Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Peace agreement signed between clans of HOBYO

Recommended Posts

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Geedi oo maanta Magaalada Gaalkacyo kula kulmay dhinacyadii ku dagaalamay Gobollada Mudug iyo Galgaduud

 

Talaado, March 01, 2005 (HOL) @20:00GMT: Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisul Wasaare Geedi iyo xubno ka mid ah wafdigii la socday ay maanta kulan kula yeesheen Hotelka Taar City ee magaaladaas dhinacyadii dhowaan ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

 

Madaxweynaha ayaa dhinacyadii uu la kulmay waxaa uu u sheegay in ay ka gudbaan is-dilka dhexdooda ah isla markaana haatan wixii ka dambeeya ay meel uga soo wada jeestaan sidii aanu u dhici lahayn dagaal kale oo lagu hoobto, iyadoo uu ka rajeeyay in dagaalkii uu horay u dhexmaray uu noqon doono midkii ugu dambeeyay.

 

Xubnihii kulankaas ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa Iimaan Xasan Jirow oo ka socday dhinaca Beesha Mudug degta iyo xubno kale oo uu ka dhex muuqday Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Md. Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere, kaasi oo isna ka soo jeeda beesha kale, isla markaana ka socday wafdiga Madaxweynaha.

 

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in mas'uuliyiinta labada beelood ee ku jira dowladda Federaalka ay ka gaabiyeen in ay mar hore arrinta ku soo baxaan, iyadoo uu caddeeyay in markii wafdigiisa ay Nairobi ka soo baxayeen ay xubnahaasi qaarkood diideen in ay ka mid noqdaan wafdiga uu hoggaaminayo ee booqanaya gobollo ka mid ah Dalka Soomaaliya, sidaasoo ay tahayna Madaxweynaha waxaa uu ku booriyay dhinacyadii uu kulanka la yeeshay in ay u howlgalaan in aysan xabad dambe isku ridin labada beelood.

 

Dhanka kalena, Wafdiga Madaxweynaha ayaa maanta laga sugayay in ay gaaraan magaalada Baydhabo oo ah halka uu ku egyahay socdaalka wafdiga ay hoggaaminayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana maanta garoonka Magaalada Baydhabo dhoobnaa oo waqti badanna joogay dadweyne aad ugu heelanaa in ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha, iyadoo mas'uuliyiinta kala duwan ee RRA-da kuwooda ku jira dowladda iyo kuwa aan ku jirinba ay iyana diyaar u ahaayeen in ay wafdiga soo dhaweeyaan. Laakin mar dambe ayaa dadkaasi loo sheegay in wafdigii Madaxweynaha uu baaqday, maalinta berri ahna uu ku soo beegan yahay Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo waxay u noqon doontaa magaaladii ugu dambeysay oo uu booqdo, iyadoo kadibna uu ku laaban doono magaalada Nairobi oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si KMG ah u degan tahay. Dadka Baydhabo ayaa la filayaa in Madaxweynaha uu u jeediyo qudbad xasaasi ah oo dabcan mar kale caro gelin karta Hoggaamiyayaasha Muqdisho, waayo waxaa la filan karaa in madaxweynaha uu dadka Baydhabo ugu qudbeeyo in ay Caasimadda si KMG ah loogu soo rari doono Magaaladooda.

 

Si kastaba Arrintu ha ahaatee, codsiyo badan oo uu horay u jeediyay Madaxweynaha oo ku saabsanaa in Ciidamo Shisheeye dalka la keenayo iyo qodob kale oo ku saabsan in si KMG ah loo wareejiyo Caasimadda Muqdisho ayaa dhaqangelintooda waxay u taallaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ka yeelan doona labadaas Arrimood ee Xasaasiga ah, iyadoo Wararka Magaalada Nairobi naga soo gaaraya ay sheegayaan in kulan uu Baarlamaanka isugu imaan lahaa maalinta berri ah dib loo dhigay ilaa amar dambe.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this