Sign in to follow this  
General Duke

British MP concerned about Somaliland no recognition any time soon/

Recommended Posts

Xildhibaan ka hadley xaalada murugsan ee Somaliland

7 Sep 7, 2009 - 6:21:06 AM

 

Mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Britain oo ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland ayaa sheegay in qalalaasha doorasho ee hareeyay maamulka goonida isku taagay ay ku dhamaan karaan muddo 2-3-bilood ah.

 

Xildhibaan Alun Micheal ayaa saxaafada caalamka u sheegay inuu walaac xoogan ka qabo xaalada Somaliland, isagoo xusay in kooxaha isku haya siyaasada laga doonayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhameeyaan khilaafkooda.

 

"Khilaafyada siyaasadeed ee Somaliland waxay horseedi karaan in maamulkaas uu fashilmo ayna dilaacaan dagaalo sokeeye, isla markaana khliaafkan wuxuu dhaawac u geysan karaa aragtida caalamka ee ku wajahan maamulkaas" ayuu yiri Micheal.

 

Mar la weydiiyay xiliga ay ula muuqato inay qabsoomi karaan doorashooyinka dhaliyay khilaafka jira ee uu ka walwalsan yahay ayuu sheegay inay qabsoomi karaan marka la dhameeyo xiisadaha u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada.

 

"Doorasho waxay qabsoomi kartaa markii hal aragti la qabo, ma qabo in sida xaalku haatan yahay ay doorasho ku qabsoomi karto, waxaana ii muuqda fashil deg-deg ah" ayuu xildhibaanku si adag u yiri.

 

Xildhibaanka oo hormuud u ahaa koox booqatay Somaliland si ay u dajiyaan xiisada ayaa sheegay inay faro marnaan ka tageen, ayna la kulmeen dhinacyada iska soo horjeeda, isagoo xusay in dhinac walba uu ku dhagan yahay wixii uu dan u arko.

 

"Waxaan qabaa in dib u sixid lagu sameeyo dadka isku diiwangeliyay inay codadkoda bixiyaan xiliga doorashada, taas ayaana ah tan keliya ee looga bixi karo qalalaasaha u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada" ayuu yiri mudanahan.

 

Aqoonsiga Somaliland ayuu ku sheegay inuusan dhaweyn, isagoo xusay in marka hore loo baahan yahay inay aqoonsadan IGAD iyo AU, tasoo saldhig u ah aqoonsiga caalamka, UK iyo USA midna ma aqoonsan karo Somaliland.

 

Gudiga doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay shalay in doorashooyinku aysan qabsoomi karin [sep 27, 2009] xiligaasoo ah marka loo qabtay inay doorasho dhacday, iyagoo saldhig uga dhigay, khilaafka siyaasadeed ee taagan.

 

GAROWEONLINE

 

 

 

More Articles

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alun Micheal: Waan Ka Walaacsnahay Siyaasadda Somaliland

 

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Britain ayaa ku booriyay Axsaabta siyasadeed ee Somaliland in ay wadahadal ku xalliyaan muranka u dhexeeya, Alun Michael ayaa waraysi uu VOAda siiyay ku sheegay in uu ka walaacsanyahay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland.

 

Mudanahan oo guddoomiye u ah koox Xildhibaanno ah oo Baarlamnka Britain uga dhex ololeeya Somaliland, ayaa tilmaamay in dib u dhaca soo noqnoqday ee doorashadu uu sii murjiyay xaaladda, waxaana uu tilmaamay in muranka ka dhashay Natiijadii Diiwaangalinta ay khalkhal galiyay kalsoonidii axsaabta iyo u dhaxaysay Guddiga Doorashooyinka.

 

Alun Michael ayaa sheegay in natiijada saxdda ah ee Diiwaangalintu ay qaadanayso ku dhwaad saddex bilood si loo saxo. Waxaana uu sheegay in uu Madaxweynaha iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradkaba la hadlay una sheegay in arrintan looga bixi karo oo kaliya wadahadal iyo isku tanaasul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this