Cowke Posted July 27, 2010 Hay’ada PMRC Oo Tababar U Soo Xirtey Ardey Dhameysatay Barashada Soo Saarista Filimada & Barnaamijyada (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Hay’ada ka shaqeysa arimaha warbaahinta ee PMRC ayaa maanta tababar dhinaca saxaafada ah u soo xirtey ardey farabadan kuwaasi oo soo qaatey duruus ku aadan soo saarista Barnaamijyada iyo Filimada. Ilaa iyo 18 ardey ah oo ka howlgala Dugsiga Waxbarashada iyo horumarinta nabad ee (GECPD) ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado kuwaasi oo soo dhameystay waxbarashada ku saabsan soo saarista filimada iyo barnaamijyada, waxaana munaasabad weyn oo ardeydaasi ay shahaadada ku gudoomayeen lagu qabtey isla gudaha xarunta (GECPD). Gudoomiye xigeenka gobolka Mudug Mudane Bashiir Maxamed Mire, Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Mas’uuliyiin ka socota ururada Bulshada Rayidka ah, Macalimiintii tababarka bixineysay ee ka socotay PMRC iyo marti sharaf kale oo badan ayaa ka soo qeyb galay halka ay munaasabada shahaado bixinta ah ay ka dhaceysay ee xarunta (GECPD). Mahad Jaamac Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’ada PMRC isla markaana ka mid ah barayaashii bixinayey tababarka ayaa sheegay in dhalinyarada saxaafada Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Mudug oo midoobay ay furteen xaruntani PMRC isla markaana ay ku guuleysteen in ay soo saaraan jiilal badan oo ku soo biira warbaahinta Puntland isaga oo intaa raaciyey in laga kaaftoomay in tababarayaal saxaafadeed looga yeerto dalka dibadisaa. Sahro Yuusuf oo ah Kormeeraha xarunta waxbarashada iyo horumarinta nabada ee (GECPD) ayaa mahad celin u jeedisay maamulka gobolka iyo kan degmada ee ka soo qeyb galay munaasabada, waxayna intaa ku dartey in barnaamijkani tababarka ah uu ahaa mid loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan tiro ardey ah oo ka mid ah shaqaalaha xarunta, waxayna sheegtay in barnaamijka tababarka uu ahaa mid ay iska kaashadeen Hay’ada PMRC iyo xarunta GECPD. Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo soo xiray xaflada ayaa mahad celin u jeediyey dhamaan dhinacyada iska kaashadey tababarkani isaga oo sheegy in ay tahay wax ku dayasho mudan, isla markaana waxaa uu shahaadooyinkii gudoonsiiyey qaar ka mid ah ardeydii dhameysatay waxbarashada soo saarista filimada iyo barnaamijyada. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites