General Duke Posted June 5, 2008 Puntland iyo Jabuuti oo heshiis ganacsi wada gaaray iyo Wasiirka Ganacisga PL oo Muqdisho kusugan Jabuuti(HR Media):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland Md.Cabdisamad Yusuf Abwaan ayaa booqday magaalada Jabuuti halkaasi oo uu u tagay sidii loo dhameystiri lahaa heshiis ganacsi oo dhexmaraya Dowlada Jabuuti iyo Puntland. Wasiirka Ganacsiga ee Puntland ayaa sidoo kale u gudbay Magaalada Muqdisho ee xarunta Somaliya. Wasiirka Ganacsiga ee Puntland Cabdisamad ayaa Horseed Media uga waramay safarkiisa Jabuuti, asagoo sheegay in safarkiisa uu la xariiray kulankii dhawaan dalka Jabuuti ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland Md.Cadde Musse iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ka wadahadalay xiriirka ganacsi ee Jabuuti iyo Puntland. Wasiirka Puntland ayaa sheegay in uu magaalada Jabuuti kula kulmay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, wasiirka Kaluumeysiga iyo dekkada, Agaasamayaan iyo mas’uuliyiin kale oo badan oo kamid ah Dowlada Jabuuti. Md.Cabdisamad oo xalay u waramayey Barnaamijka (Maxaa Dhacay Maanta) ee idaacada Horseed Media sheegay in safarkan lagu falan qeynayey sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee labada dhinac oo bilihii lasoo dhaafay hakad ku jiray, wuxuuna sheegay in ay arrimahaasi la xariireen dhinaca Jabuuti, isla markaana hada lagu gudo jiro in la dhameystiro xiriirka ganacsiga ee labada maamul. Wuxuu sheegay in Maamulada Jabuuti iyo Puntland si wadajir ah u magacaabeen Guddi soo dhameystira habka ay uwada shaqeyn karaan dhinaca Ganacsiga. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland Cabdisamad Yusuf Abwaan ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii ka ambabaxay magaalada Jabuuti. Wasiirka Ganacsiga Puntland ayaa markii ugu horeysay kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho Ganacsatada gobalka Banaadir, ayagoo ka wadahadalay dhinaca ganacsiga iyo waliba sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha Sarifka Dollarka. Guddiga Ganacsatada Banaadir ayaa soo dhaweeyey Safarka Wasiirka Puntland Muqdisho ku yimid ayagoo sidoo kale ugu mahadnaqay Dowlada Puntland burburintii Warshadihii lacagaha Shilling Soomaaliga sameyn jiray ee ku yiilay gobalada Puntland. Wuxuuna sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan labada dhinac sidii looga hortagi lahaa hoos u dhacdanbe oo ku yimaada Shilling Soomaaliga. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites