Sign in to follow this  
Fiqikhayre

President Faroole opens 25th Parliamentary Session of Puntland State Promises Shir

Recommended Posts

Garoowe: ”Dagaal ka bacdi xagee wajiga la saarayaa. Maxaa la iska rabaa?” Madaxweyne Faroole oo sheegey inay Qaban doonaan Shir kusaabsan Ayaaha Puntland.

 

31. oktober 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamed Maxamuud ayaa sheegey in Xukuumadiisu ay Imika si rasmi ah ugu guulasatay soo afjarida Kooxdii Galgala oo uu Maxamed Siciid Atam horkacayey kuwaas oo ay Xukuumadu dagaalo culus lagashay mudooyinkii lasoo dhaafay.

 

Madaxweynuhu Wuxuu sheegey in Xukuumadu ay Dagaaladii u danbeeyey guud ahaanba ku qabsatay Deegaanadii talisyada u ahaa Kooxdaas,waxaana uu sheegey in Hubkii & Agabkii kale ee ay Kooxdii Galgala haysatay oo qaarkood Casri ahaa ay dawladu gacanta ku hayso.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Faroole Wuxuu sheegey in Dawladu ay Qorshaynayso Shir ay isugu yeeri doonto Qaarkamid ah Waxgaradka Puntland oo uu sheegey inay koobnaan doonaan kuwaas oo ka talin doona islamarkaasna ka fakari doona Xaalada Gudaha Puntland & halka ay Xukuumadu wajahayso Dagaalkii Galgala kadib.

 

“Shir baan Qaban Doonaa sidii aanu awalba horey u balanqaadnay Bishii Augosto Kowdeedii (Sanad Guuradii 12-aad ee Dhismaha Puntland) Shirbaanu qaban Doonaa Dagaal ka bacdi,Xagee wajiga la saarayaa? maxaa la iska rabaa? Oo aanu Waxgarad kooban oo kataliya U yeeri doona Arintaasuna (Inshaallaah) Dhawaan bay qabsoomi doontaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo maanta warbixin siinayey Golaha Wakiilada Puntland oo uu ufurmay Kalfadhigoodii 25-aad.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland oo Furay Kalfadhigii 25aad ee golaha wakiilada Puntland.

 

16218.jpg

 

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan maxamed Maxamuud Farolle ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigii 25 aad ee golaha wakiilada Puntland, oo maantana uu shir gudoominayey Gudoomiyaha barlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen.

 

Waxaa goobjoog aha oo soo xaadiray maanta furitaankii kalfadhiga 46 Xildhibaan, Gudoomiyaha barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi oo isagu ka hadlay kulanka barlamaanka ayaa sheegay in Mudanayaashu kaga doodayaan qodobo ay ka mid yihiin ansixinta Misaaniyada iyo kuwa kale oo ay ka mid yihiin xeerka doorashooyinka oo horay ay u soo ansixiyeen Golaha xukumadu.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa isna lagu soo dhaweeyay Microphonka, waxaanu halkaasi ka jeediyay Qudbad dhinacyo badan taabaneysa oo uu siweyn ugaga sheekeynayo xaalada iminka ee dalka.

 

Madaxwaynaha Puntland C/raxmam Maxamed Maxauud Faroole oo qudabadiisii oo kuwada saabsanayd dagaaladii dhawaan ay mamulkiisu la galay Maxamed Siciid atam in ay ka saareen burihii in badan ay isku hor fadhiyeen.

 

Madaxwaynuhu waxaa kale uu uga waramay barlamaanka Safaradii uu ku tagay Dalalka dariska siada itoobiya yeman iyo Jabuti isagoona sheegay in dhamaantood ujeedooyinkii uu u tagay ay ku soo dhamaadeen si fiican.

 

Inta uu kalfadhigaani soconayo waxaa mudanayashu ay ka doodayaan qodob badan kuwaas oo ay ku lafa guri doonaan ansixinta miisaaniyada oo dowladu ka codsatay in ay mudo siiyaan ay ku soo gudbiso si mudanayashu si ay uga doodaan

 

C/Naasir Yaasiin Salaad

SBC International- Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha puntland oo maanta furay Kalfadhigii 25aad ee Golaha Wakiilada Puntland

 

 

(Garowe) RBC: Waxaa maanta u furmay Golaha Wakiilada Puntland kalfadhigii 25aad ee ay iskugu yimaadaan Baarlamanka Puntland kaa oo aay soo xaadireen badnkood Golaha wakiilada Puntland.

 

Kafdhigaa Golaga wakiilada, ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha Puntland iyo xubna ka tirsan golahiisa Xukuumada, waxana inta uu furmin kafadhiga ka hor halkaa qudbad ka jeediyay.

 

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Cabdi rashiid Maxamed Xirse .oo shir gudoominayay

Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay Xubnihii kulan kaa soo xaadiray waxuuna sheegay in Golaha wakiilada Puntland ay horyaalaan Howlo badan oo uu rajaynayo in ay wax ka qabtaan sida meel marinta miisaaniyada 2011oo la filayo in Golahu ay ka doodaan .

 

Cabdi rashiid Maxamed Xirse, ayaa sheegay in kalfadhigaa uu yahay mid qayb ka ah kalfadhiyadii caadiga ahaa ee baarlamanka yeelan jireen, waxuuna tilmaamay in ay uga doodinaan howlo badan oo horyaala.

 

Kalafadhigaan 25aad ee Golaha wakiilada Puntland waxaa soo xaadiray 64 Mudane oo ka tirsan Golaha Baarlamanka Puntland kuwaas oo mudooyinkaa howlo kala duwan ugu kala maqnaa Gobalada kala duwan ee Puntland .

 

Madaxwynaha Puntland Cabdi raxmaan Maxamed Maxamuud Farole oo goob jooga ka ahaa furitaanka kalfadhigaan islamarkaana uu furay ayaa warbixin kooban uu siiyay Golaha wakiilada kaga warbixiyay Safardii dalka dibadiisa uu ku gaaray iyo dagalkii Galagala .

 

Mr Farole waxa uu sheegay in safaradii dalka dibadiisa uu ku gaaray ku soo guulaysteen islamarkaana madax kala duwan ay kulama la soo qaateen la xariira xoojinta xariirada Puntland kala dhaxeeya wadamada socdaalada uu ku gaaray .

 

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay xili uu ka hadlayay Dagaaladii ka dhacay deegaanka Galgala in Dowlada Puntland ay ku guulaysatay in ay ka takhalusto waxa uu ugu yeeray kooxa argagaxiso ah oo doonayay in amniga Puntland wax u dhimaan .

Waxuuna tilmaamay in ay dhamaan arimahaa ay Xukuumada ku guulaysatay in tilaabo ka qaado waxuuna tilmaamay in aay soo afjareen kooxahaa iyo wixii ay taageero ka helayeen waxuuna amaantaa siiyay Ciidanka amniga Puntland oo tilaabadaa qaaday.

 

Ugu danbayntii ayuu Madaxwaynaha Puntland furay kalfadhgaan 25aad ee Golaha wakiilada waxuuna kalfadhigaan inta uu socda looga doodi doonaa arima dhoor ah oo ugu horayso Miisaaniyada sanada soo socota ee 2011ka.oo dhawaan la filayo in la horkeeno

 

RBC NEWS

Xafiiska Garowe

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Puntland Oo Maanta Furey Kalfadhiga 25-aad Baarlamaanka Puntland

 

October 31, 20104

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta furey kalfadhiga 25-aad ee Baarlamaanka Puntland iyado ay maanta soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 46-mudane.

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ugu horeyn ka hadlay madasha,waxaana uu sheegay in fadhigaan uu yahay kii 25-aad oo ay yeeshaan Baarlamaanka tan iyo markii la asaasay Puntland isla markaana ay maanta fadhiyaan 46-mudane kuna filanyahay kooramka Baarlamaanka inuu ku furmo.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Faroole oo si rasmi ah u furey kalfadhiga Baarlamaanka ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer uu kaga hadlay xaaladihi u danbeeyey ee ka jirey degaanada Puntland.

 

Dagaaladii Galgala

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay dagaaladii ka dhacay Buuralayda Galgala oo u dhaxeeyey Ciidanka Puntland iyo xoogaga Attam,ayaa yiri;

 

”…Waxaan idin ku bishaareynaaya mudaneyaal in dagaalkii Buuralayda Galgala lasoo afjaray oo u dhamaaday oo dawladdu ku guuleysatay,Ciidamadeena iyo inta ka shaqeysay ayaa libtaa iska leh…”,ayuu yiri.

 

Dr.Faroole oo ka hadlaayay halkii u ku danbeeyey Maxamed Siciid Attam ayaa waxaa uu sheegay in uu ka baxay degaanka Puntland isla markaana ku sugan yahay meel aan kamid ahayn Puntland.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in firxadka kooxda ay dagaalka kula jireen in ay Ciidamada amniga ku maqanyihin oo ay soo qab qaban doonaan.

 

Safarada dibada

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaayay safaradii wadamada Itoobiya,Jabuuti iyo Yemen uu ku tegay dhowaan isaga iyo Xubno Wasiiro ah oo u hogaaminaayay ayaa sheegay in ay kasoo hoyeen guulo balaaran.

 

Isagoo ka hadlaayay safarkii ay ku tageen dalka Yemen wuxuu sheegay in masuuliyinta Yemen ay kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan sida in Yemen ay qunsul iyo Bangi ay ka furato degaanada Puntland.

 

Arimaha Burcadbadeeda

 

Dr.Faroole oo ka hadlaayay arimaha Burcadbadeeda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay dagaal kula jirto kooxaha Burcadbadeeda oo u sheegay in ay saamayn ku yeesheen dhaqaalaha Puntland.

 

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Beesha caalamka in ay gacan ka siiyaan Dawladiisaisago xusay in Puntland ay wax badan ka qabatay Burcadbadeeda balse aysan soo afjarin.

 

Miisaaniyada

 

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay mudaneyaasha Baarlamaanka in wixii loo gaaro mudo labo todobaad kadib la horkeeni doono Baarlamaanka arimaha miisaaniyada iyadoo mudada intaas laga gaarayo ay sii qabsadaan howlahooda kale.

 

Si kastaba Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaa khudbadiisa kusoo gaba gabeyey isla markaana Alle uga baryey in uu Abaarta ka jirta degaanada Puntland ka dulqaado.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe,Puntlan

Share this post


Link to post
Share on other sites

AJANDAHA KALFADHIGA 25-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA.

 

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 26/09/2010 la diyaariyey ajandaha kalfadhiga 25-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

 

Ujeeddo:- Soo gudbin Ajandaha Kalfadhiga 25-aad ee Golaha Wakiillada ee 26/09/2010.

 

Mudane Madaweyne,

 

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Ajandaha kalfadhiga 25-aad ee G/Wakiillada DPL, kaasoo laga rabo in ay soo gudbiyaan Golaha Xukummadda waana sidan:-

 

1. Soo gudbinta Miisaaniyadda 2011 DPL

 

2. Dhamaystirka Dhismaha Golaha Garsoorka

 

3. Soo gudbinta Xeerka Guddiga Doorasada

 

4. Soo gudbinta Xasaanaddsiinta Wasiirada Dhiman & Mas’uuliyiinta kale ee looga baahan yahay in ay helaan Xasaanad.

 

5. Soo gudbinta Xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha

 

6. Soo gudbinta Xeerka aftida Dastuurka.

 

7. Iyo wixii xeerar ah ee ay Xukuumadu soo gudbiso.

 

 

Allaa Mahad leh

 

C/rashiid Maxamed Xirsi

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL

 

Cabdirisaaq Ruush

Puntlandparliament.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha Dawlada Puntland Oo Khudbad Dheer ka Jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka Dawlada Puntland.

 

Posted by Ali on October 31st, 2010

 

Garowe(Puntlandi.com);- Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kalfadhigii 25aad ee ay isuyimaadaan mudanayaasha barlamaanka.

 

Madaxawayne Faroole ayaa ka hadlay Dagaalkii Galgala, Safaradii dibada uu ku tagay Kooxaha Burcad’badeeda, Miisaaniyada iyo Fariimo ku aadan adkaynta iyo qiimaha nabada uu udiray guud ahaan shacabka reer Puntland.

 

Madaxwaynaha xiliga uu ka hadlayay dagaalka Galgala waxaa uu guul ku tilmaamay in ciidamada dawlada Puntland ku guulaysteen in ay cagta mariyaan kooxo ku qaraabanaya diinta kana soo horjeeda jirintaanka dawlada Puntland waxaana uu intaa raaciyay in hawlgalkaa soo afmeermay ciidamadana mahad gaara leeyihiin.

 

Waxaa soo hadalqaaday waxyaabaha uga qabsoomay safaro uu kutagay wadamo ay kamidtahay Yemen waxaana uu sheegay in dawlada Yemen ka soo dhaadhiciyeen in Safaarad iyo Bangi ka furato deeganada Puntland waxaa uu sidoo kale sheegay in guulo ka soo hoyiyeen safaradii wadamada Ethoipa iyo Jabuuti.

 

Dr Faroole ayaa sheegay in dawlada Puntland wali wado dagaalka ay kala soo horjeedo kooxaha burcad’badeeda waxaana uu taageero waydiistay beesha caalamka si loo wiiqo awooda kooxaha burcad’badeeda.

 

Madaxwaynaha ayaa sheegay in maalmo kadib mudanayaasha la horkeeni doono miisaaniyada dawlada Puntland.

 

ugu danbayn madaxwaynaha waxaa uu shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay xoojiyaan adkaynta amaanka iyo jiritaankooda.

 

Ali Ahmed Abdi

 

Puntlandi.com Galkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulankii 25aad ee Golaha Baarlamaanka ee DGPL oo maanta ka furmay magaalada Garoowe.

 

Posted to the Web Oct 31, 11:55

 

Garoowe:-Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay kulankii 25aad ee golaha Baar lamaanka ee DGPL kulankaas oo uu shir gudoominayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowlada Puntlland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi.

 

Kulanka saaka ayaa waxa kale oo goob joog ka ah Madaxweynaha Puntlland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubo ka tirsan Golaha xukuumada Puntlland Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowlada Puntlland Cabdi rashiid Maxamed Xirsi ayaa waxa uu u mahad celiyey xubnaha Baarlamaanka Puntlland ee saaka ka soo qayb galay kulanka waxaan uu ku booriyey xilibaanada in ay jiraan howlo badan oo loo baahan yahay in ay ka doodaan.

 

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dowlada Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa waxaa uu xubnaha Baarlamaanka DGPL ka hor sheegay in loo baahan yahay in ay meelmariyaan miisaaniyada dhaqaale ee 2011.

 

Kulanka maanta ayaa waxaa goob joog ah dhamaan xubnaha golaha wakiilada ee dowlada Puntlland, kulanka maanta ayaa la filayaa in uu khudbad dhinacyo badan taabanaysa uu ka jeediyo madaxweynha dowlada Puntlland Dr. C/raxman Faroole.

 

M_M_Deeq

Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this