Sign in to follow this  
General Duke

Minister of Interior talking to Ethiopian officers wont work.....

Recommended Posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay inaysan dowladu waxba kala socon wadahadalada la sheegayo

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 03/04/07

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) ayaa sheegay in aanay jirin wax ay kala socoto dowladda Soomaaliya waanwaan la sheegay inay u socoto Beelaha ****** iyo Saraakiisha Ethiopia ee hoggaaminaya ciidammada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya.

 

Mudane Gacmo-dheere wuxuu sheegay inaysan ogeyn odayaal ****** ah oo doonaya inay wadahadallo la yeeshaan Saraakiisha Ethiopia isagoo sheegay inay xaq u leeyihiin inay kala hadlaan xaaladda Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya odayaashaas dowladda Soomaaliya.

 

Waa jirtaa inaan maqlaynay hadallo la isla dhex marayo oo sheegaya in odayaala ka tirsan Beelaha ****** ay doonayaan inay kulammo la qaataan maanta saraakiisha Ethiopia ee ciidammada hoggaaminaya, waxaanse u sheegaynaa inaysan taasi u noqonayn mid wax-tar leh” ayuu yiri Gacmo-dheere oo intaas ku daray: “Odayaasha ha ka war sugeen kulanka ay la yeelanayaan Ethiopian-ka wixii ay kala soo kulmaan, maadaama ay diideen inay la hadlaan dowladda”.

 

Gacmo-dheere wuxuu ku tilmaamay kulankaan la sheegay inuu maanta dhex marayo Odayaal ka tirsan ****** iyo saraakiisha hoggaaminaya ciidammada Ethiopia inuusan najaxayn oo ay u baahanayaan odayashaas inay la hadlaan dowladda Soomaaliya.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this