Sign in to follow this  
Emperor

Culimada Somaliyeed oo baaq iyo talo ujeediyay Jabhada Islamiga ee lawareegtay Kismay

Recommended Posts

Emperor   

Baaq qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ay ka soo saareen xaalada Kismaayo.

Posted to the Web Aug 25, 10:21

 

 

Boosaaso:-Ka dib lafagur qotodheer oo qaar ka tirsan culimada diinta ee Soomaaliyeed ay ka yeesheen isbeddelladii ugu dambeeyay ee magaalada Kismayo ayaa culimadu waxay soo saartay baaq ay kaga hadleen arrimo kala duwan oo ay u arkeen inay taabanayaan danaha guud ee shacabka iyo maamulka cusub intaba.

 

 

Baaqa culimaduna wuxuu u dhigan yahay sidaan:

 

 

BAAQ NASEEXO AH

 

 

ÈÓã Çááå ÇáÑÍã ÇáÑÍíã

 

 

ÇáÍãÏ ááå ÑÈ ÇáÚÇáãíä¡ æÇáÕáÇÉ æÇáÓáÇã Úáì ÑÓæá Çááå æÂáå æÃÕÍÇÈå æÓáã ÊÓáíãÇ ßÊíÑÇ. ,

 

 

Muqaawamada gacanta ku haysa Kismayo waxa la gudboon inay ogaadaan:

 

 

1. Inay xambaareen xil culus oo ah ilaalinta masaalixda ummadda oo ay ugu horrayso diintooda, naftooda iyo maalkooda, Ilaahay hortiisna la weydiin doono.

 

 

2. In ay dusha u riteen xilka magaalada Kismaayo oo ku caanbaxday fitno iyo dagaallo sokeeye oo is dabajoog ah oo u baahan in si taxadar leh loo cilladbixiyo.

 

 

3. in ay dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqaan ku dhaqanka shareecada, taas oo ay ugu horrayso in ummadda lagu mideeyo xaqqa, lana joojiyo tafaraaruqa iyo in la ilaaliyo dhiigga muslimka. Waxaa kale oo loo baahanyahay inay naftooda ka billaabaan ku dhaqanka waxa ay dadka kale ugu yeerayaan.

 

 

4. in cadaw noocyo badani uu isha ku hayo magaalada istiraatiijiga ah ee ay la wareegeen, ayna dhici karto (xilli kasta) inay iman karaan wax aan lagu talagelin, sidaa darteedna loo baahan yahay in aan cadawgu u adeegsan dadkooda oo iyaga iyo bulshadoodu noqdaan ul iyo diirkeed.

 

 

5. in xukunka iyo xooluhu ay yihiin waxa Soomaalidu isku laysay, loona baahan yahay in aysan dadka ahlu-diinka ah marin waddadii qabqablayaasha iyo qabaa'ilka.

 

 

1. in ay iyagu xaqqa ku midoobaan, kana fogaadaan isku dhac dhexmara iyaga iyo shacabka ama iyaga dhexdooda, iyo u tartanka gacan ku haynta goobaha muhimka ah iwm oo soo dedejin karta shaki iyo ismaandhaaf dhexdooda ka dhasha.

 

 

2. in ay Ilaahay uga baqaan dhiigga shacabka muslimka ah ee waqtiga dheer ninkii soo gaaraba xasuuqayey, gaar ahaan dadka ahlu-diinka ah oo bulshada ugu fadhiya qiime weyn, waana in dhiigga muslimku noqdo mid dhowrsoon oo qofna u tillaabi karin.

 

 

3. in aysan marooqsan talada magaalada ee ay ka talogaliyaan ahalkeeda, ayna dhisaan maamul iyo garsoor laga soo xulay deegaanka oo leh amaano iyo karti ku filan, ayna u sameeyaan ciidan nabadgalyo oo ku filan, lehna Astaamo wanaagsan. Ka dibna ay ku kormeeraan qolo walba hawsha loo xilsaaray.

 

 

4. in ay ka fogaadaan qabyaaladda iyo in qabaa'ilku isu adeegsadaan awoodda wadaadada.

 

 

5. in la joojiyo sii baahinta dagaalka, gacan adagna lagu qabto cid kasta oo aarsi iyo fadqalalo isku dayda, isla markaana dadweynuhu caddaaladda horteeda u sinnaado.

 

 

6. in aysan qabsashada Kismaayo noqon dabin lagu dabargooyo dadka ahlu-diinka iyo dadweynaha magaalada.

 

 

7. in la hagaajiyo wixii dagaalku bi’iyay intii la awoodo naf iyo maalba.

 

 

8. waxaan xusuusinaynaa muqaawamada in aan magaca wadaadnimo Ilaahay agtiisa wax uga tarayn haddii ay xaqa ka leexdaan, taas oo wadaadada iyo dacwadoodaba u keenaysa sumcad xumo aan ka harin. Waxaa iyana xusid mudan in cadawga islaamku ku farxi doono colaadda dhexmarta iyaga dhexdooda ama iyaga iyo shacabkooda; maxaa yeelay colaadda sokeeye waxay galaafanaysaa Umadda iyo awoodeeda.

 

 

9. Waxaan ugu baaqaynaa culimada, salaadiinta iyo waxgaradka reer Kismaayo in ay awooddooda isugu geeyaan badbaadinta shacabka iyo xallinta mashaakilka ragaadiyay magaalada iyo dadkeedaba..

 

 

10. Ugu dambayn waxaan dareensiinaynaa dadweynaha reer Kismaayo in khayraadka magaaladaan ka badan yahay dadka deggan iyo Soomaali oo dhan, mushkiladduna aysan ahayn ciriiri dhuleed iyo mid khayraad ee ay tahay kaliya dulmiga, jahliga iyo sed bursiga.

 

Haddaba waxaan ugu baaqaynaa dadku in aysan ku mashquulin yaa leh iyo yaa xukumaya ee ay xoogga saaraan see uga faa’iidaysanaa khayraadka Alle galiyay dhulka.

 

 

Culimada bayaanka saxiixday:

 

 

1. Sh. C/laahi Cumar Nuur

2. Sh. C/qaadir Nnuur Faarax

3. Sh. Maxamuud Macallin Nuur

4. Dr. Axmad Xaaji C/raxmaan

5. Sh. C/naasir Xaaji Axmad.

 

Tar: 25/08/2008

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

Basically, the gist of the piece above is that JABISO must not repeat the mistakes of the UIC right after their victory in Xamar. They should prevent the corrupt clanists of the galgaduud brothers from infaltrating the movement.

 

Stay true and accountable to the interests of local population only. KISMAYO HA NOOLAATO AND THE RIGHTS OF THE LOCALS!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Wonderfull stuff by the religious elders.

 

Anyhow there is more news coming out of Kismayu..

wefdi ay hogaaminayaan nabadoon
Cabdi-Yare iyo ganacsadayaal ay ka mid yihiin Yuusuf Nuur Xasan (Bidde) iyo Ganacsade Ciise (Ceelbuur)
oo la filayo inay usbuucan gaaraan magaalada Kismaayo, si ay u baajiyaan dagaal laga cabsi-qabo in uu dhex maro kooxaha magaalada qabsaday ee Islaamiyiinta ah iyo Dawlada Federaalka Soomaaliyeed, hadii aysan kooxahani la imaan siyaasado fur-furan oo keeni-kara heshiis la mid ah kan Ururka Isbaheysiga Dib-u-xoreynta ee uu hogaamiyo Sheekh Shariif la yimid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Dhulqarnayn, absolutely correct, you got the gist of the message....

 

Masha'alaah Culumida Soomaaliyeed talo wanaagsan ayay soo jeediyeen, Jabhadda Jabiso waa inay maqlaan iskana ilaaliyaan khaladaadki fashiliyay ururadi hore ee kakacay koonfurta Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Interesting names! I know most of these Sheikhs on first name basis- both Aqaadir Nuur Faarax and C/naasir Xaaji Ahmed tutored me in the Art of Usuulul Fiq! Good advice from learned scholars.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Dhulqarnayan the irony here is you do not understand the motives of the religious leaders.

 

What the religious men are saying is do not alienate the clan of Barre Hiiraale as happened in 2006 and you understood them to be saying the opposite.

 

The men who have captured Kismaayo have already taken the advice.

 

Waa rag si miisan leh wax u cabiray and very cautious of repeating the last mistake in 2006!

 

For this reason, the city is very peaceful and naught much has changed in the way of security!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this