Sign in to follow this  
General Duke

TFG troops clear up mission in HIIRAAN

Recommended Posts

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo howlgallo burcad sifeyn ah oo ay ka fuliyeen gobalka Hiiraan kusoo qab qabtay tiro burcad ah..

 

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee jooga gobalka Hiiraan ayaa xalay qaaday howlgal burcad sifeyn ah oo aad u ballaaran ,kaasoo lagu soo qab qabtay tiro burcad ah oo dadka safarka ah u gelijiray wadada islamarkaana horay dhibaatooyin kala duwan u gaarsiiyay dad safar ahaa

 

Wararka laga helayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo burcad sifeyn ah ka fuliyeen wadada u dhexeysa degmada Buulo Burde iyo Tuulada lagu magacabo Qoor weyn waxaana intii uu howlgalkaasi soconayay ay ciidanka xooggu gacanta kusoo dhigeen in ka badan 12 burcad ah..

 

Burcadan ayaa falkii ugu dambeeyay ee dad rayid ah ay dhibaato ku gaarsiiyeen waxaa uu todobaadkan ka dhacay Tuulada JInbilkey,waxaana ay geysteen dilal,dhaawacyo iyo waliba dhaca,taasoo keentay in ciidanka xooggu ay qaadaan tallaabadan oo dadka deegaanku ay si ad ah u amaaneen.

 

Guddoomiyaha degmada Buulo Burde Mudane C/casiis ayaa saxaa fadda saaka u sheegay in howlgalka ay ciidanka xooggu bilaabeen uu sii socondoono tan iyo inta wadada xiriirisa Muqdisho iyo goballada dhexe laga dhigayo mid ka nabad qabta dhibaatooyinka burcadnimada.

 

Burcaddii ay ciidanka xooggu gacanta kusoo dhigeen ayaa haatan waxaa lagu hayaa bar ay ciidanka xooggu kuleeyihiin gobalka Hiiraan,iyadoo la filayo in dhawaan loosii gudbiyo xabsi kaddibna laga abaal mariyo dhibaatooyinkii ay gaarsiiyeen dadka rayidka ah ee u kala socdaala Muqdisho iyo gobalalda dhexe ee dalka Soomaaliya.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Dowlada KMG ah ee gobalka Hiiraan oo soo qabtay burcad Buulo Burde ku sugneed.

 

Ciidamada Dowlada KMG ah ee Somalia ee ka howl gala gobalka Hiiraan ayaa ku guuleystay inay gacanta kusoo dhigaan kooxo burcad ah oo dhibaatooyin ka geysanayay gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Buulo Burde.

 

Gudoomiyaha degmada Buulo Burde Cabdicasiis Duuroow ayaa Idaacada Simba u sheegay inay burcadaan dhac,dil iyo kufsi ka geysanayeen deegaano hoos yimaada Buulo Burde isla markaana sharciga ay soo hor istaajin doonaan.

 

Lama shaacin tirada burcadaan ay soo qabteen ciidamada Dowlada KMG ah Somalia , iyadoo maamulka Buulo Burde uu sheegay inay ku raad joogaan burcad kale oo uu sheegay inay ku dhuumaaleysanayaan tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.

 

Arintaan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadweynaha wadadaasi isticmaali jirtay, kuwaaso cabsi xoogan ka qabeen in burcadaan ay qasaaro u geystaan.

 

Burcadaan ayaa dhac iyo dil u geysatay dadweynaha ka qaxaya intooda badan magaalada Muqdisho ee maraya wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe ee dalka Somalia .

 

Shabeeladahoose.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this