Sign in to follow this  
Cowke

Garowe Hotels New Security Measure

Recommended Posts

Cowke   

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo Milkilayaasha Hotelada u Sheegay In Dadka Seexda Hotelada Qoraalo Laga Qoro

 

(Garowe) RBC: Gudoomiyaha Gobalka Nugaal cabdi xirse ayaa ugu baaqay Milkilayaasha Hotelada Magalada Garowe in ay ka soo qayb galaan kulan Maamulka Gobalka uu la qaadan doono dhamaan Milkilayaasha Hotelada si looga arinsado arima amniga la xariira .

 

Waxaa uu sheegay in Kulan kaa lugu qaban doono Xarunta Gobalka Nugaal hasayeeshee waxa uu sheegay in looga arin san doono arima amniga la xariira si looga hortago falal amniga lid ku ah .

 

” Ma dhacayso in aan u dul qaadano cid amni darao gobal ka gasanaysa waana la dagaalamaynaa mana dhici doonto in aan faraha ka laabano cidkasta oo hotel lehna waxaan u sheegaynaa in dadka Hoteelada degaya ay ka qoraan halka ay ka yimaaden” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Gobalka Nugaal .

 

Gudoomiyha Gobalka Nugaal ayaa intaa ku daray in looga baahan yahay dhmaan Milkilayaasha in dadka hoteeladaddooda degaya ay ka qoraan qoroolo cadaynaya waxa ay yihiin waxuuna sheegay in hadii taa dhiciwayso Maamulka tilaaba arintaa kaga aadan uu qaadi doono.

 

Cabdi Xirse ayaa dhinac kale sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo amniga Casimada Puntland waxuuna tilmaamay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo amniga oo aan cid sii gooniya loogu halayn cidkastana uu xil ka saaran yahay.

 

Gudoomiyaha ayaa dhamaan Shacabka Gobalka Nugaal ugu yeeray in amniga gacan wayn ka gaystaan oo aysan ku halayn Ciidanka booliiska oo kaliya waxuuna ugu baaqay in amniga laga wada shaqeeyo .

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this