Liibaan Posted September 23, 2009 Aqalka Guurtida Ee Maamulka Hargeysa Oo Ay Ka Socoto U Kordhiya Iyo U Kordhin Mayno Iyo Kooxaha Ka Soo Horjeeda Oo Iyaguna Ka Biyo Diidan Maalmahanba waxaa ka socday doodo aad u xaasaasi ahi aqalka guurtida ee maamulka la magac baxay Somaliland, waxaanay arrintaasi salka ku haysaa in muddada loo kordhiyo Daahir Rayaale, oo isagu u bartay muddo kordhintan iyo golahooda oo arrinkan ku kala qaybsan, maalinta salaasadana la filayo in natiijada go’aankaasi miiska la soo saaro. Kooxaha mucaradka ah ee Siilaanyo iyo Ina Cali Waraabe oo iyagu horey uga sanqadhiyey inaysan marna yeelli doonin in loo kordhiyo Ina Rayaale oo isagu aad u bartay kordhinta, oo siday wararku sheegayaana wuxuuba u isticmaala dariiqooyin badan oo hawshaasi u fududeeya. Maalinta berito oo salaasa ah ayey u ballansan yihiin in muddo kordhintaasi meel la saaro, siday ilaha xogogaalka ahi sheegayaana, waxay u badan tahay in loo kordhino muddo ku siman ilaa lix bilood, hase ahaate arrintan waxaa ka biya diidsan kooxaha isbahaystey ee mucaaridka ah, waxaanay sheegeen hadii ay arrintaasi timaado in shacabku ka dhiidhiyo, oo aysan marna aqbalin. Dhinaca kale warar ayaa iyaguna tibaaxaya in uu fursadani ka faa’iidaysanayo Saleebaan Gaal oo isna aad u quudaraynaya inuu si ku meel gaadh ahaana kursiga ugu sii fadhiisto, waxaanay arrinkan ka wada socdaan Siilaanyo oo ay isku gacan qaadeen shirkii Gar adag ee waagii dhawayto, waxaanay qabaan inay fursadani iyagu xaq u leeyihiin. Isku soo wada duuboo maalinta salaasada ah ayaa la dhawrayaa inay doodani dhinac uu u dhacdo, inkastoo loo badinayo in loo kordhin doono, arrintaasina ay u arkaan inay u tahay xalka lagu kala badbaadi karo... Jidbaale.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Liibaan Posted September 23, 2009 HAA TUF NEWS: Golaha Guurtida Oo Maanta La Horkeenayo Mooshin Madaxweyne Rayaale Muddada Loogu Kordhinayo, Shuruudana Ku Xidhan Yihiin Iyo Muxaafidka Oo Beelahooda Culays Kaga Yimid Nuxurka Iyo Shuruudaha Uu Xambaarsan Yahay Mooshinka,Cabdi Waraabe,Sh.C/Rahmaan Sh.Khaliif,Cali Dheere,Iyo Suldaan Ismaaciil Oo Beelahoodu Culays Ku Saareen Mawqifkooda Muddo Kordhinta Hargeysa Septembar 22, 2009 (Haatuf)-Fadhiga uu golaha guurtidu maanta yeelanayo ayaa la filayaa in mudanayaasha garabka muxaafidka ee guurtidu ay golaha soo hordhigi doonaan mooshin ay ku doonayaan in muddo kordhin todoba bilood ah oo shuruudi ku xidhantay muddada xil-haynta loogu kordhiyo madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, oo muddadii loo cayimay in doorashada madaxtooyadu ay qabsoonto oo ku aadan 27 September 2009 ay komishanka doorashooyinku sheegeen inaanay muddadaasi ku qabsoomayn, iyaga oo aan wakhti kalena u cayimin. Mooshinka la sheegay in garabka muxaafidku ay golaha soo hordhigi doonaan oo ay ku doonayaan 27 September intaan la gaadhin in muddo kordhin loogu duugo madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, oo nuxur ahaan la sheegay inuu mooshinkaasi xambaarsan yahay qodobo ay ka mid yihiin: 1. In madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka hada talada haya muddo todoba bilood ah xilka loo kordhiyo, 2. In muddada afarta bilood ee u horaysa lagu saxo natiijadii diiwaangelintii codbixiyayaasha ka soo baxday ee komishanka doorashooyinku ay hore u laaleen. 3. Haddii muddadaasi lagu dhamaystiri kari waayo sixitaanka natiijada diiwaangelinta in muddada saddexda bilood ee hadhay si toosa loogu galo doorashada madaxtooyada bilaa diiwaangelin. Ilo wareedyo uu wargeyska Haatuf ka helay garabyada guurtida ee ku kala qaybsan muddo kordhinta madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in mooshinkaasi ay soo sexeexeen garabka muxaafidka ee taageeray muddo kordhintii u dambaysay ee golaha guurtidu u sameeyay madaxweyne Rayaale 28 march 2009, kuwaas oo sidoo kalena ay mudanayaasha garabka muxaafidku ay xilligii muddo kordhintaa u dambaysay ay sidan oo kale u soo dhigeen mooshinkii lixda bilood loogu kordhiyey madaxweynaha iyo ku xigeenka, oo goluhuna qaraar gole oo dhan 42 mudane uu ku meelmariyey go’aankaa muddo kordhinta halka ay mudanayaasha garabka mucaaridkuna ay mooshinkaa korodhsiimada ka soo horjeesteen cod dhan 35 mudane, kuwaas oo ilaa wakhtigan xaadirka ah labadii garab ee golaha guurtidu ugu kala qaybsan yihiin go’aan muddo kordhina oo loo sameeyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaana tibaaxaha ka soo baxaya dhaqdhaqaaqyada mooshinkaasi ay sheegayaan in maanta ay garabka muxaafidku soo hordhigi doonaan fadhiga golaha. Dhinaca kale waxa iyagu mawqif adag kaga soo horjeeda in golaha guurtidu muddo kordhin u samayso madaxweynaha iyo kuxigeenka labada xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid oo iyagu uga digay in guurtidu ku talaabsato muddo kordhin wahtigan xaadirka ah, iyagoo dhinacyada ay khusayso aan wadatashi ka yeelan. Golaha guurtida oo ah golaha awooda muddo kordhinta uu sida gaarka ah distoorka qaranku u siiyey qodobka 83aad farqadiisa 5aad uu jidaynayo in marka duruufo la xidhiidha masiibooyin baahsan ammaan daro ay u qabsoomi waydo doorashadu sidaa darteed marka ay duruufahaasi la soo gudboonaadaan dalka ay guurtida waajib ku tahay in muddada lagaga bixi karo duruufahaasi ay madaxweynaha iyo kuxigeenka talada haya u kordhiyaan muddada lagu qaban karo doorashadii madaxtooyada hase yeeshee guurtidu, iyada oo aanay jirin asbaabaha uu sheegayo distoorku ka dhicin dalka ayay tiraba saddex jeer oo hore muddo kordhin ugu sameeyeen madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, taas oo imikana ka dhigaysa in mar afraad ay muddo kordhin u sameeyaan. Dhinaca kale waxa xalay magaalada laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo iyo shirar doceedyo la xidhiidha loolanka ka dhex aloosan mudanayaasha Guurtida oo dagaalkoodu marayo xiddigaha oo ay ku soo kala jiidanayaan mudanayaasha garabka mucaaridka iyo muxaafidku codadka lagu kala bixi doono aakhirataanka marka la gaadho meelmarinta iyo diidmada muddo kordhinta. Xukuumada iyo axsaabta mucaaridka laftooda ayaa iyaguna sidoo kale door weyn ka ciyaaraya loolanka adag ee ka dhex taagan guurtida, taas oo habeenkii xalay ay gaadhay heer in mudanayaasha guurtida qudhooda loo galay dadaalo lagu kala kasbanayo taageeradooda. Quote Share this post Link to post Share on other sites