Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Parliamentarian C/rizaaq Garad Jamac Says Its Not Crime To Support SSC

Recommended Posts

Cowke   

Xildhibaan C/risaaq Garaad Jaamac: Taageerida SSC Dembi Ma aha Cidna Xil Loogama Qaadi Karo (Dhageyso Wareysi)

 

Garowe (RBC) Xildhibaan C/risaaq Garaad Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha barlamanka Puntland isla markaana ka soo jeeda gobolada SSC ayaa sharci darro ku tilmaamay xilka qaadistii maanta barlamanka Puntland ku sameeyey saddex mudane oo ka tirsan barlamanka.

 

Mudanayaasha maanta kalsoonida laga xayuubiyey ayaa waxaa lagu soo eedeyey inay taageerayeen ururka SSC ee ka hawlgala degaanada Sool iyo Ceyn, waxaana eedeynta mudanayaashaasi soo diyaariyey xeer ilaaliyaha guud ee Puntland.

 

Haddaba wareysi RBC la yeelatay xildhibaan C/risaaq Garaad Jaamac oo ka mid ah mudanayaashii maanta goobjooga ahaa ayaa sheegay in taageerida SSC ayan wax dembi ah ahayn isla markaana aan qof xilka looga qaadi Karin.

 

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyey in arintan ay ku lug lahaayeen rag ka soo jeeda isla beelaha gobolka Sool kuwaasi oo uu sheegay inay rajo ka qabaan inay galaan boosaskii ay ka bexeen saddexda mudane ee maanta xilka laga qaaday.

 

Wuxuuna intaa ku daray in arinta ay tahay mid salka ku heysa khilaaf beeleed hoose oo aysan ahayn arin caddaalad ah, wuxuuna diiday gebi ahaan go’aanka barlamanka uu maanta shaaciyey ee ahaa in saddexda mudane aysan wax xil ah hadda heyn.

 

Saddexda mudane ee la soo eedeyey isla markaana xilka xasaanadeed laga xayuubiyey ayaa kala ah:-

 

1- Ibraahim Maxamed Guure

2- Abshir Cabdi Sheekh

3- Cumar Jaamac Saleebaan

 

Saddexdan mudane ayaa ka soo jeeda degaanada Sool iyo Ceyn oo ah halka uu ka hawlgalo ururka SSC, kaasi oo madaxweynaha Puntland uu ku tilmaamay inay tahay sharci darro aana laga ogoleyn gudaha Puntland.

 

Kulanka barlamanka ee xilka looga qaaday saddexda mudane ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne C/raxmaan Faroole, waxaana cod loogu qaaday kalsooni ka qaadista mudanayaashan taasoo ‘HAA’ ku codeeyeen 26 mudane iyadoo ay diideen 22 mudane, waxaana ka aamusay 4 mudane.

 

RBC Radio

 

Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

YES, It is not crime to Support SSC people, their struggle, their movement, their leadership, their freedom fighters, their aspirations and goals

 

Good move, SSC Politicians are leaving Puntland in Droves, and joining SSC movement, already numerous Puntland Ministries like Minister of planning & international cooperation Dr.Farah Aden Dhalac & Minister of Trade/Industry Eng. Abdulahi Ali Timacade, Members of Puntland Parliament, and other Puntland officials joined the SSC Freedom Movement.

 

The people of Sool, Sanaag & Cayn and their leadership welcome the 3 respected MPs from SSC, they are brave, courageous, honest, independent thinkers, and true leaders who put their SSC peoples interest before their own ...

 

1- Ibraahim Maxamed Guure

2- Abshir Cabdi Sheekh

3- Cumar Jaamac Saleebaan

 

The 3 MPs are really heavy weights, particularly Ibrahim Guure since he was member of Puntland Parliament from day one since 1998

 

Great news Masha Allah, the SSC Freedom Fighters and Movement is getting huge support and momentum, few weeks ago Ali Mareykan Advisor to the Puntland President, left PL and joined SSC movement

 

 

It is Time for SSC people to STAND UP AGAINST Warlord Faroole and his Pirate faction

 

 

________________________________________

 

 

cumarjama.jpg

 

Xildhibaanadii Reer SSC Ee Golaha Wakiilada Puntland Laga Saaray Oo Naftoodu Khatar Ku Jirto-

 

Arrintan ayaa timi kadib markii Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole uu ku hanjabay in marka xilka laga qaado uu xidhayo xildhibaanadaas, kuwaasoo si wayn uga horjeeday siyaasada Faroole ee deegaamada SSC.

 

Ilaalada Faroole ayaa lagusoo waramayaa inay ilaa maanta magaalada ka baadhayeen sadexdan xildhibaan. Sadexdan xildhibaan ayaan ilaa hada la ogayn halka ay ku suganyihiin, iyagoo iskaga baxay magaalada Garoowe.

 

 

3 xildhibaan oo kala ah:

 

1. Cumar Jaamac Saleebaan.

Xildhibaan Cumar Jaamac Saleebaan wuxuu kamid ahaa xildhibaanadii dhawaan ku biiray golaha wakiilada Puntland,isagoo horey badhasaab uga noqday gobolka Sool.

 

Cumar wuxuu mudadaas sanad iyo badhka ah kamid noqday xildhibaanada ugu cad golaha Puntland, isagoo si wayn uga soo horjeestay siyaasada Faroole ee deegaamada SSC.

 

Faroole wuxuu dhawr jeer golayaal uga hanjabay Xildhibaan Cumar Jaamac Saleebaan,balse dhag jalaq uma siin jirin wuxuu halkiisii kasii watay hawlihii danaha umada SSC.

 

Cumar wuxuu ahaa shaqsiyaadka fara ku tiriskaa ee aan ka dhamaan jirin Buura wadal waqtigii uu socday shirkii isimada ee Buurawadal,

 

Cumar Jaamac Saleebaan wuxuu kamid xildhibaanada ugu da'da yar golaha wakiilada Puntland.

 

 

2. Ibraahin Cabdi Guure

 

Xildhibaan Ibraahin Cabdi Guure waa ruug cadaa in mudadii Puntland jirtay kamid ahaa golaha wakiilada maamulkaas isagoo inta u qaybsanaa baarlamanka dhanka arrimaha Bulshada,

 

Xildhibaan Ibraahin waa nin hadal adag inta badan aan la gaban xaqiiqada wuxuuna ahaa xildhibaankii ugu hadalka cadaa xildhibaada SSC golayaashii kala duwanaa ee wakiilada.

 

Ibraahin waa xildhibaanada SSC ee Faroole ku eedeeyay inay taageerayaan hawlgalada Deegaamada SSC kasocda,isagoo mudooyinkii ugu danbeeyay ku taamayay inuu ku dadaalayo sidii xilka looga qaadi lahaa.

 

3. Abshir Cabdi Shiikh.

Xildhibaan Abshir Cabdi Shiikh mudo aan bilo ah ayuu kamid yahay golaha wakiilada Maamulkaas balse waa xubnaha reer SSC ee aan shaqo taga ahayn isagoo markiiba ku biiray guruubka reer SSC ee danta umada SSC u ololaysa,taasoo keentay inay ku dhacdo isha Faroole.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

ssc%20faroole.jpg

 

jaajuus.jpg

 

Kaligii-taliska Faroole oo Cayrinaya Xildhibaannada SSC

 

Faroole ayaa maantay dacwad dhan ka ah sedddex xildhibaan u gudbiyey golaha wakiillada Puntland. Seddexdaas xildhibaan ayaa lagu eedeeyey in ay jawaasiis u yihiin dad kii ay matalayeen xilkooda.

 

Waxaa la yaabay xildhibaano beesha ay matalayaan laga ilaalinayo oo la leeyahay jawaasiis ayaad u tihiin Beeshiina. Golaha wakiillada ayaa ka xayuubiyey xilkii ay ka hayeen baarlamaanka Puntland ee Faroole iyo saaxiibadiis ina Cali Shire iyo Ilkajiir iibsadeen.

 

Waxaa shacabka Puntland eedda dusha uga tuurayaan xildhibaanada baarlamaanka oo khiyaamay beelaha ay matalayaan; kana turjumin damiirka shacabka Puntland. Waxaa qabsatay oraahdii ahayd: labadii xaq-darro ku heshiisaa; Xaqeey ku diriraan.

 

Seddexdaan xildhibaan ee xilka laga xayuubiyey kaddib markii ay lacagtii laaluushka ahayd ee ay qaateen sidii loo siiyeyna ay u isticmaaliwaayeen; beelihii ay matalayeenna ka gadiwaayeen siyaasadda Faroole, daacad na u noqon waayeen maalulkiisa ayaa golaha baarlamaanku ku eedeeyey in ay jawaasiis u yihiin beelaha ay kuraastooda ku fadhiyaan. Seddexdaas xildhibaan ayaa waxaa la kala yiraahdaa:

 

Ibraahim Maxamed Guure

Abshir C/Casiis Sheekh

C. Jaamac Sulaymaan

 

 

Seddexdaas xildhibaan waxay ka soo jeedaan qabiilka la baxay SSC oo soo-gaabinta geyigaan: Sool, Sanaag, iyo Cayn. Warkaas waxaa lagu daabacay boggagga ineternetka oo badan. Waxaa sidoo kale wax ka yiri idacaadda Shabeelle Halkaan Halkan Riix

 

 

Faroole waxaa talladaan siiyey sidaan sheegnay madaxda ka soo jeedda laba beelood ee kala dega Gaalkacyo iyo Qardho. Taladu waxay ahayd in la cayriyo dhammaan madaxda SSC oo uu ku badalo kuwo shacabka SSC soo doorteen. Waxaa la rabay inuu seefta ku bilaabo saaxiibbadiis, madaxweyne-ku-xigeenka Puntland, C/Samad Cali Shire iyo wasiirka arrimaha dibadda, Ilkajiir. Waxaa siyaasiyiin badan saadaalinayaan inuusan qaadan taladii lasiiyey sidii loogu sheegay oo uu wax ka badalay maaddaama uusan ka bilaabin raggii farta loogu fiiqay.

 

Faroole ayaa dagaal ku bilaabay siyaasiyiinta Puntland wuxuuna u diiday in ay joogaan gudaha goballada Puntland sida Sheekh Aadam Gaadaale, C/laahi Yuusuf, Nuuradiin Diiriye, Farjac iyo rag kale. Wuxuu dagaal ku qaaday Wasiirkii hore ee maaliyadda Gaagaab, oo hoos xargo ka xir xiraya, una eg mid raba inuu goosto gobalka Mudug. Mar Faroole isku dayey inuu wiiqo awoodda Cismaan Diyaano oo ka mid ah Ashahaad- la-dirirka waa u suurtoobi weyday; waxayna keentay in beesha Qardho ay tiraahdo: nin walba wuxuu qabo Qardhuu gayn taas oo uu Faroole ka tanaasulay. Maaddaama marinkiisa Boosaaso uu Qardho yahay.

 

Beelaha daga Gaalkacyo ayuu sidoo kale saxaafadda ka weeraray una sheegayn in ay aayahooda ka tashadaan. Sidoo kale odayaal ka soo jeeda beelaha Mudug oo Waqooyiga America jooga ayuu si fool xun u qaabilay sida uu siyaasi reer Puntland ah usheegay Radiowidhwidh..

 

Maxaa ka dhashay Tallaabooyinka uu Qaaday Faroole inta uu Xukunka Hayey?

 

Waxaa ka dhashay in uu tagi waayey magaalada Gaalkacyo, waji gabax darteed wuxuuna kula kulmay duqa magaalada Gaalkacyo Axmed cali Salaad tuulada Xarfo, ama Buuryaqab loo yaqaanno. Wuxuuna u sheegay in beel kasta oo Mudug dagan uu ka rabo boqol wiil oo mary-calas ah wuxuuna u raaciyey C/laahi Carays ayaan u magacaabay amniga Puntland. Marka odayaasha u tag iguna salaan. Carays iyo ina Cali salaad ayaa odayaashii beesha Mudug ugu yeeray guriga gobalka waxaana loo sheegay beelkasta nabadoonkeeda in uu keeno boqol wiil oo dhagaha ku dhufta wiilasha beesha Dubbays ee Galgala jooga.

 

Shirkii Magaalada Gaalkacyo iyo Garnaclaydii Odayaasha Mudug

 

Sida Radiowidhwidh la soo gaarsiiyey oday aftahannimo lagu xanto baa Carays ku yiri: adeer wiilashii hadda ka hor aan kuu habaynay oo ahaa kunka wiil ee gaaska cabbi jirtay, jaygana ku luq luqan jirtay, siliggana ku findhicilan jirtay, sooma-jeestayaasha nafta-huurayaalka ahaa oo hadda ka hor Maxkamadihii Shariifka cagta marariyey waa Maxkamadahaad argagaxisada noogu sheegteen. Soow nimankaad lahaydeen waa ****** shaar diimeed soo gashaday een Bandiiradley kula dagaalnay soow hadda waxa wiilasheennu waardiyeeyaan ma aha ninkii Maxkamadaha watay?

 

Waxaan leeyahay ma nihin dad qaddiyad leh. Sheekh Jaamac oo 9 masaajid iyo 5 iskuul oo waaweyn dhisayna waan ka cayrinnay Gaalakcyo; wiilasheenninna Shariif bay Xamar ku waardiyeynayaan. Amni mahaysanno. Magaaladu dhaqan-xumo ayey la ciiraysaa. Marka garan mayno waxaan ku laynno beelaha Sool, Sanaag, iyo Cayn ka soo jeeda. Waana ka baxay ayuu ku hooriyey odaygii.

 

Oday kale oo lagu xanto in uu ka mid yahay Alitixaadkii ka dagaalamay 1993 gobollada Puntland ayaa qosal la dhacay kuna bilaabay: meeshii la rabay ayey maraysaa hadda, xaalku wuxuu u eg yahay in aad maskaxdiina isticmaalaysaan marka waan soo dhaweynayaa awalba mowqifkaygu waa cadaa diinta intaan la idin keenin aan shareecada dhaqan galino Shiikh Jaamac soo celino waayo anagu Ictisaam haddii aan nahay waan fashilanay waxa oday habal ka sheekaynayo oo saafiqnimo ah Magaalada waa ka jiraan dadkii la rabay in ay wax ka qabtaa waa culumada,

 

ma hubaysana Culudeenu waa waran layaal Bakoorado wata faataxada mara ma ahan sida shabaabka oo kale, marka Puntland iyo Faroolay ayey dayatay, ee ha is casilo ama ha casilo Golabada dhibaadatu ka jirto dadka ka soo jeeda ee culumo iyo madax midna maqlaynin waxaa ka fiican xildhinaabadeena Mudug iyo Karkaar oo sugaya in xilka uu ka dago Faroole hala keenomarka hala keeno ku waas oo kale , haddii aan kaftamo qolyaha Karkaar iyo Mudug waxaa lagu xantaa xoogaa in loo tuuro ahaha, qosal yar ka timid carays oo dhidid ka da’ayo ayaa guriga Gobalka ka baxay Garoowe ayuu ku laabtay, guuldaruu ku dhamaaday shirkii Gaalkacyo iyo fashilaad.

 

Carays oo Garoowe ku Laabtay Faroolana la Kulmay

 

Carays oo farabanaan ayaa ku laabtay Faroole warninyahow intaan anigu iska sasabayey koofiyad baclayaashii, Odayaasha ayuu ka wadaa, iyo intaan adiga kaa sasabayey ayaaba wakhti iga qaadatay diide in ay marya calas nasiiyaan marka laba arimood aan mid yeelno horta kaalintooda waa qaateen Reer Mudug allah ayaa nalahe oo Villa Soomaliya ayey joogaan, ee Nimankaan Qardhood oo Raisalwasarahooda aan u waardiyeyno, *****ar Abdirashid ayuu ka wadaa, aan ciidan weydiisano ee Madaxweyna ku xigeen kaaga igu dar Abdisamad Ali Shire,ama lacag keen aan ciidan qornee xataa ********* iyo Beelweynta jareer,

 

Faroolaa soo booday ilaa caloosha waxaa oga jira AL shabaabe war ma waalan tahay horta lacag maafush ma ahayno, mida labaad mar argagaxisaad rabtaa in aad noo qortid oo hubsiino maya maya adeer, waxaan idin dirayaa Qardho ilaa anigu matagi karee waagii Osman diyaano ayaan isku xumaanay oo aan Xilkana ka qaaday Samatar, xataa waxaan damcayn in aan meel Qardho ka sokaysa aan kula kulmo duqa Qardho waxaan ka baqay warbaahinta Qardho laga leeyahay sida Horseedmedia, in ay igu shidaan marka diyaar garow waa inoo sidaas Qardhaan idin dirayaa, Faroole waxaa cad in uu warbaahinta Mudug ka adkaaday oo Radio daljira AL baabada Iskugu dhuftay Garoowana ku xir xiray Wiilashii ka shaqaynayey.

 

Shirkii Magaalada Qardho Iyo Garnaclaydii

 

Carays iyo ina Cali shire maxishoodayaal ayaa Qardho soo gaaray dhowr baabuur ayaa la wataa buub buub Welcome to Qardho waxay ku jiraan gacan Reert Bari niman aan warkoodu cadayn sida Reer Muduga dagaal shaashiyeed kama dhamaado Reer Bari, shirkii baa furmay, ina Cali shire ayaa hadalka qaatay ilaa ayagaa dan leh waana Madaxweyne ku xigeenkii Puntland Waryaa rahee si baad moodaa in ay usoo fadhi xun tahay, bal horta warama sidee xaal yahay?

 

Odayaashii Qardho Boowe balo ma jirto haddii ay jirtana ma buurna, haye bal idinkaa boorka kicinayeen noo waramaya ma duulaan baad tihiin. Abdisamad Ali Shire ayaa qaatay hadalkii Nin rag ah wuxuu og yahay in aan Nabad gacanta lagu haynin doqonna ha u sheegin argagaxiso ayaa puntland la wareegtay ku waa soo raba gacmaha iyo lugaha in ay idin ka gooyaan marka waxaa la idin ka rabaa 100 wiil oo marya calas ah oo bad baadiya Puntland iyo Boqortooyada Qardho ahahaha waan ka baxay.

 

Odayaashii Qardho, Boowe horta ina ali shirow adigu ciidan ma keentay marya calas ah? saaxiibkaa Carays ciidan Mudug ma ka keenay intaas boowe nooga jawaaba? maya aniga SSC waa la haystaa argagaxiso ayaa haysata waaba middaan idin ka doonayo in aad ciidan aan ku xoreeyo na siisaan, Caraysna hadde waxaad og tihiin ciidamaduu geeyey Villa Soomaliya in ay Ina Cabdirashiid waardiyeeyaan, marka idinkay idin dayatay waan ka baxay ahaha.

 

Waxaa ku soo booday oday aan markii hore hadlin aftahannimo lagu xanto oo dib loo dhigay Back Up wuxuu yiri walaahi warkiina waan dhuuxay horta boowe walaysan u fadhixumayn markii shirka la furay laakiin hadda ayaan fadhi xun iyo fool xumo ii muuqataa, ciidan waan idin siin karnaa laakiin waa in Beeshu u bareertaa in ay dakano gasho oo Beesha Dubays weerarto ilaa ciidan kale gacan kuma haysaane anigu waxaan ku taliyey la iskuma kiin tagayo ciidamo qorta aan qabiil ahayn,

 

Mida labaad ina Cali shirow ma caruur baad noomalaysay markaad dhurwaaga kataga naleedahay Argagaxiso haddii dubays yahay birina Reer Boosaaso, Mudug iyo Qardho Ma saxaabadii ayey noqonayaan ahaha Walaahay waxaa gacanta la ogaynayaa lugaha laga gurayaa Nin kii tuug ah oo faasiga marka mindhaa idinkaa baqaya anagu Masaajidkaan hadda salaad duhur ka soo baxnay waligay koob sii jeedan ma soo jeedin marka yaan la isku bajin Kitaabka oo yaan dadka diinta lagu dirin oo hala iska daayo Magacyada aan ha dhow meel ay ku istaagaan lahayn. Guuldaroo ku dhamaaday shirki Qardho i iyo fashilaad.

 

Laabashii Carays Iyo Ina Cali Shire

 

Carays iyo ina Cali Shire Guul daray la galbadeen Ina Ali Shire wuxuu Carays ku yiri Alow Faroole far ku jabtaa hadde Beelihii iyo Odayaashii xoogaaga la siin jiray laad ayuu dabada ka galiyey markuu maamulka qabsaday albaabkii ay gurigiisa ka gali lahaayeen wiilashiisa ayaa istaagay Siyaasiyiinta Beelaha dajin lahaana wadanka mid uu ka cayrsho iyo mid hoos dab ka shida ayuu ka dhigay marka Itoobiyo in loo yeero Mooyaane xal kale ma lahan maasha yiri wadamada dariskaa waxaan u sheegaynaa in ay na soo gaaran ilaa Faroolow waad is og tahay!

 

Waxaa ka Qayb qaatay Siyaasiyiin Iyo Aqoonyahano Reer Puntland ah Iyo waliba goobjoogayaal shirarka Qardho iyo Gaalkacyo oo ku sugan Qurbaha iyo Gudaha wadanka wali waa socotaa falanqaynta iyo Siyaasad Xumada Faroole. La soo Xiriir widhwidh@gmail.com

 

C/laahi Shire Radiowidhwidh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this