoo arimahaa iyo qaar kaleba jiraan, waxay aqoonyahanadu sheegeen in Madaxwayne Geele uu hadda u baahan yahay taageero inuu ka helo Somaliland, taageeradaasoo waliba ah mid isugu jirta xog siyaasadeed iyo mid mulatari labada, maadaama Xukuumada Asmari ay u suuro gashay inay xeebaha Galbeed ee Somaliland kasoo dejiso maleeshsiyo ka tisan Jabhadda ONLF, kuwaasoo doonayay in ay hawlgalo mulatari ka fuliyaan gudaha Dalka Itoobiya. Si kastaba ha, ahaatee waxay arintani kala cadaan doontaa sannadaha soo socda in soo dhoweynta Madaxweyne Geelle Xeeladi ku jirtay iyo inayn ahayd mid daacadnimo uu ugu sameeyay Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa booqashada ugu tegay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 7, 2010 Siilaanyo oo ku Boogaadiyey Geelaha Jabuuti Qabashada Shirarka Soomaali-weyn ee Lagu Minjo-xaabinayo Somaliland! Madaxweyne Siilaanyo oo ka Maagey inuu Afka soo Mariyo Somaliland, isla markaana Caddeeyey Siyaasadiisa u Jan-jeedha dalalka Carabta ee itoobiya Neceb Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo, ayaa markii u horeysay tan iyo intii ka danbeysay markii uu la wareegay hoggaanka talada dalka, waxa uu si weyn ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Jabuuti shirarka dib-u-heshiisiinta ee uu u qabtay kooxaha ku hirdamaya Koonfurta Soomaaliya. Hadalkan oo Madaxwayne Siilaanyo ka sheegay kulan sharafeed ay labada Madaxwayne ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Jabuuti, kulankasoo ay labada Madaxwayne ku weheliyeen masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xukuumadaha Dalalka Somaliland iyo Jabuuti. “Hawlahaii aadka qabatay ama isku dayday inaad isu keento mishaakilka ka taagan Soomaliya dhibaatooyinkeeda wax ka qabato shirarka u qabanaysay xuluul badana ka raadinaysay. Taasina waa mid aad ku mutahysatay sharaf iyo qiimo wayn kuu soo jiiday Dunidda iyo Mandaqadda ayanu ku noolnahay.” Ayuu yidhi Madaxwayne Siilaanyo. Haddaba inkastoo ay tahay waajib saaran Qofkastoo Soomali ah deegaanka uu doono ha joogee inuu ka damqado colaadda iyo dagaalada ku habsaday Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Magaaladda Muqdisho iyo nawaaxigeeda, haddana marka dhinaca kale laga eego shirarka dib-u-heshiisiinta iyo dedaalada kale ee Madaxwayne Siilaanyo ku ammaanay Jabuuti, may ahayn kuwo Xukuumadda Jabuuti sigaara ugu qabatay dhinacyadda isku haya Koonfurta Soomaaliya oo keliya. Balse sida bulshadda Somaliland yar iyo wayn-ba ka war qabaan waxay shirarkaasi ahaayeen kuwo uu Madaxwaynaha Jabuuti ku baabinayey qadiyada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland, si uu ujeedooyinkiisaa u meel-marsadana waxa uu marar badan isku deyay inuu Somaliland ku qanciyo inay soo ka qayb galaan shirarka Kooxha Soomaaliya. Haseyeeshee mar kastoo ay arintaasi u suurtogeli weydo-na waxa uu dedaal iyo maal faro badan ku bixin jirey sidii uu u heli lahaa shaqsiyaad metela Somaliland oo iyagu madasha shirku ka dhacayo ka soo xaadira si uu Caalamka u tuso sawir been ah oo ka turjumaya Somaliland. Siddii dhacday shirkii Carta iyo midkii kale ee lagu soo doortay Sheekh Shariif oo isagu hadda sheegtay inuu yahay Madaxwaynaha Somaliya. Sidoo kale, khudbaddii koobanayd ee Madaxwayne Siilaanyo kulankaa ka jeediyay oo runtii aanu mar keliya ku xusin Somaliland, waxa uu si cad ugu soo bandhigay siyaasadiisa ujan-jeedha dhinaca Dalalka Carabta, oo iyagu sida aynu ka war qabno nacayb wayni ka dhexeeyo dalka aynu dariska nahay ee itoobiya, hadaladaasina waxay ahaayeen sidan: “Waxaanu Madaxweyne annaguna maanta marti kaaga nahay inaad nagu gacan qabato dalalka aanu Walaalaha nahay oo xidhiidh fiican aad leedihiin ee Carbeed iyo [urur-goboleedka] IGAD iyo Afrika inteedaba doorka aad ku leedahay inaad qadiyadayada nagala gacan qaban doontaan.” Ayuu Md. Siilaanyo ku oo ururiyey hadalkiisa. Si kastaba ha ahaatee, hadaladan iyo dareenadan muuqaalada badan ee durba ka soo yeedhaya hoggaanka Kub-ku-siigaalaha ah ee hadda uun ku fadhiistay Kursiga laga hago dalka, ayaa waxaan shaki ku jirin inay yihiin kuwo xaasaasiyad hor leh ku abuuraya bulshada daacnimada badan ee Somaliland, oo iyagu markii hore-ba tuhuno faro badan ka qabey Xukuumada cusub ee Madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo. Shacabka oo isla markaana ay muddooyinkan danbe oo dhan dhegahooda ku soo dhacayeen weedho iyo hadalo xambaarsan ifafaalayaal muujinaya qorsheyaal dib loogu soo noolaynayo midnimadii wixii la siku odhan jirey Jamhuuriyada Soomaaliyeed oo markii hore ka koobnayd Somaliland iyo Gobolkii Koonfureed ee Soomaalidii uu Talyaanigu gumaysan jirey, isku soo wada duuboo waxa jawaabaha arimahan aanu u dhaafaynaa dadweynaha Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 7, 2010 Wasiirka Arimaha Dibeda oo Safarkii Siilaanyo Ka Dhigay “Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimid Aadamaha ilaahay abuurtay way kala maskax,waayo aragnimo iyo aqoon roon yihiin. Bal aan tusaale usoo qaato Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada ee JSL mudane C/laahi Maxamed Ducaal (ina dhoola yare). Iyadoo faanka waxa la yidhaa naga xaaraan yahay hadaanu nahay UDUB…FAANKU WAA WAXA HALKAA KULMIYE DHIGEE, hadana maanta waxaan ku faanayaa kartidii iyo aqoontii iyo qabyaalad la’aantii madaxdii qaranka ee dawladii Daahir Rayaale oon ku bilaabay Wasiirka aan xusay. Wasiir C/laahi Maxamed Ducaale waxa uu ahaa nin saaxiibo aad u fara badan ku leh caalamka, waxa uu ahaa nin, intii aan wasaaradan arimaha gudaha xilkeeda loo magacaabin, ka shaqeeyay wasaarado kale. Wuxuu ahaa nin ilaa xiligii madaxweyne siilanyo ahaa gudoomiyaha SNM la soo shaqeeyay, hadana ilaahay haw naxariistee Maxamed X Ibraahin Cigaal u gacan qabtay sida ilmihiisii oo kale ka dib markuu aqoonsaday Raganimadiisa iyo Fahankiisa, isagoo wax badan ka korodhsaday wakhtigii xukumadii Cigaal, isagoo wakhtigan si fiican u dhugtay ged-gedoonka iyo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed. Intanba waxa u dheer, waa ninka la tashan jiray Wasiir Cawil si uu usii dhuuxo nuxurka ama sida loo calafsado waayo- aragnimo ku jirta qof kale taasoo ah aqoon korodhsi uu ka raadinayay Ambassador Cawil oo masuul qaran oo waxbadan usoo joogay, oo ah nin adiirkii ah isku xisbina ay ahaayeen. xiligan u dambeeyay ee uu la shaqaynayay xukumadii UDUB ee dhawaan ka degtay hogaanka dalka, wuxuu wasiirkani muujiyay waxyaabo aan la xaqiri karin shaqbiguna ka maragkacayo. Waxa ka mid ah,isagoo mudo wiig (7DAYS) ka yar kusoo qalqaaliyay in Ethiopia iyo Djabouti ay iyagu ku horeeyaan, siday ahaan jirtay, martiqaadkana iyagu u fidiyaan madaxweyne Daahir R Kaahin. Tiibaa dhacday, dabadeed waxa warbaahinta labadan Dal (Ethiopia iyo Jabouti) iyo ta somalilandba ku soo baxay in Madaxweyne Rayaale marti qaad rasmi ah ka helay dalalkan waxaanay ahayd wax la wada akhristay. Muwaadin dib u jaleec oo is barbar dhig safarkan hada Madaxweyne Siilaanyo ku baxay sida liidnimada ah ee loo agaasimay! Jabouti may odhan anagaa si officially ah kuu marti qaadnay, warbaahinta jabouti may qorin, teenuna may sheegin martiqaad uu ka helay Jabouti! Maxaa sababay arintan!!!? Safarkan Murkacday waxaan u nisbaynayaa Wasiirkan Arimaha Dibada ee xukumada madaxweyne siilanyo oon u bixiyay Mr.Jet-li (Chinese Movie Actor). Shacbigu hayga raali noqdo, Kulmiyaa noo bilaabay in laysu bixiyo naanayso. Wasiirkani waa nin fresh ah. Ma aha nin xitaa ku-xigeen 5 cisho ka ahaa wasaarad intii ay Somaliland jirtay. Hadaynaan indhaa is riday, khibradu waa haybad laysku ixtiraamo dunida oo dhan. Wasaaradan arimaha dibaduna uma baahna in la keeno nin aan maskax furnayn oon la soo shaqayn Odayaal Ruug-Cadaaya sida saaxiibkay C/laahi Maxamed Ducaale. Hadaba waxaan ugu magacdaray safarkan xukumada kulmiye ee Jabouti: KUUMA YEEDHINE ADUUNBAA YIMI. S CALAYKUM. F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal. SANWAA CUMAR YARE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 7, 2010 Calaacalka Somalidiidka Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo saxaafadda la hadlyay bishii March sannadkii 2007 ayaa yidhi; “Jaarkaaga ma dooran kartid ee waxaad dooran kartaa sidaad jaarkaaga ula noolaanayso”. Sida xaqiiqdu tahay xukuumadda Jabuuti waxay maanta leedahay waayo-aragnimo ku filan oo fahamsiin karta in aanay guul ku gaadhi karin siyaasadda qallafsan ee cadaawaddu ku jirtay ee ay Somaliland kula dhaqmayeen sannadihii tirada badnaa ee la soo dhaafay, waxa markaas daruuri ah inay Jabuuti yiqiinsato oo si aan caaddifad ku jirin u eegto xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ee ah in Somaliland tahay qaran jira oo ku taagan rukumo culus, cid waxyeeli karta oo burburin karta qarannimadeedana aanay jirin. Waxa kaloo muhiim ah in Jabuuti garawsato dareenka iyo rabitaanka reer Somaliland ee ku aaddan madaxbannaaninada qarankooda oo aan cid ka liicin karta ama ka leexin kartaa jirin, isla markaana Somaliland tahay qaran koraya oo si xawli ah u socda oo ah xaqiiq jirta, duniduna ay garawsatay kaalinta muhiimka ah ee ay Somaliland kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika iyo dunidaba. Haddaba, waxa la gudboon xukuumadda Jabuuti ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle inuu soo afjaro siyaasadda cadawnimada ku dhisan ee dalkiisu kula dhaqmayey shacbiga iyo xukuumadda Somaliland, kuna beddelo siyaasad caafimaad qabta oo ku dhisan walaalnimo iyo deris-wanaag, isla markaana xukuumadda Jabuuti u hawlgasho sixitaanka qaladaadka taariikhiga ah ee ay ka galeen ummadda reer Somaliland. Ugu dambayn, shacbiga reer Somaliland waxa uu ka rajaynayaa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo xukuumadda Jabuuti inay horseed ka noqdaan aqoonsiga iyo ololaha ictiraaf-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ah ta kaliya ee dib usoo noolayn karta walaaltinimadii taariikhiga ahayd ee ka dheaysay reer Jabuuti iyo reer Somaliland, iyadoo aan rajaynayo in maamuuska soo dhawaynta ah ee reer Jabuuti ay u sameeyeen Madaxweynaha Somaliland uu dhabada u xaadhi doono xidhiidh wanaagsan oo walaaltinimo oo si talantaali ah ugu adeega masaaliixda sare ee labada dal. Kaysar Cabdillaahi Maxamed Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 7, 2010 Soo Dhawaynta Djibouti ee Madaxweyne Siilaanyo Imisa Ujeedo Ayaa Ku Hoos Duugan? Waxaa inbadan hore loo odhan jiray waqtigiii madaxweynihii hore ee somaliland boqan jiray dawlada aynu jaarka nahay ee djibouti wuxu u tagay dano gaara ee umu tagin danta somaliland iyo qaranka uu gadhwadenka ka yahay. Hadaba maanta oo uu madaxweynaha somaliland mudane Siilaanyo uu booqasho ku tagay wadanka aan jaarka nahay ee djibouti iyo shacab aan walalaha nahay isago imikana wali ku sugan booqashadan oo ah tii ugu horaysay ee intii xilka loo dhaariyey uu ku baxo madaxweynaha somaliland mudane siilaanyo. Hadaba, waxay calaamatul su’aal saarantahay safarkani muxu daaran yahay, ma somaliland ictiraaf loogu raadinaya mise wa mid gaara oo ujeedooyin hoose ku qarsooyinbaa? War jiraaba cakaara ayuu iman doona lakin waxa is waydiin leh djibout somaliland ictiraaf ma u horseedi karta caalamka madaama ay yihiin dawlad aad loogu soo joogsan karo xaga caalamka madaama ay yihin dad somaliya oo dawlad gaara leh xaaalada gobalk geeskana cid walba uga xogagalsanyihin madama an jar is xal og nahay somaliland na ayba isku dadyihin iyo isku deegaaan yihiin. Sido kale waxaynu wada ogsoonay hore looga quustay djibouti inay somaliland wax kala qabato xaga ictiraaf raadinta, iyagoo aad u aaminsan mabda’a ah somaliwayn ay iyagu wax kasta ka hor mariyaan. Xikmad Somaliyeed aya tirahda “ciridkaan arko ilko kama soo jeedan”, umalayn maayo djibouti inanay somaliland ictiraaf la rabin ninkii caqli lihi wuu ogyay. Hadaba, waxaan hore u ogayn waqtigii ay dhamaatay doorashooyinkii madaxtooyada ee Somaliland inay wasiiro djibouti usoo dirtay somaliland u hambalyeya dorashada shacabka iyo waliba xisbigii guushu raacday, waa kulmiye iyo madaxwaynihi marka la doortay iyo madaxwayne ku xigenkiisa. Hadaba, waxa is waydin leh soo dhawaynta intan leeg ee ay dawlada djibouti soo dhawaysay madaxweynaha somaliland oo ah wax lagu diirsado oo waliba qofkasto reer somaliland soo dhaweeyey in sidan oo kale loo so dhaweeyey madaxweyne matalaya jamhuuriyada somaliland iyadoo ujeedada shacabku tahay ictiraaf doon ee aanay ahayn ujeedo kale madaama baaahida ugu wayn ee dowlada somaliland qabtay. Labaatankii sano ee ugu danbeyey uu ahaa ictiraaf hadaba sida dadka qaar aaminsanyihin mala odhan kara booqashadan waxa kuhoos duugan ujeedooyinkale oo ay ka mid yihin mahadnaq uu madaxweynaha somaliland uga mahadnaqayo gacan uu ka helay dowlada djibouti waqtigii lagu gudo jiray ololihii doorashada madaxtooyada somaliland. Isago waliba madaxweynaha somaliland isla markii uu ku gulaystay kurisigaba uu saxeexay shirkada isgadhsinta cable ka bada hoos mara oo laga laha djibouti somaliland u noqon donto branch djibouti hoostaga iyo ujeedooyin kale oo ay djibouti doonayso inay somaliland ka saxeexato hawlo badan oo qarson Ugu danbayntii waxaan aad ugu mahadnaqaya dowlada djibouti iyo shacabka iyo madaxweynahaba soo dhawaynti madaxweynaha somaliland ay soo dhaweeyen haday ka tahay daacad iyo bilaa ujeedo kale wayo shacabka reer djibouti iyo rer somaliland wa walalo iskana xiga somalida inteeeda kale. Somaliland waxay aad usoo dhawaynaysa waxkastoo ay djibouti nagala qabato xaga ictiraafka anagoo ugu hambayn doona siday kolba nogu caano lisaan. wabilaahi towfiiq f/gaara kani wa fikirkayga gaarka ah madaama uu qofkasta leeyahay fikirkiisa gaarka maha mid uu ila qabo xisbigan ka tirsanay. Abdiqani Salaf Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 7, 2010 You mean the 80 years old warlord Siilaanyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted November 7, 2010 Maamulka Somalidiidka Oo Ka Badbadiyey Safarka Jabuuti U Kutegey Warlord Silanyo Source:tvsomalilandeurope .net Xukumda Somaliland ayaa ka Badbadisey Safarka Jabuuti U Kutegey Silanyo oo aan ulahayn haba yaratee wax faa'iido ah Qadiyada Somaliland maadama ay ka go'antahay Cumer Geele in aaney aqoonsi caalamiya Somaliland ka helin beesha caalamka. Waloow Xukumda Jabuuti ay u sameeysey wefdiga Silaanyo soo dhaweyn qancisey Xukumda Silaanyo ayaa dadka ka faalooda Arimha geeska Africa waxay ku tilmaameen xukumda Jabuuti mid aan waxaba ka badaleyn siyaasdeeda Somaliweyn,isala markaana soo dhaweyntu ay tahay oo kaliya QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN. hadaba Warasxafdeed kasoo baxay Madaxtoyada Somaliland oo ayaa u qornaa sida Tan. War-Saxaafadeed: Booqashadii Weftiga Uu Hogaaminayey Madaxweynaha JSL Ee Jabuuti Iyo Kulamadii Weftiga. Weftiga uu hogaaminaayo Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku sugan Dalka Jabuuti waxa ay noqonaysaa Qaabilaada ay kala kulmeen Jabuuti tii ugu meeqaanka saraysay ee ay Somaliland kala Kulanto Jabuuti iyo Caalamka kaleba. Geesta kalena waxa ay booqashadan uu meeqaankeeda iyo soo dhawaynta qiimaha lihi ee ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisu kala Kulmeen Jabuuti noqonaysaa mid shacabka Somaliland u xaqiijisa xigto-nimada adag ee ka dhaxaysa labada Waddan iyo labada Shac-biba. Ka sakowna kulanki rasmiga ahaa ee ay yeeshaan labada madaxweyne ee Jamhuuriyada Jabuuti iyo Jamhuuriyada Somaliland Mudane. Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxa iyaguna garab-socday kulamo ay gooni gooni u yeesheen isu-Dhiganka 1. Wasiirka Arrimaha Debeda Jabuuti 2. Wasiirka Ganacsiga Jabuuti 3. Wasiirka Maaliyada Jabtuuti 4. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Boosaha Jabuuti 5. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Jabuuti 6. Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland 7. Wasiirka Ganacsiga Somaliland 8. Wasiirka Dhalin-yarada iyo Cayaaraha Somalilnd 9. Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Kulamadaa Farsamo oo iyagana laga gaadhay is af-garad iyo natiijo wanaagsan. Maanta oo ay ahayd Maalintii Saddexaad ee Booqashada weftiga uu madaxweyne siilaanyo ku joogo Jamhuuriyada Jabuuti oo ay intaasna Si xidhiidha u socdaan kulamo kala duwan oo ay labada Dhinac ka leeyihiin sii xoojinta Xidhidhka iyo is garabsiga labada waddan. Waxa kale oo Madaxweyne siilaanyo iyo Weftigiisa, Madaxweynaha oo ay hogaaminayeen Wasiirka Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta ahna Afhayeenka Xukuumada Jamhuuriayda Jabuuti iyo Madax kale oo ka tirsan Jamhuuriyada Jabuuti Waxa ay gaadheen Xarunta Shirkada is gaadhsiinta ee Telcom Jabuut. Waxa kale oo la soo marriyey Qaarka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee Dhinacyada Dhaqaalaha isla markaana ay Jamhuuriyada Jabuuti horu-marka ay ka samaysay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Xarumaha Isgaadhsiinta, xadhkaha Cable-lada ee Bada hoostooda mara iyo Dekedda Jamhuuriyada Jabuuti. Allaa Mahad Leh Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 7, 2010 I like when a single action makes a whole debate among everybody ...... That is when u realize the real politician the old man is. Quote Share this post Link to post Share on other sites