Sign in to follow this  
Saalax

Gudoomiye Kuxigeenka Barlamaanka Kenya Oo Diiday Inuu Qaabilo Faroole

Recommended Posts

Saalax   

Gudoomiye Kuxigeenka Barlamaanka Kenya Oo Diiday Inuu Qaabilo Faroole

 

(Hadhwanaagnews) Friday, November 26, 2010

 

Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin

Neirobi-(HWN)-Warar xogogaal ah oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegaysa in Gudoomiye Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare uu kuj gacan seyray inuu qaabilo Mr.C/raxmaan Faroole, Ergada Puntland ayaa u joogay magaalada sidii ay kulamo ula yeelan lahaayeen Saraakiisha hoose oo ka tirsan Safaarada Mareykankakaasi o Mudo Laba Maalmood ah, Warkan aanu helay ayaa *****lka ka qaadaya in Kulankaasi uu aad uga Cudur Daartay G/Xigeenku.

 

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya un Madaxa Puntland Mr. Faroole uu codsi dhigay labada maalmood ka hor Xafiikiisa Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka, wuxuuna ka codsaday in la qaabilo si ay uga wada hadlaan arrimo badan oo uu aad u daneynaayeen Maamulka Faroole in Gudoonkakuxigeenka Baarlamaanka Kenya hase ahaatee Waxa uu sheegay Faarax Macalin inaanu Marnaba La Kulmeynin Ergada PL.

 

Dib u dhaca ku yimid dadaalada Mr. Faroole ku Ergada uu horkacaayo Faroole ayaa ah mid ay Gacamahooda ku Kasabadeen ka dib markii dhawaan Faarax Macalin uu Gaadhay Somaliland iyo Gobolka Sool ee PL Labada Sano Laga Haysto, Faarax Macalin ayaa aad ula dhacsan siysaada Kooxda Gooni isu taaga ee la magac baxaday Somaliland, wuxuuna codsi u diray Gudoomiyaha Baarlamaanka, C/rashiid Indha Guduud Dalabkaasi oo ahaa in Faarax Gaadho Garoow Hase yeeshee Madaxaynaha PL ayaa diiday in Faarax Macalin Cag soo dhigo Garoowe, isagoo adeegsaday maleeshiyo isaga ku heyb ah oo cago jugleyn iyo dareen cabsi abuuray.

 

Khilaafka Faarax Macalin iyo Faroole ayaa Aloosmay ka dib markii xubno xildhibaano ah uu hormuud ka yahay Faarax ay Gaareen Hargaysa kuwaasi oo lagu eedeeyay inay u Olalaynayaan Ictiraafka Somaliland warkaasi ayaa Faroole Shaki wayn ku Abuur.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^ Qofka qorey articlekan waa qof wareersan oo xamaasad ka buuxda, bal ila fiiri waxan ayaa lagu leeyahay waa war:

 

 

hase ahaatee Waxa uu sheegay Faarax Macalin inaanu Marnaba La Kulmeynin Ergada PL.

Hase yeeshee Madaxaynaha PL ayaa diiday in Faarax Macalin Cag soo dhigo Garoowe, isagoo adeegsaday maleeshiyo isaga ku heyb ah oo cago jugleyn iyo dareen cabsi abuuray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this