Sign in to follow this  
General Duke

Uganda redies its troops..

Recommended Posts

Uganda oo sheegtay in labo todobaad ay ciidamadeeda ku imaanayaan Somalia

 

Kampala 21, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Dowladda Uganda ayaa sheegtay in labo todobaad gudaheeda ay ciidamadeeda ku keeneyso Somalia.

 

Madaxweynaha dalka Uganda Uveri Musavini ayaa magacaabay taliyihii hogaamin lahaa ciidamada Uganda ee dhowaan imaanaya dalka Somalia, isagoo sheegay in ciidamadiisa ay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay ku imaanayaan dalka Somalia.

 

Afhayeenka howl-galka ciidamada Uganda ee imaanaya Somalia Captain Badi Ancunda ayaa waxa uu u sheegay saxaafadda Kampala in ay socoto howlo lagu diyaarinayo qalabeynta ciidamada Uganda iyo qarashkii ku bixi lahaa inta ay joogaan Somalia.

 

Madaxweyne Musavini ayaa u magacaabay Major Gen. Lefi Cruhanga in uu noqdo taliyaha ciidamada Uganda ee howl-galka ka sameyn doona Somalia.

 

Xubnaha Baarlamanka Uganda ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxa ay si buuxda u ansixiyeen qorshaha ciidamada Uganda lagu soo daadgureynayo dalka Somalia si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Africa ee la ansixiyay in ay Somalia ka sameeyaan howl-galada.

 

Ka sokoow dowladda Uganda ma jirto dowlad kale oo ciidamadeeda diyaarisay si ay u yimaadaan Somalia, inkastoo ururka Midowga Africa uu sheegay in ilaa 8 dal oo African ah ay ciidamadooda imaanayaan dalka Somalia.

 

 

 

 

Shabelle Media Network Uganda

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uganda oo diyaar garowgii ugu danbeeyay ku jirta

 

21 Jan 21, 2007, 02:22

 

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay dalka Soomaaliya ku imaanayaan labo todobaad gudahood, kadib markii uu Madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musaveni uu magacabay taliyihii hogaamin lahaa ciidamadas.

 

Musaveni ayaaa waxaa u magacaabay Taliyaha ciidamada imaanaya dalka Soomaaliya Major General Levi Karuhanga, wuxuuna Madaxweynaha Uganda uu sheegay in ciidamada dalkiisa in ay ku jiraan diyaar garow iyo qaban qaabadii ay ku imaan lahaayeen dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale captain Paddy Ankunda oo ah afhayeenka ciidamada imaanya dalka Somaliya ayaa sheegay in uu gabo gabo marayo diyaar garowga ciidamada Uganda ee loo soo dirayo Somaliya, iyadoo haatan ay socoto qalabeynta iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa ciidamadaasi.

 

Ma jirto dal kale oo si rasmi ah ciidamo ugu yaboohay dalka Somaliya, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Mozambique iyo K/Afrika ay go'aan cad aysan ka qaadin ciidamo ay u soo diraan dalka Somaliya.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ururka Midowga Africa Oo Go'aansaday In Ilaa Sagaal Guuto Oo Ciidamo Nabad-Ilaalineed Si Deg Deg ah Loogu Daadgureeyo wadanka Soomaaliya.

 

Posted to the Web Jan 20, 01:42

 

 

ADDIS ABABA Golaha Amaanka iyo Nabad-gelyada ee Ururka Midowga Africa, ayaa isku raacay in ilaa (9 Batallions) oo ciidamo Nabad-ilaalineed ah loo diro Wadanka ay mushkiladaha colaadeed la degeen ee Soomaaliya.

 

 

Ka dib kullan ka dhacay xarunta AU-da ee Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa laga soo saaray go’aamo kumanaan ciidamo nabadda ilaaliya oo African-ah loogu soo daadguraynayo si deg deg ah gudaha wadanka Soomaaliya.

 

 

Golaha amaanka iyo nabad gelyada Midowga Afrika ayaa waxa ay qalinka ku wada duugeen qorshe Sagaal Guuto oo xasilinta dalka loogu talagalay loogu soo dirayo Soomaaliya.

 

 

Qorshuhu waxa uu yahay in ciidamada African-ka ah ay dalka joogi doonaan lix bilood ka dibna ay howsha la wareegi doonaan ciidamo ka socda Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa.

 

 

Raaca hore waxaa wadanka soo galaya Saddex Guuto oo ciidamo ah waxaa ku xigi doona lix guuto oo kale sida la isku afgartay.

 

 

Ururka Midowga Yurub ayaa balan qaaday ilaa 15 Million Euro- ah oo lagu furdaaminayo hawlgalka ciidamada Nabada ilaalinta.

 

 

Ilaa iyo haatan Dowladda Uganda, ayaa diyaar la ah in ilaa 1500-oo Askari ay usoo dirto Soomaaliya, halka wadamo badan oo kalana ay sheegeen in ay ciidamo ku taageerayaan Soomaaliya, inkastoo aysan cadeyn cadada ay usoo dirayaan.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

 

 

Indhojaceel2003@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this