Sign in to follow this  
General Duke

Somali PM on first visit to EU: Paris, Brussels Rome + EU envoy in PUNTLAND

Recommended Posts

DFKMG ah oo dadaal ugu jirta sidii xayiraada looga qaadi lahaa xoolaha Soomaaliya.

 

Nairobi-18.May.2005 Ra’isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa in dhawaan uu u socdaalo wadamo ka tirsan Qaarada Yurub.

 

Afhayeenka Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) ayaa Idaacada SBC u xaqiijiyey in Ra’isalwasaare Geedi uu safarkiisa ugu horeeye ku tagi doono Wadanka Faransiiska caasimadiisa Paris.

 

Ujeedada safarkaas ayuu C/raxmaan Diinaari wuxuu ku sheegay in Ra’isalwasaruhu uu magaalada Paris kaga qayb gali doono Shir balaaran oo looga hadlayo sidii xoolaha Soomaaliya xayiraada looga qaadi lahaa, bacdamaa xoolaha Soomaalida intii ay xirnaayeen ay keeneen dhaqaalo xumo baahsan iyadoo, ganacisga xooluhu ay kaalin weyn ka qaataan dhaqaalaha.

 

C/raxmaan Nuur Maxamed(Diinaar) wuxuu intaasi ku darey in safarkaas ay ku wehlin doonaan Cali Maxamed Geedi masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

Ra’isalwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa markii uu ka qayb galo shirkaasi ka dhacaya Magaalada Paris in uu soo Maro wadanak Belgium gaar ahaan caasimada Brussels oo ah xarunta Midowga Yurub, isagoo waydiisan doona kaalmo dhaqaale oo ay u fidiyaan Xukuumadiisa.

 

Maxamuud C/raxmaan Rood

SBC Boosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Prof.Geedi oo lagu wado inuu gaaro Talyaaniga iyo codsiga Taageerada Midowga Yurub

 

London :- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu noqdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana jira warar sheegaya inuu safar ugu sii bixi doono magaalada Roma ee Talyaaniga.

 

Safarka Geedi ee dalka Talyaaniga ayaa ah mid salka ku haya codsiyo ay dowlada Federaalka ee Soomaaliya rabto in dowladaasi Talyaaniga ay uga qeyb qaadato qorshaha lagu rarayo dowlada Soomaaliyeed.

 

Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ahayd dowlada Midowga Yurub ee horey u sheegay in ay taageeri doonaan qorshaha dowlada Soomaaliyeed ay ugu guureyso dalka Soomaaliya.

 

Prof.Geedi oo hada sheegay inuu guulo siyaasadeed kasoo gaaray dhanka magaalada Addis Ababa oo uu ugu maqnaa todobaadkaan sidii loo ansixin lahaa ciidamada Afrikaanka ah ee la geenayo dalka Soomaaliya.

 

Geedi ayaa hada lagu wadaa inuu xooga saaro sidii lagu soo xareyn lahaa qorshaha maaliyadeed ama dhaqaale ee ku baxaya guuritaanka xukuumadiisa iyo waliba dhaqaalaha ku baxaya ciidamada IGADSOM ee la sheegay in Soomaaliya la geenayo.

 

Inkastoo uusan weli Ra'iisul Wasaaraha si rasmi ah ugu dhawaaqin safarkiisa dalka Talyaaniga, hasae-ahaatee horey uga mid ahayd safarada uu qorsheenayey.

 

Dowlada Talyaaniga ayaa ayadu ah mid arrimaha Soomaaliya ku xeel dheeraysa marka loo eego dalalka kale ee Midowga Yurub.

 

Maamulka Roma oo ah mid horey lugta ugala jiray siyaasadaha Soomaaliya ayaa si weyn uga soo qeyb qaatay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxayna siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ku tilmaamaan in ay dowladaasi Talyaaniga kamid tahay dowladaha ay Soomaaliya xaaladeeda ka degi la'a dahay.

 

Prof.Geedi ayaa asagu ku guuleystay inuu Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ka helo taageero buuxda oo ku aadan Ciidamada la geenayo dalka Soomaaliya asagoo hada culeyskiisa siyaasadeed saaraya sidii taageero midaas lamid ah oo dhanka dhaqaalaha ah uu uga heli lahaa Midowga Yurub.

 

Prof.Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo kicitimi doona Addis Ababa ayaa lagu wadaa in ay galabta gaaraan Nairobi Kenya.

 

Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayey kamid yihiin Wasiirka Hantida Qaranka iyo qalabeynta Md.Maxamuud Sayid Aadan, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md.Maxuud Xasan Cali (Cade ) iyo waliba hogaamiye Kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheer) ee ka taliya magaalada Jawhar oo kamid ah goobaha ay dowlada u hanqal taageyso in ay ka sameysato xarumo kumeel gaar ah.

 

Cumar Siciid

HorseedNet.com

London, UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii Guddiga Yurub ee beryahan ku sugnaa Boosaaso oo booqday xarunta hay’adda PSAWEN

 

Boosaaso - 18.May.2005 Wafdiga sare ee EC-da ee beryahan ku sugnaa magaaladan Boosaaso ayaa waxay maanta booqdeen xarunta hay’adda tamarta iyo biyaha ee PSAWEN.

 

Wafdigan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiye kuxigeenka hay’adda PSAWEN, Axmed Maxamed Looyaan, mas’uuliyiinta Gumco, Eng. Maxamed Cabdi iyo Salaad Maareeyaha ENEE, Cali Warsame.

 

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu xubnaha wafdigan oo ka kooban saddex sarkaal oo katirsan gudiga reer Yurub soo dhex mariyey qaybaha kala duwan ee hay’addaas isla markaasna warbixin ku siiyey xafiiskiisa.

 

Wafdigan ayaa waxaa kormeerkooda ku weheliyey, dhinaca dawladda goboleedka Puntland, agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka, Eng. Khaliif Nuur Cali.

 

Wafdigan ayaa waxay maalintii shalay booqdeen degmada Waaciye ee gobolka Karkaar, waxanay marti qaad casho sharaf ah caawa ku leyihiin Madaxtooyada magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ku qaabili doono Madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde).

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The AD Chairperson Remarks on the opening of the AD Retreat on 18th May 2005 in Bosaso

 

The EC delegation, Mr Hans, Paul and Alberto,

 

Mr Eric Naivasha of K-Rep Advisory Services,

 

Members of the Board, colleagues, ladies and gentlemen,

It is a great honour and pleasure for me to welcome you to this important Retreat of the Amaahda Danyarta in Bosaso. I would like to take this opportunity to thank our participants from Nairobi for braving the unfriendly Bosaso weather to join us for this crucial Retreat at a transitional and transformation period for the Amaahda Danyarta in its short history of nearly 7 years. We are sorry that the Amaah Kalkaal Board representative could not join us here today as was planned and I hope we will be able to join their Retreat in Hargeisa later.

 

I would like to particularly thank the EC for this project, which has been both timely and highly beneficial as well as for its continued and patient support with the MFI Programme during the ups and downs of the past 7 years of learning process of a programme that was unusual to us as it was important. I also would like to thank K-Rep for their touring and guidance in our month to month activities. We had both pleasant memories of working together and quarrelsome periods in the process of trying to build and a strong and progressive AD. This sweet and sour relationship has today brought us together in this critical Retreat to discuss the transition of AD from an outfit practically run by K-Rep under specific EC contract to self-sustaining Somali MFI within a few months.

 

In my view, this Retreat should have taken place at the beginning of the Phase-III of the Programme, when, perhaps, the documents we are discussing today should have been discussed, so that effective transition should have taken place in the last two years rather than short 5 months period. But we are here now and we should move forward.

 

AD MFI programme, which has effectively and beneficially contributed to the improvement of thousands households in Puntland, is at a delicate phase of its development. The EC support programme is to end in a few months and that of K-Rep as a consequence. As all of us here will recall, the Board has been constantly raising the time constraints for the transition and frequent appeals for review of the situation.

 

As the Business Plan will show, there is going to be a serious gap between the envisaged EC handover to the Somalis in October 2005 and when AD can be self-sustaining. I would like us look closely this issue in this Retreat and come up with creative ideas on how to bridge this gap. I also wish to renew my appeal to the EC not to just drop the baby they helped to be born and nursed it for 7 years but find ways to assist it until it walks firmly both in terms of directly support and assistance in mobilizing other strategic partners. We also invite K-Rep to remain with us as both a strategic partner and more active technical collaborator.

 

Finally, I would like to remind my colleagues of the Board the new responsibilities we are to shoulder and the dedication and sacrifice required. For a long time, we have been complaining that the AD Board was merely an advisory group for an EC-K-Rep pre-determined arrangement. With the completion of these documents in front of us and the handover of AD in October, the fledgling baby will be totally ours and we will not have anymore scapegoats. So, let make an undertaking here and now to rededicate ourselves to the AD task ahead.

Once again, I would like to thank the EC delegation, Eric Naivasha and members of the Board, who were given a very short notice of the Retreat but still came in full, for joining us.

 

 

 

Asha Gelle,

 

AD Chairperson.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this