Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti: Government opoosition chart right course

Recommended Posts

Ould Abdalah oo soo dhameeyay kulankii Jabuuti,iyo dhinacyada oo ogolaaday 31-ka bisha wada hadalo kale in la isugu yimaado.

 

Inkastoo kulanku soo dhamaaday labada dhinacna aanay si fool ka fool ah isu soo hor fariisan ayaa hadana lagu dhawaaqay in muddo laba todobaad ah kadib la isugu soo laaban doono kulan intaa ka balaaran oo masuuliyiin sar sare ay kasoo qeyb geli doonaan.

 

Tan iyo maalintii Axadda ee lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Jabuuti ka soconayay wada hadallo wakiilada beesha caalamku la yeelanayeen masuuliyiinta dowlada federalka iyo kuwa mucaaradka oo iyagu ku gacanseyray in ay hor fariistaan madaxda dowladda.

 

Laakin wakiilada beesha caalamka ayaa labada dhinacba ku qanciyay in la isugu soo laabto kulan kale muddo laba todobaad gudohood ah,waxaana kulankaa jabuuti lagasoo saaray baaq ku aadan in beesha caalamku ay kordhiso kaalmada bini’aadanimo ee la siiyo Soomaaliya.

 

Wakiilada dowlada Soomaaliya iyo mucaaradku waxaa ay isla ogolaadeen in 31-ka bishan mar kale la isugu yimaado wada hadal xiligaa oo mucaradku aanay shuruud la imaan doonin.

 

Sidaasi waxaa gaba gabadii kulanka kaga dhawaaqay wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Ould Abdalla,waxaana uu Soomaalida ugu baaqay in ay meel iska dhigaan wax kasta oo khilaaf ah oo horay u dhex maray.

 

 

Xafiiska war qabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this