Sign in to follow this  
General Duke

Bossaso: President Farool comments on Piracy..

Recommended Posts

Madaxweyne Faroole: 100% awood uma lihin inaan la dagaalano burcadbadeeda

 

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa sheegay in falalka burcadbadeeda xeebaha Soomaaliya ka dhacaya ay yihiin kuwo halis ah oo caqabad ku ah socodka gaadiid badeedka caalamka.

 

Madaxweyne Faroole oo maanta salaadii jimcaha ka dib khudbad ka jeediyay Masjidka al-Dacwa ee magaaladan Boosaaso ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan hawlaha ay wado dowladiisa.

 

Mar uu ka hadlay arrimaha burcadbadeeda ayuu wuxuu sheegay in maamulkiisu uusan awood u lahayn 100% in ay la dagaalamaan burcada caadeysatay afduubyada maraakiibta.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maraakiibta dagaal ee uu caalamku soo diray ay badda kala baxaan kalluunka islamarkaana ay wax ka qaban waayeen burcadbadeeda.

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu u tacsiyeeyay dalalka gacanta siiya Soomaaliya ee maraakiibtoodu ay afduub kala kulmeen xeebaha Soomaaliya.

 

Isagoona sheegay in shacabka Puntland loo baahan yahay inay takooraan burcadbadeeda isla markaana booliska kala shaqeeyaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa.

 

Waxa uu sheegay in burcada lagula dagaalami karo haddii la helo iskaashi ay sameeyaan caalamka iyo maamulada dalka ka jira.

 

Waa in la helaa ayuu yiri qalab iyo ciidan tayeysan oo lagala hortegi karo burcadbadeeda.

 

Khudbada madaxweynaha oo ka dhacday Masjidka al-Dacwa ee magaaladan Boosaaso ayaa waxaa dhegaysanayay dadweynihii ku tukanayay masjidka al-Dacwa salaadii jimcaha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this