Sign in to follow this  
General Duke

U.K. supports U.S. draft resolution on Somalia..

Recommended Posts

Ingiriiska, Oo Si aad ah u Taageeray Qaraarka Maanta Miiska saaran Ee Maraykanka Uu Ku Doonayo In Xayiraadda Hubka Looga Qaado Soomaaliya.

 

Posted to the Web Dec 04, 06:19

 

 

NEW YORK – Iyadoo Golaha Amaanka ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa ay maanta looga fadhiyo in ay go’aan kama dambeys ah kasoo saaraan qaraar uu Maraykanka hordhigay oo ogolaanaya in xayiraadda hubka Soomaaliya la qaado, iyadoo la ogolaanayo in ciidamo shisheeye loosoo diro Soomaaliya, ayaa Maraykanka waxaa hindisahaasi ku taageertay Xukuumadda Britain.

 

 

Safiirka xarunta Golaha Amaanka ee New-York, u fadhiya Dowladda Ingiriiska, ayaa si cad u shaaciyey in 95% ay Dowladiisi si toos ah u taageersan tahay qaraarka Maraykanka eek u saleysan xayiraad ka qaadista Soomaaliya.

 

 

“Qaraarka Maraykanka waa mid lagama maarmaan ah inaguna waynu la dhacsan nahay waliba si aad ah, waayo waa daruuri in taageero la siiyo Dowladda KMG ee aan awooda badneyn” ayuu yiri Safiirka, oo intaasi ku daray in ay Mowkhif ahaan Maraykanka kala mid yihiin marxaladda sii cakirmeysa ee haatan Soomaaliya ka aloosan.

 

 

Qaraarka Maraykanka, ee maanka miiska saaran, ayaa waxaa horey utaageeray Dalalka China iyo Russia, oo iyagu laga cabsi qabay in ay codka Veto-ga ku hor istaagaan qorshaha xayiraad ka qaadista Soomaaliya muddo 14-sana ah ka dib.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Ingiriiska u jooga QM Emyr Jones Parry oo soo dhaweeyay qorshaha lagu qafiifinayo xayiraada hubka e saaran Somaliya.

 

New York,Safiirka dowladda Ingiriiska u jooga QM ayaa soo dhaweeyay

qaararka dowlada Mareykanka ay ku dooneyso in Somaliya xayiraada hubka looga qafiifiyo isla markaana ay soo galaan Ciidamo nabad ilaalin oo gacan siiyan dowlada FS,ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo.

 

Safiirka Britain ee lagu magacaabo Emyr Jones Parry ayaa ku tilmaamay talaabadasi mid hor seedi karta nabad ka dhalata dalka Somaliya,isla markaana looga gudbo dhibaatooyinka laga filan karayo dalalka Geeska Africa ee la xiriira falal Argagixiso.

 

Parry waxaa uu ku booriyay Xubnaha Golaha Amaanka ee QM in ay u codeeyaan mashruucaasi qaraar oo uu ku sheegay mid qaramada Geeska Africa lagu badbaadinayo,isla markaana qeyb ka ah dadaalada beesha Caalamka ee ku wajahan la dagaalanka Waxa uu ku tilmaamay Argagixisada.

 

Safiirka Britian waxaa uu tilmaamay in Somaliya ay dhibaatooyin baahsan oo dowlad la'aan ay ugu horeyso ay ka jirtay mudadii 16-ka sano ee lasoo dhaafay,isla markaana dowladihii la dhisay ay ka shaqeyn waayeen dhibaatooyin amaan darri oo ka jira Somaliya,waxaana uu ku booriyay dalalka Caalamka in la taageero dowladda FS si mar kale aysan u dhicin bur bur dowladeed.

 

Hadalka Safiirka Britain ee QM Emyr Jones Parry ayaa kusoo beegmaya maalmyo yar kadib markii dowladda Saaxibada ay yihiin ee Mareykanka ay ugu baaqday dalalka ku jira Golaha Amaanka ee QM in ay ansixiyaan mashruuc dhawaan ay horgeyn doonto kaasi oo lagu doonayo in lagu qaadayo qeyb ahaan xayiraadad Hubka Somaliya,isla markaana Somaliya lagu geeyo ciidamo nabad ilaalin oo aysan ku jirin wadamada Dariska ah.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this