General Duke Posted February 7, 2008 Barlamanka carabta oo Somalida laga siiya 2 kursi Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 05-Febraayo-08 Dawladda Federaalka Somaliya ayaa markii ugu horeysay gaartay in 2 kamid ah Xubnaha Golaha Baarlamanka Federaalka ay ku biiriyaan Golaha baarlamaanada Carabta ee dhawaan kulamada ku lahaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar. Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamanka Federaalka Max'ed Cumar Dhalxa Oo waraysi layeelatay tv-ga al-Jazeera ee afka carabiga kuhadlaya ayaa waxaa uu sheegay in kulamo kala duwan uu kula yeeshay magaalada Qaahira masuuliyiinta ka tirsan baarlamanka Carabta ayna ku biiriyeen laba masuul isagoo sheegay in sida ugu dhaqsiya badan ay wax ugu qaban doonaan baahida kale duwan ee haysata baahida baarlmaanka Somalia. Xubnaha lagu biiriyay baarlamaanka ayaa waxaa ay kala yihiin Axmed Cumar Jees iyo Axmed Cabdi Diiriye oo Baarlamanka Somaliya ku matali doona fadhiyada Golaha Baarlamaanada Carabta,iyadoona tallaabadaasi ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah ay qaadaan baarlamaanka somalia waaa arrin lasoo dhaween karro. Prof.Dhalxa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay wax weyn kusoo kordhiso tallaabadasi xaaladaha ka jira dalka iyo qaabka ay dalalka Carabta kaga qeyb qaadan karaan nabad kusoo dabaalidda Somaliya. C/laahi Xassan Baliil Baliilkhan10@hotmail.com Baliilnet.abdala@Gmail.com Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted February 7, 2008 lol, Arab Parliment, ma cunta lagu cunaa? muxuu tara? Quote Share this post Link to post Share on other sites